| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

 Faalooyin wargayska Sooyaal.

AllPuntland(Aragti) Kala xiriir aragti@allpuntland.com 
Oktober  15, 2001
Posted to the AllPuntland.com  Oktober  15, 2001
Boosaaso
 

Riyadii Isimada Shirka Garoowe halkee…..?

Tallaabadii carada iyo aargoosiga aheyd ee Isimadii Puntland ee Garoowe ku shiray kadib markii dowladdii Col. C/laahi madaxda ka ahaa mudada kororsatay, waxay noqotay mid la eeday, kadib markii ay xilkii dowladnimo ee Puntland ay dusha ka saareen nin aan qaadi karin.

Waxay aheyd lama huraan in Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa ninka ay Isimada Puntland qaarkood ka ogolaadeen in uu xilka Madaxweynanimada Puntland si ku meel gaar ah u sii hayo, maadaama qodobka 34.2 ogolaanayey sidaas mar haddii xukuumaddii Col. C/laahi Yuusuf ku guul darreysatay in ay hirgeliso arrimihii laga sugayey muddada Saddexda sanno ah ee ay dalka soo maamuleysay.

Haddaba, waxaa is weydiintu tahay Yuusuf Xaaji Nuur haddii uu ku saxnaa ilaalinta Axdigii Puntland sidee wax u maamulay mudadii uu ku simaha Madaxweynaha Puntland ahaa? Yuusuf X. Nuur wuxuu gudoomiye ka ahaa Maxkamada Sare ee Puntland, waxaana maamulkiisii laga daawan karay sidii uu u maamulay xilkii ka horeeyey ku simanimada ee Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta Puntland, oo haatan aan inooga baahneyn in aynu dib ugu noqono cid walibana ay ka dheregsan tahay waxay ahaayeen.

Run ahaantii marna kama muuqan saansaan Madaxweynanimo mudadii Labada Bilood iyo dheeraadka ahaa ee uu magaalada Garoowe ka degenaa guri ijaar ah oo kiradiisa ay iska soo ururiyeen dadkii isbedel doonka ahaa ee sida weyn u necbeystay maamulkii Col. C/laahi Yuusuf.

Yuusuf waxaa xataa dadka indhaha aan wax ka aragi dareemayeen in haybadii Maamul Goboleedka Puntland lagu yiqiinay uu maro boor weyn dusha ka saaray, lama ilaawi karo ku takri falkii aaba la’aanta ahaa ee hantida ummadda loogu geystay maalmihii koobnaa ee Yuusuf X. Nuur, bangiyada Putnland iyo goobaha dakhligu ku soo xeroodo ayaa waxaa buuxiyey qoraalo nooca fadlanka loo yaqaan oo Yuusuf Xaaji Nuur shakhsiyaad iyo dad kaleba ugu xantoobinayey, xataa waxaa ka mid ahaa Boqolaal Malyan oo la sheegay in loo soo qoray rag lagu sheegay in ay C/laahi Yuusuf la dagaalameen kharashna ka baxay, meeshase kama marneyn Abaal Marin in hantidaas loo bixinayey.

Gurigii uu degenaa Col. C/laahi Yuusuf oo ahaa guri loogu tala galay Madaxweynaha Puntland ayaa haawanaya oo dhowr askeri ilaaliyaan, iyadoo aan la aqoon sababta Yuusuf X. Nuur weli u degan yahay guri kiradiisu laba jibaar ka badan tahay kii ay hay’ada Diakonia bixin jirtay, ama aan niraahno guriga ugu qaalisan magaalada Garoowe, kaasoo hantida bulshadda danyarta ah laga soo ururiyo laga bixiyo, warkeedaba daa Madaxtooyada casriga ah ee Boosaaso oo ay ku baxday adduun ka badan Nus Malyuun Doolarka Mareykanka oo maamulkii hore uu dhisay oo wakhtigan ay soo baxayaan warar sheegaya in iib lagu raad-raadinayo.

Maamulka xamaasadu dhalisay ee Yuusuf Xaaji Nuur ayaa isku koobay bersada aqalka uu ku nool yahay, marnabana ma muujin in uu tallaabo ka qaado arrimihii foosha xumaa ee dalka ka dhacay wixii ka danbeeyey Col. C/laahi Yuusuf dowladdiisii, hanti la dhacay, gaadiid dowladu laheyd oo gacmo kale ku jira, hub iyo agab kale oo dowladda hantideeda aheyd, xataa daaqada qolkiisa kama eegin guryaha sharci darrada ah iyo dhul boobka ka dhacay magaalada uu ku nool yahay ee Garoowe. Gawaarida noocyada kala duwan ee Ku simaha iyo dadka u adeegaa ay isticmaalaan ayaa la xaqiijinayaa in ay Boqolaal Malyan bishiiba kiro ahaan loo siiyo Maalmihii Yuusuf waxaa lagu xasuustaa musuqmaasuqa ka dhashay qabanqaabadii shirka ergooyinka Puntland, kaasoo maamulkiisu u adkeystay guuldarrada foosha xun ee shirku ku bilowday iyo qayla dhaanta durbadiiba ay kiciyeen ergooyinkii shirku, waxaa xataa la qiray kaararkii Jaaliyadaha dibadda, kuwii dumarka iyo beelaha qaarkood in weji taageerayaal musharixiinta qaarkood ka soo jeeda loo bixiyey, sidoo kale arrimahaasi waxay dabar ku noqdeen in shirka jidkii loo jeexay uu ku socdo, ama hanaqaad noqon waayo, maalina furmo maalina xirmo, khilaafkii arrimahaas ka yimidna uu maanta meel cidlo ah dhigo riyadii Isimada shirka ugu ololeynayeen.

Ugudanbeyntii, arrimuhu siday doonaan ha u jeega xiirnaadaane inta aynu ka soo hadalnay ka qoto dheer ceebaha aan indhaha laga qarsan karin ee maalmaha la tiring karo ee Yuusuf X. Nuur uu xilka ku simaha ka ahaa dhacay, iyadoo dadka wax garanayaana ku doodayaan in sharciyan aanu Yuusuf xaq u laheyn in uu sii ahaado ku simaha Madaxweynaha maadaama wakhtigiisu bil keliya ahaa. Dhinaca kale, Isimada shirka Garoowe riixaya ayay soo wajahday xaalad qalafsan oo xaalku waa “Haddii Dawo Bukooto Maxaa Lagu Dabiibaa” 

Reer Barigu Maantana Yey ka Cabanayaan ?
W.Q. Captain. C/shakuur Mire Aadan

Rajada dadka lagu hanuunin jiray sannad ka hor waxay ahayd, kornayl Cabdullaahi ha na dhaafo, dadka gobolada kale culays ayay nagu yihiin, anaga Reer Bari ah waa nala haystaa, dhaqaalaheenii ayaa lagu kibray, waxaan nahay canshuur bixiyayaal aan waxba lagu soo celin, haddii aan wax noqon lahayn arimuhu sidaas ma noqdeen, boorka magaaladana maalin kasta biyo macaan ayaa lagu rushayn lahaa; erayadan iyo kuwo kale oo badanba waxay ahaayeen halkudhigyada dhagaha dadka xoogsatada ah ee reer Bariga ah lagu shubo, kuwaas oo aan intooda badan haysan fursado macquul ah oo ay ku hubiyaan xaaladaha siyaasadeed ee socda.

Yaa diiday in la dhiso Bander qaasim international Airport? Ma cadawnimo reer loo qabo ayaa loo hor istaagay mashruucii carmooyin? Hart Group lacagteedii yaa fuuqsaday? NESHA iyo PASWEINE yaa feentay? Lacagihii la soo daabacay yaa dilaalay? Xagee kale oo dalka dhaqaale iyo cuno lahayd? Maanta kornayl Cabdullaahi Berkaddii naguma haysto, Siciid Caduurna ma aha wasiirkii gacanta adkaa ee Maaliyada, Ibraahin Janraalna waxa ay haatan hawshiisu ku kooban tahay magac uu isagana dhawaan waayi doono marka afganbiga qaybtiisa labaad najaxdo iyo aamuskii horay loogu yiqiin.

Dekada iyo Garoonkii Bosaaso mid walba hawshiisii ganacsi ma gabin, dadka wax dhoofiya iyo kuwa wax soo dajiyaana waxba kama aysan badalin in ay ka rug doorsadaan goobahan, inkastoo Kornayl Cabdullaahi iyo qaar ka mid ah Ganacsatada taageertaa ay wadaan dadaal ay dhaqaale ugu uruurinayaan dekad gaar ah oo laga hirgaliyo xeebta Garacad, hadana taasi ma noqon mid shaqaysa waxaana si xoog leh uga hor yimid dadweynaha gobolka Mudug oo u arkay in ay tahay tallaabo uu cimri dherar ku doonayo, iyadoo waliba xilligan dhexda lagaga jiro xilligii bad furanka oo ah xilliyada ay dakadaha iyo garoomada Buntilaan ugu dhaqdhaqaaqa badan yihiin, ayaa hadana waxa cad in khasnadihii Buuxay ee Kornayl Cabdullaahi iyo taliskiisii laga dhaxlay ay faaruq yihiin. Lacag ka badan 30 Bilyan oo ka baxday khasnadda dawladda muddadii yarad ee labada bilood ahayd Ogos iyo Sebtembar meesha ay martay lama yaqaan, riyadii ahayd in reer Barigu baraare gali doonaana ifafaalaheedii ma muuqdo, waxaase taas uga daran in guryaha iyo bakhaarada Bosaaso oo ahaa kuwa ugu qaalisan uu haatan soo food saaray qiima dhacii ugu weynaa burburkii ka dib.

Hoteeladii magaaladda ee camirnaan jiray ayaa haatan kan ugu badan ay dagan yihiin dad aan ka badnayn 10- 20 qof midkiiba, kirooyinkii guryuhuna warkoodaba daah; tusaale ahaan gurigayga oo sanad ka hor lagu daganaa 1.5 Milyan, iyadoo waliba sarifka doolarku ahaa 1,200,000 (malyan iyo laba boqol oo kun) boqolkii doolar, ayaa maanta oo boqolka doolar yahay 2.250,000/= oo shillin waxa isla gurigii lagu dagan yahay Hal Milyan. Hoos u dhacan dhaqaale ee soo wajahay gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaaso ayaa loo aanaynayaa Afar arrimood:

1: Kornayl Cabdullaahi oo taageerayaal xoog leh ula guuray gobolka Mudug, kuwaasoo wax badan haatan kor u qaaday qiimihii kirooyinka guryaha iyo Hoteelada Gaalkacyo lagu dagi jiray iyo macaamiisha ay heli jireen intaba.

2: kala soocan ka dhashay huruuf iyo waji badal is madoobayn ku dheehan tahay oo dadka degaanka Bosaaso is xijinaya qaarkood u muujiyeen dadkii degaanka camiray ama soo degay tobankii sano ee udanbeeyay.

3: Shirka Garoowe oo ergooyin, Isimo, goob joogayaal iyo daba yaacayaal badani ku maqan yihiin, kuwaasoo si aad ah u camiray toleelada iyo guryaha Magaalada Garoowe oo horay kan ugu qaalisan lagu kirayn jiray 200 oo doolar oo haatan gaaray in ka badn 1000 doolar.

4: dad badan oo xagaagii sidii caaadiga ahayd uga guuray Bosaaso oo markii la gaaray xilligii soo laabashada uga baaqsaday in ay soo laabtaan, dhibaatooyinka faraha badan ee ka dhashay reer miyi fara badan oo hubaysan oo soo galay magaaladdii Ganacsiga Buntilaan, iyo la’aanta maamul adag oo laysku halayn karo oo suga amaanka oo aan jirin, iyo waliba maxkamaddii oo burburtay kadib markii ay ku dirireen dhaqaalihii dadka laga qaadayayna ay isku afgaran waayeen, oo qaarkood lafo dheedheer laga jabiyay, haddana ay irduhu u xiran yihiin, iyadoo garsoorayaasha qaarkood lagu aanaynayo in ay qaateen qalab iyo gaadiid maxkamaddu lahayd oo ay u badaleen hanti ay gaar u leeyihiin.

Isku soo duubo waxaa jira isweydiimo badan oo reer barigu aanay u hayn jawaab waafi ah, hadii ay filayeen in la dhex dabaalan doono wax ka fiican nidaamkii hore ee xumaanta loo tirinayey…..la Soco qaybta 2aad.

Wargeyska SOOYAAL Boosaaso.

 

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Bogga Qoraalada Akhristaha Ku laabo | Go Back Main  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).