ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

Nin dooloow ku dhashay oo sheeganaya Muqdisho.  

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 07, 2002

Posted to the Web   January 07, 2002

Waxaa Qoray

Faadumo Cabdi"

a_fadumo@hotmail.com   

Maalmahaan danbe waxaan internet_ka ka akhrinnaa in nin la yiraaho DOOLOOW oo ku dhashay Dooloow in uu annaga oo ku dhalanay Muqdisho na yiraahdo isaga taga Muqdisho Muddullood ayaa iska leh.

Waxaan ognahay in magaca Muddullood loo aas aasay in xoog looga qaato beeraha iyo dhulka ay iska leeyihiin dadka aan hubeeysnayn oo beeshaas ku abtirsada. Waxaase intaas ka daran in maanta Kaaraan iyo Medina guryihii ku yaalay in ay Abgaal xoog ku haystaan iyo dhul beereedkii Balcad iyo Jowhar.

Marka waxaan u sheegi lahaa ninkaas la yiraahdo Dooloow in aniga oo Somali ah kuna dhashay Muqdisho aan uga xaq leeyahay isaga oo ku dhashay Dooloow. Doodiisa waxay la mid tahay midda Cali Beesteeynka oo yiraahdo awoowe yaasheenna ayaa ku dhashay America ee annagaa iska leh.

Waxaa kaloo jirta in Muqdisho ay mar hore ku heshiiyeen in ay kala qaybsadaan Habargidir iyo Abgaal iyagoo saxiixay heshiiskii loo yaqaanay `Khadka Cagaaran` `Green Line` 1992 oo uu goobjoogga ka ahaa James Jonah oo ka socday Qaramada Midoobay.

Muqdisho maanta waxaa ku nool ilaa 1.5 (hal malyan iyo bar)somali ah, Abgaal wuxuu ka yahay waa qiyaas 100,000 (boqol kun)oo qof, marka qof hadii uu tagayo waxaa fudud idinka in aad iska tagtiin.

Waad salaamantihiin

Faadumo Abdi

a_fadumo@hotmail.com

Ogaysis ka yimid AllPuntland: Mawduucan oo akhristayaasha ka hadlayaa bateen awgeed wuxuu maqaalkani noqon doonaa kii ugu dambeeyay ee mawduucaan la xiriira ee AllPuntland ay ogolaato inay ku soo daabacdo bogga maqaalada akhristayaasha, ee fadlan haddii aad doonayso inaad adna ra'yigaaga ka dhiibato mawduucaan ku dhiibo fikradaada Forumka allPuntland halkan ku qor waxaa maalinkasta akhrista kumanaan akhriste.
 
Akhri Maqaalo kan la xiriira:

halkan ku dhiibo aragtidaada mawduucaan la xiriirta.[ Riix Halkan ]

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com