ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Faalo: Dadaalka Ergeda Nabadeed Ee Puntland Ma Guulaysan doonaa. 

Posted to the Web   April 09, 2002

Xusuus-qor Weriye" 

xusuusqorweriye@hotmail.com


FAALLO: DADAALKA ERGADA NABADEED EE PUNTLAND MA GUULEYSAN DOONAA MISE…….

 

WQ: xusuusqorweriye@hotmail.com

 

Tan iyo markii uu qilaafka siyaasadeed soo kala dhex galay reer Puntland, waxay waxgaradka iyo aqoonyahanada Puntland oo kaashanaya bulshada inteeda badan ku hawlanaayeen oo ay barbar wadeen dadaal ballaaran oo ay xal ugu baadigoobayeen is-mari-waaga siyaasadeed ee ka aloosmay Puntland, kaasoo sababay khasaaro mood iyo noolba leh, inkastoo khasaaruhu intii la filayey uu aad uga yaraa marka loo eego baaxadda qilaafaadka jira iyo marxaladihii uu soo maray, waxaana la rumeysan yahay in biseylka garaadka siyaasiga ah ee reer Puntland ay baajiyeen burbur ka baaxad weyn midka maanta jira oo reer Puntland lala maaganaa.

 

Waxaan marna u baahnayn in la is-xusuusiyo sababaha dhaliyey shaqaaqada siyaasadeed iyo tan colaadeed ee haatan ka oogan Puntland. Waxaa xaqiiqo aan la qarin karin ah in dhibaatada ka taagan Puntland ay ahayd, welina tahay shirqool laga soo maleegay dibedda Puntland, hase yeeshee ay fulinayeen shaqsiyaad iyo kooxo daneystayaal ah oo u dhashay Puntland, waxayse talo faraha ka haadday markii Issimadii Puntland qaarkood loo adeegsaday burburinta Puntland, iyagoo taas ku beddeshay xoogaa yaroo dhaqaale ah oo farqaha loogu shubay, iyo iyadoo loo sheegay in xushmad iyo qaddarin ay ku yeelan doonaan dowladda cusub ee Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee reer Puntland marnaba kama aysan quusan isku-daygoodii ku aaddanaa sidii xal loogu heli lahaa, loona soo af jari lahaa dhibaatooyinka jira.

 

Dadaalladii kala duwanaa ee reer Puntland ay ka wadeen dalka gudihiisa iyo dibeddiisa waxay miradhal noqdeen kaddib markii lagu guuleystay, iyadoo la kaashanayo Beesha Caalamka, in ergo-nabadeed oo reer Puntland ah la isku dubbarido, si ay gacan uga geystaan baadigoobka loogu jiro xal-u-helidda dhibaatada ka jirta Puntland. Waxgaradka iyo aqoonyahannada reer Puntland ee kala jooga dalka dibeddiisa iyo gudihiisaba waxay ku guuleysteen in Beesha Caalamka ay ku qanciyaan in xal Soomaaliyeed oo xilligan la doonaa aysan suurtagal ahayn iyadoo aan marka hore xal loo helin qilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland, taasoo sabab looga dhigay kaalintii hormoodnimo ee ay weligoodba reer Puntland kaga jireen dib usoo celinta qarannimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya.

 

Ergada Nabadeed oo ka kooban 29 xubnood oo isugu jira rag iyo haween ka kala yimid dalka dibeddiisa iyo gudihiisaba waxay Puntland soo gaareen 20-kii Maarso 2002, markaasoo ay Boosaaso ka billaabeen shirar wada tashi ah oo ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, waxayna dabadeed u gudbeen gobollada iyo magaalooyinka kale ee Puntland. Qaybaha bulshada ee ay Ergada Nabadeed la kulmayeen waxaa ugu muhiimsanaa Issimada Puntland, waxaana illaa iyo haatan la hubaa in uusan jirin hal Issin oo diiday dadaalka nabad-raadineed ee ay Ergadu ka waddo Puntland.

 

Jaamac Cali Jaamac oo ay talada Puntland isku haystaan Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa illaa iyo hadda la hubaa in uu yahay qofka keliya oo si aan leexleexad lahayn uga biyadiiday dadaalka nabadda ee ay Ergadu ka wadaan Puntland, wuxuuna taas ku caddeeyey kulankii uu la yeeshay Ergada iyo qoraallo kala duwan oo uu ku muujiyey diidmadiisa, isagoo taas ku sababeynaya in aysan Ergadu dhexdhexaad ka ahayn qilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland.

 

Col. Cabdullaahi Yuusuf oo la filayey inuu si weyn uga hor yimaado hindisayaasha Ergada Nabadeed ayaa si lama filaan ah ku aqbalay kaddib markey Ergadu ku qanciyeen in aysan jirin haba yaraatee wax uga hooseeya hawsha nabadeynta ee ay ku doonayaan in nabad lagu soo dabbaalo Puntland.

 

Guud ahaan hawlaha Ergada Nabadeed waxay haatan ku socdaan si hufan, hase yeeshee waxaa dhanka kale barbar socda dadaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu kufiyo, waxayna dad badan oo gorfeeya siyaasadda Puntland aaminsan yihiin in hawsha Ergada Nabadeed ay guuldarro ku dhammaan doonto, taasoo sabab looga dhigayo in Ergada Nabadeed ay ka ilduufeen wax-ka-qabashada ama gufeynta dhowr ilood oo ay weli kasoo burqanayaan bansiinka lagu belalinayo dabka ka huraya Puntland. Waxaa la aaminsan yahay in loo baahnaa in Ergada Nabadeed ay ilahaas gufeeyaan kahor inta aysan u tafaxaydan xal-u-raadinta dhibaatada Puntland.

 

CAQABADAHA WAAWEYN EE HORYAALLA ERGADA NABADEED.

 

Laanta afka Soomaaliga ee BBC:

Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC waxay   ka mid ahayn ilihii loo adeegsaday burburinta Puntland. Waxaan hubaa in aan loo baahnayn in aan taas sababeeyo. Shaqaalaha BBC-da ee jooga London iyo weriyayaasha u jooga Soomaaliya ayaa dhammaantoodba ka qayb qaatay burburinta Puntland, waxayna weli ku hawlan yihiin burburinteeda iyo turuntureynta Ergada Nabadeed. Ergada Nabadeed iyagoo kaashanayaa taageerada ay ka haystaan Beesha Caalamka waxaa la gudbooneyd in ay marka hore dowladda Ingiriiska u sharxaad in BBC-du ka mid tahay qalabka loo adeegsaday burburinta Puntland, aysanna suurtagal ahayn in guud ahaan Soomaaliya ay Nabadi ka aslaaxdo inta ay laanta afka Soomaaligu gacanta ugu jirto koox dano gaar ah oo qabiil u adeegaya.

 

Ururka Al-itixaad:

Ururka AL-itixaad wuxuu ahaa kooxdii ugu xoogga weyneyd kooxihii isbahaystay ee ka wada qayb galay burburinta Puntland. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay maamulka Puntland la wareegaan, waxayna taas gacan uga helayeen xukuumadda Cabdiqaasim oo sida la wada ogyahay ay iyagu saldhig u yihiin. Waxay kaloo gacan kaga helayeen dhammaam xubnaha kale ee ururka Al-itixaad ee ku sugan gudaha iyo dibedda Soomaaliya oo ay ka helayeen dhaqaale xoog badan oo ay ku hafajiyeen Isimada qaarkood iyo dad badan oo ay aragtidoodu gaaban tahay. Sidoo kale ururka Al-Itixaad waxay si toos ah iyo si dadbanba u adeegsanayeen, welina u adeegsanayaan idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, iyadoo uu Puntland wakiil uga yahay Axmed Kismaayo oo sida la wada ogyahay ahaa tifaftirihii wargeyska Riyaaq oo ay lahaayeen ururka Al-itixaad, islamarkaana ah madaxa hoggaanka warfaafinta ee Itixaadka Puntland. Waxaa kaloo iyana kaalin weyn qaadatay idaacadda SBC oo ay ururka Al-itixaad soo iibsadeen maalmihii ay kacdoonka ka abaabulayeen Puntland, Axmed Kismaayo ayaa idaacaddaas qudheeda si dadban madax uga ah. Idaacadda BBC-da waxay dabadeed heshiis naas nuujin ah oo la xiriira baahinta wararkeeda la gashay idaacaddaas iyada ah, waxaana munaasabaddii heshiiskaas lagu kala qoranayey goobjoog ka ahaa Yuusuf Garaad qudhiisa. Haddaba, Ergada nabadeed waxaa la gudbooneyd, welina la gudboon in intii ay Nayroobi joogeen ay shaaca ka qaadaan, adduunkana maqashiiyaan in ururka Al-itixaad uu yahay kooxda qaska ka wadda Puntland, ayna adag tahay in xal loo helo mushkiladda Puntland haddii aan Beesha Caalamka gacan looga helin. Sida la wada ogyahay waxay haatan xubnaha iyo taageerayaasha ururka Al-itixaad ka wadaan Puntland abaabul xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku kufiyaan dadaalka nabad-raadinta ee ay Ergada Nabadeed ka wadaan Puntland. Waxay ku hawlan yihiin shirar kala duwan oo liddi ku ah Ergada Nabadeed, waxaana la hubaa in Ergada Nabadeed laga adkaan doono haddii aysan Beesha Caalamku si dhab ah u barbar istaagin.

 

Xafiiska Midowga Yurub ee Boosaaso:

Xafiiska Midowga Yurub ee Boosaaso ayaa ka mid ah ilaha laga burburiyey Puntland. Sarkaalka xafiiskan madaxda u ah oo ah nin Hawiye ah ayaa isagu in muddo ahba ahaa hawl-fududeeyaha shirqoollada laga soo maleego Muqdisho iyo majarahabaabinta ajnabiga booqashooyinka ku yimaada Puntland. Sarkaalkan oo magaciisa la yiraahdo Garibaldi ayaa in muddo ahba u kala dabqaadayey NGO-yada la baxay INXA ee ay kooxda Carta u adeegsatay burburinta Puntland iyo shaqsiyaad kooxdaas ku xiran ama NGO-yadaas xubno ka ah. Wuxuu abaabulay booqashadii uu Dr. Bood ku yimid Boosaaso isagoo u kala ergeynaya Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdiqaasim, farriintii uu wadayna ay ahayn inuu Jaamac ku biiro dowladda Carta kahor shirka Nayroobi. Sidoo kale waxaa dhowaan Boosaaso lagu qabtay oo uu wakiilka EU-du soo qabanqaabiyey shir kale oo ay 29 urur oo reer Muqdisho ah oo ka tirsan INXA isugu yimaadeen. Waxaan shirkaas qudbado ka jeediyey Madaxweyne xigeenka maamulka Jaamac Cali Jaamac oo loo yaqaanno Goonle iyo Garabaldi oo ku hadlayey magaca EU-da.

 

Xafiiska sarkaalkan ayaa noqday goobta ay ku kala warqaataan wasiirada iyo taageerayaasha Jaamac Cali Jaamac, waxaana intaas dheer kulammo aan xad lahayn oo uu maalin kasta la yeesho Jaamac qudhiisa, isagoo u gudbinaya farriimo kaga imaanaya xaggaa iyo Muqdisho iyo weliba Nayroobi. Booqashooyinka is-dabajoogga ah ee uu garibaldi ku tago gobolka Mudug ayaa loo arkaa mid uu Jaamac kaga faaiideysto ogaanshaha xogta dhabta ah ee Gaalkacyo.

 

Markey Ergada Nabadeed hawlahooda ka bilaabeen Boosaaso, wuxuu sarkaalkan billaabay fidinta dicaayado raqiis ah oo ka dhan ah Ergada Nabadeed, wuxuuna reer Boosaaso iyo kooxda Jaamac u caddeeyey in hawsha ay Ergada Nabadeed wadaan aysan ahayn mid taageero ka haysata Beesha Caalamka, balse ay tahay mashruuc aan laga baaraandegin oo ay hay’adda Diakonia kasoo heshay dowladda Iswidhan, wuxuuna intaas ku daray in mashruuca Diakonia uusan ka duwanayn kuwa shabakadda INXA ay ka wadaan Koofurta Soomaaliya iyo Muqdisho. Waxaa la rumeysan yahay in Jaamac Cali Jaamac iyo kooxdiisu ay rumeysteen islamarkaana ku go’aan qaateen xogtaas uu bixiyey wakiilka EU ee Boosaaso, waana taas sababta uu Jaamac sida aan leexleexadka lahayn uu uga horyimid hawlaha Ergada Nabadeed ee Puntland. Dad badan ayaa aaminsan in nabarka uu wakiilka EU-da ee Boosaaso la helay Puntland uu ka xanuun badan yahay kan Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga. Haddaba, Ergada Nabadeed haddii ay dhab ka tahay in dadaalkooda nabad-raadineed ay taageero kaga haystaan Beesha Caalamka, waxaa la gudbooneyd, weliba la gudboon in ay xafiiska EU-da ee Nayroobi arrintaas kala hadlaan kahor inta aysan Puntland soo caga dhigan.

 

Ugu dambeyntii, dadaalka ballaaran ee ay wadaan Ergada Nabadeed ee Puntland waa mid ay si weyn ugu guuxeen reer Puntland, hase yeeshee kooxo ka xoog weyn oo adeegsanaya shaarar kala duwan ayaa lugta jiidaya, waxayna dadka siyaasadda Puntland lafagura aaminsan yihiin in ay lagama maarmaan tahay in Ergada Nabadeed ay marka hore gufeeyaan ilaha ay dhibaatadu kasoo fufeyso inta aysan u gudbin wejiga labaad ee hawshooda, taasoo ay markii hore ka ilduufeen ama sahashadeen. Haddii aysan sidaas yeelin, waxaa si weyn loo aaminsan yahay in dadaalka nabadeed ee haatan socda uu noqon doono hal bacad lagu lisay, islamarkaana uu ku dhammaan doono guuldarro, taasoo wejigabax ku noqon doonta hay’adda Diakonia ee howshan isku xilqaantay iyo guud ahaan shacabka nabadda jecel ee Puntland.   



Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.