Waad salaaman tihiin.Waxaan jeclahay
inaan fikradeyda ka dhiibto Shirka Nairobi ee la qaban doono bisha
Maarso 2002 haddii Allah Idmo.
Sida warka loogu dhigay ama loo baahiyey waa arrin aad u
wanaagsan,laakinse waxaa aad iyo aad u muhiim ah shirarkii nabadeynta
Soomalia oo horay loo soo qabtay dhammaan way hirgeli waayeen,sababtoo
ah markii hore waxay ka leexdeen waddaddii toosneyd ee nabada lagu gaari
lahaa.Waxaa ugu roonaa wax yar kii carta ee Jabuuti,markii hore wuxuu ku
socday waddo fiican,kadib shirkii wuxuu ka leexday tuubiyahii toosnaa oo
dad dano gaar ah ka leh Somalia ayaa hoggaanka u qabtay kadib waxaa
dhacday inay meeshii noqodtay gole qabiil gaar ah ay maamushaan dadka
kale-na ay noqdaan sida(Shirbiryow heesa hees wanaagsan heesa).
Wax kale iska daa ka qeybgalayaashi
ayaa loo kala saaray laan dheer,laan gaab,qaar baa loo oggolaaday inay
deggaanadooda la tashi u tagaan,qaarna la caburiyey oo laga qaaday
xuriyadda oo dhan.ugu dambetyntii dawlad maqaar saar ah ayey soo
magacaabeen oo dulmi iyo caddaalad darro ku dhisan.Dib u eega ama dib u
fiiriya cabdiqaasim khudbadii uu shirkii carta uu ka jeediyey iyo
ballamadii uu qaaday isla markii doorashada dhammaadatay waa ka
leexday.Qof ballan ka baxay sow ma ma ahan MUNAAFAQ.Munaafaqna mas'uul
ma noqon karaa ?
Kadib shirkii carta dalka Somalia waxaa u bilowday fitno kale oo horleh
oo ay horseed ka yihiin kooxda carta,barakicin,boobid dhul
islaameed,awood u sheegasho dadka maatada ah.Taasi oo dhan waxaa
markhaati oo marag ma doonto ah,dawladda la sheegaayo xagee ayey
xunkuntaa ? Qabiil waa Somalia burburiyey ?
Qabiil Qaran ma dhisi karaa ?
Isku soo wada duub,shir kasta
oo ka leexdo tubta toosan aakhiritaankiisa waa baa ba' iyo hoog horleh
usoo kordhay dalka Somalia.
Sidoo kale waxaan la yaabanahay arrimaha Somalia gudaha dalka Somalia
maxaa ka quseeya dawlada Jabuuti,Masar,Talyaani.Libya oo intuba fara
gelin aad u weyn ku haaya iyo waddamo kale oo adeegsanaayo dad kale
Somali iyo ajnabi kalkaal.Talyaaniga waa cadawga ugu weyn ummada
Soomaaliyeed.Ciidan ajnabi cagta soo dhiga ciidda Somalia wuxuu ahaa
Talyaani 1991, iyadoo Somalia gacan u haaban oo meel cidlo ah kaga
dhaqaaqay.Talyaaniyow maxaad ka quseeya arrimaha Somalia.Sidoo shirkii
nabadeynta Somalia ee lagu qabtay Masar.nabadsugida Masaarida waxay ku
qabteen safiirka Talyaaniga u fadhiya boorso ay ku jirto 5 milyan US
Dollars si loogu qeybiyo ka qeybgalayaasha shirka oo ay u fuliyaan
"Barnaamij uu watay Talyaaniga"intii aan ogeyn sidaasi u
ogaada Talyaani inuusan waxba noo heynin.Jabuuti waa cadaw kale aad u
weyn oo ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.Markii uu dagaalka ka bilowday
dawladda Jabuuti (Xuduudka ayey kasoo xiratay maatada qaxootiga
Soomaaliyeed oo xuduudka ayey ku la'deen, bal fiiriya dawladaha Kenya
iyo Ethopia xududka ayey noo fureen oo weliba gacmo furan nagu soo
dhoweeyeen,bal isu barbar dhiga arrimaha kor ku tilmaaman oo garaadkiina
ku cabira).
Shirka kasta ku saabsan nabadeynta Somalia waxaa gundhig u ah:-
1)- caddaalad 2)- Sinnaan
ay u wada siman yihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed,taasi haddii la
helo waa kheyr iyo barwaaqo,haddii la waayo waxba kama duwana shirarkii
horay u fashilmay oo kale.Waxaa habboon in lagu waana qaato khaldaadkii
horay usoo dhacay.
Somalia Illaahay waddada toosan haku hago,hana ka wada qabto
sharwadaaysah oo dhan gudaha iyo dibaduba.
Wa Calaykum Salaam.