ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Shirka Nairuubi !

Posted to the Web   April 08, 2002

WQ.

Faadumo Ali Husien

gabarsomali@hotmail.com  

 

Waxaad ogtihiin doorkii lixaadka lahaa ee aad kasoo qaadateen dhismihii Dowladda KMG ah ee maanta ka jirta dalka, taas oo aad u hurteen naftiina iyo maalkiinaba si ay mar uun cagaha iskuugu taagi lahayd oo aan wax uun u qabsanlahayn. Haddii aan wax yar idiin jaleecsiiyo waad ogtihiin habarta iyo odayga deggen waqooyi Ameerica, Yurub iyo tan deggan guri-ceel intuba waxay inoo hureen naftooda iyo maalkooda in ay lacagaha ay ceyrta u qaataan amaba shaqeysteen sida kuwa jooja carabaha ku bixiyaan si uun aan mar iskaga arki lahayn Muraayadda siyaasadda meesha ugu muhiimsan waana ku mahadsanyihiin in kastoo guri-ceel aan weli cayr loo samaynin. 

Wax qabad kasta iyo juhdi kasto oo aan ku soo celin karno jiritaanakeenna guud iyo mid gaarba waa in aan isticmaalnaa lacagtii cusbayd iyo mid horeba, taasi waxaan u soo qaadanahayaa Oraahdii uu dhawaan jeediyey Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane S. W. Bush oo ku beegneyd sida Iraaq wax looga qaban lahaa iyo istratiijiyadda dagaalka ee arrintaas ku adan, haddeey noqon lahayd dhaqaale iyo haddeey noqonlahaydba Mid ciidan (military) oo uu yiri wax waliba waa diyaar waana miiska korkiisa. 

Shirkii Carabta 14aad.... 

Waxaa i weydiyey mar aan shirkii 14aad ee Carabta oo dhawaan lagu qabtay lebonaan magaalo madaxdeeda Beirutsu'aal ahayd Jaale Madane Mudadii aad jagada haysay maxaad ummadda u qabatay? Waxaa in la xussto mudan Marxuum Jan. Caydiid oo isagu waxyaabo badan haba ku qaldanaadee qaar ku guulaystay in uu dadkiisa dejiyo dhulalkaan iska bannaan ee sh/hoose wacadna ku qaaday in haddii ay sii joogaan oo lagu dhowro ay ku milmi doonaan kana mid noqondoonaan dadka hadda lagu tiriyo oo kale si ay umatalaan in ay iyagu degaan ahaan u leeyihiin sh/hoose taasi micnaheedu ma ahin in uu qof yeelan karo dhul sidaas u baaxad weyn deeq iyo daaqba leh oo uu ilaah ku manaystay. 


Maxaad inoo qabatay.. 

Haddii aan usoo noqdo su'aashii ahayd Maxaad innaga inoo qabatay amma doonaysaa in aad hadaba inoo qabato? Waxaan difaacday kursigeyga kol haddii aan Cali khliif iyo taageerayaashiisu aan meesha ka eryey keenayna kuwo aan aniga iyo dantayda fulinaahayo maxaad kaloo doonaysaan. 

Ugu horeyn waad ku mahadsantihiin sida aad u soo xaadirteen shirka halkaas ka dhacay(Lebonan) oo aan hubo qolo timmaadaa adinkaa ugu horreeyey adinkaanah sida aan jeclahay ugu dambeeya waayo qolo weliba meel bay salka ku haysaa, laakiin adinka salkiinu weli dhul ma yaalo.

Warbixintaana ma doonayno in saxaafadda lagu faafiyo waayo ma ahan warsaxaafadeed saxaafadda loogu tala galay, xittaa haddii ay dhacdo in la gudbiyo oo saxaafadda lagu soo qoro waxaba kama qabno qolo aan hoos u wada hadlin ama aan wax qabadkooda isku sheegin ma jirto.

Waa jiraan waxyaabo badan oo aan ku tala jirno oo ay ugu horreyso in aan marka hore 1. Muuse suudi Yalaxow

2. Maxamed Dheere aniga xabeeb iyo ma garanahayo waxa loogu daree kla furfurno iga iyo taageerayaashiisa waloow aad imminkaba ay muuqmuuqato calaamado dhaqdhaqaaq ah oo dagaal oo aan ka sammeynay G/sh/dhexe mana doonahayo in aan sii dhex galo arrintaas. 

 
Aan ku raro... 

Waxaanse aniga aad iwada garanaysaan meesha aan ka soo galay siyaasadda cusub ee soomaaliya marka laga reebo tii Marxuun Maxmed Siyaad Barre idiin xasuuninahayaa in aad waxa aad ugu yeerteen ee ah (Aan ku raro!) in aysan hadda ku haboonaynin in laga dhawaajiyo sababo qarsoon dartooda.

Arrinta ku saabsan dhulka in laga wada iibsado runtii dee Raggu waa lawada dhashee Xitaa hadalka yaan lagu durin. 

Sh/hoose.. 

Sh/hoose yaa degah waa ay dhammaatay wiilkii reer cadaado ee halkaa ku dhashay waa uu qaan gaaray amma waaba kusii dhowyahay marka waxaan idiin balan qaadayaa amaba inoo wada balan ah hadda waxaa halkaa degdeg ku dejinay 50kun illaa 65000 in aan mar welba aan is wareysanno wixii ka soo kordhay mashruucii degaan kicinta ahaa haddii uu ahaan lahaa dheef amma dhib. 

Waxaadna mar waliba qalbiga ku haysaan in aanhalkani lasii joogi doonin haddii aanan diyaar loo noqonin dhib dhiig ku daato oo dheef badani ka dambeyso. Waxaan doonahayaa haddii aad tihiin Reer sh/hoose marb dhow ayaan immaan doona sh/hoose magaalo madaxda Marka sababta aad taasi idiin xasuusinaayo wax kale ma ahin ee waa in Ubaxa kacaanka shabeelaha hoose waa in ay ugu badnaadaan dhallaankayna cusub oo aan maqlaa iyaga oo ku hadlahayo afka reer markooda ah sida aroo maxaa tiri iyo waxyaabo kale oo ay kamid yihiin habka dharka looga xirto Magaalada marka, hana moodina in ay isku mid yihiin waa in aad si dhab ah aad u qaadataan dhaqanka reer markodka. 

Shirka Nairoobi makooxbaan ku ... 

Marna lagama yaabo in aan dowlad ku tagno waayo ma doonayno in aan is hor fadhino mar walba waa in aan kaalin libaax ka qaadanaa . 

Waxaan mar 2aad ku rajo weynahay in annaga nala doorto sababtoo ah meesha waa lacag ee maahin yaa mudan oo kaliya lacagtiina waan helnay qaar kalena reer keenya ayaa inoo balan qaaday oo xitaa ka shaqeynahayo xiriirka wanaagsan ee H/gidir iyo dowladda kenya haddii ay noqon lahayd hiil iyo hooba.

Cusmaan Caato isga waanu wada hadalnay oo isagana in uu dhinaciisa ka dadaalo oo wixii uu kala qeybin karo kala qeybiyo waayo waad ogtihiin arrimahaas issaga waa ku fara dhuubanyahay. 

Talo siin madaalayaasha Waqooyiga ameerika.. 

Maxaa idiinku dhacay waad dib dhacdeene dhan walbee... 

WD: gabarsomali@hotmail.com

Faduma Cali Warsame 


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.