ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

Shirka Nairobi ee la qaban doono bisha Maarso 2002 haddii Allah Idmo.

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 13, 2002

Posted to the Web   January 13, 2002

Waxaa Qoray

Elmi Abdulaahi

elmiabdu@hotmail.com

Waad salaaman tihiin.Waxaan jeclahay inaan fikradeyda ka dhiibto Shirka Nairobi ee la qaban doono bisha Maarso 2002 haddii Allah Idmo.
Sida warka loogu dhigay ama loo baahiyey waa arrin aad u wanaagsan,laakinse waxaa aad iyo aad u muhiim ah shirarkii nabadeynta Soomalia oo horay loo soo qabtay dhammaan way hirgeli waayeen,sababtoo ah markii hore waxay ka leexdeen waddaddii toosneyd ee nabada lagu gaari lahaa.

Waxaa ugu roonaa wax yar kii carta ee Jabuuti,markii hore wuxuu ku socday waddo fiican,kadib shirkii wuxuu ka leexday tuubiyahii toosnaa oo dad dano gaar ah ka leh Somalia ayaa hoggaanka u qabtay kadib waxaa dhacday inay meeshii noqodtay gole qabiil gaar ah ay maamushaan dadka kale-na ay noqdaan sida(Shirbiryow heesa hees wanaagsan heesa).

 

Wax kale iska daa ka qeybgalayaashi ayaa loo kala saaray laan dheer,laan gaab,qaar baa loo oggolaaday inay deggaanadooda la tashi u tagaan,qaarna la caburiyey oo laga qaaday xuriyadda oo dhan.ugu dambetyntii dawlad maqaar saar ah ayey soo magacaabeen oo dulmi iyo caddaalad darro ku dhisan.Dib u eega ama dib u fiiriya cabdiqaasim khudbadii uu shirkii carta uu ka jeediyey iyo ballamadii uu qaaday isla markii doorashada dhammaadatay waa ka leexday.Qof ballan ka baxay sow ma   ahan MUNAAFAQ.Munaafaqna mas'uul ma noqon karaa ?


Kadib shirkii carta dalka Somalia waxaa u bilowday fitno kale oo horleh oo ay horseed ka yihiin kooxda carta,barakicin,boobid dhul islaameed,awood u sheegasho dadka maatada ah.Taasi oo dhan waxaa markhaati oo marag ma doonto ah,dawladda la sheegaayo xagee ayey xunkuntaa ? Qabiil waa Somalia burburiyey ?
Qabiil Qaran ma dhisi karaa ? Isku soo wada duub,shir kasta oo ka leexdo tubta toosan aakhiritaankiisa waa baa ba' iyo hoog horleh usoo kordhay dalka Somalia.
Sidoo kale waxaan la yaabanahay arrimaha Somalia gudaha dalka Somalia maxaa ka quseeya dawlada Jabuuti,Masar,Talyaani.Libya oo intuba fara gelin aad u weyn ku haaya iyo waddamo kale oo adeegsanaayo dad kale Somali iyo ajnabi kalkaal.Talyaaniga waa cadawga ugu weyn ummada Soomaaliyeed.Ciidan ajnabi cagta soo dhiga ciidda Somalia wuxuu ahaa Talyaani 1991,iyadoo Somalia gacan u haaban oo meel cidlo ah kaga dhaqaaqay.

 

Talyaaniyow maxaad ka quseeya arrimaha Somalia.Sidoo shirkii nabadeynta Somalia ee lagu qabtay Masar.nabadsugida Masaarida waxay ku qabteen safiirka Talyaaniga u fadhiya boorso ay ku jirto 5 milyan US Dollars si loogu qeybiyo ka qeybgalayaasha shirka oo ay u fuliyaan "Barnaamij uu watay Talyaaniga"intii aan ogeyn sidaasi u ogaada Talyaani inuusan waxba noo heynin.Jabuuti waa cadaw kale aad u weyn oo ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.Markii uu dagaalka ka bilowday dawladda Jabuuti (Xuduudka ayey kasoo xiratay maatada qaxootiga Soomaaliyeed oo xuduudka ayey ku la'deen,bal fiiriya dawladaha Kenya iyo Ethopia xududka ayey noo fureen oo weliba gacmo furan nagu soo dhoweeyeen,bal isu barbar dhiga arrimaha kor ku tilmaaman oo garaadkiina ku cabira).


Shirka kasta ku saabsan nabadeynta Somalia waxaa gundhig u ah:-
1)- caddaalad        2)- Sinnaan
ay u wada siman yihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed,taasi haddii la helo waa kheyr iyo barwaaqo,haddii la waayo waxba kama duwana shirarkii horay u fashilmay oo kale.Waxaa habboon in lagu waana qaato khaldaadkii horay usoo dhacay.
Somalia Illaahay waddada toosan haku hago,hana ka wada qabto sharwadaaysah oo dhan gudaha iyo dibaduba.
Wa Calaykum Salaam.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com