AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

DEKEDDA CEELMACAAN WAXAA GUBAY kOOXDA CARTE

Posted to the Web   February 17, 2002

Waxaa Qoray

Faaduma Cali Warsame gabarsomali@hotmail.com  

Min Raas kaambooni iyo Raas casayr inta u dhaxeysa oo dhan waxaa iska le
walaalaha soomaaliyeed meel kasto oo ay ka joogaanba Adduunka.
Maanta makala aragno dhul cid gaar ah iska leedahay marka laga hadlaayo
xaquuqda uu qofka wadaniga ah (Soomaali)iska leeyahay, haddii ay ahaan
lahayd isku socodka ama wax kala iibsiga iyo waxyaabo farabadan oo aan
halkaan lagu soo koobi karin.

Waa jirtaa in ummadda Soomaali oo dhan in colaad la dhexdhigay oo ay midba
midka kale aysan aaminaynin mana garanaysid meesha ay wax ka jiraan  iyo
cidda ka dambeysay dhibkaan , dadka qaar ayaa waxay iskaba aaminsanyihiin in
ay musiibadaan katimid dhinaca Xukunkii Millitari ,Halka ay qaar kale
aaminsanyihiin inay katimid dhibaatadaan dhinaca diinta oo aan si sax ah loo
qaadan sidaas ayeyna dadka intiisa badan qabaan marka laga reebo kuwa sida
xun uu u aafeeyey Qabiilka.

Ummaddi sidaas ahayd ee qoloba meel iskaga noolayd  oo aan cid ka
shaqeyneyso aysan jirin danaheda guudahaan in layku keeni meel lana is
cafiyo diinta Islaamkana si sax ah loo qaato oo Ilaah si dhab ah looga
cabsado,ama gaar ahaanba ummada qolaba waxay leedahay meel ay nolol
maalmeedkeeda kasoo saarato waxa ay la egyihiinba.

Waxaan ognahay in uu dagaal sokeeye dalka weli ka jiro ay qoloba qolo kale
ku soo duushay oo dooneyso in ay xoog ku qabsato haba u darnaadaanee
gobolada koonfureed ee Soomaaliya mana soo muuqato in uu dhammaanaayo
beryahaan dhow inkastoo tii Ilaah meel iska taalo, waana ognahay qoloda sida
khaaska ah iyada u dooratay boobka xoolaha iyo hantida gaarka ah ee Umadda
Soomaaliyeed Mana doonaayo in aan carabka ku dhifto waayo waa macruuf.

Dhinaca Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho oo iyadu ugu daran dibaatada
joogtada ahna ay ka jirto ayaa markii meelkasto lagala dagaalay haddii ay
noqonlahayd in loosoo sameeyo lacago Shs aan sax ahayn kaas oo sababay
sicirbarar dhammaan dalka oo dhan asqeeyey oo ay xitaa ummaddi ay waxoodi
wax ku iibsan la'yihiin ayaa maanta waxaa dhacaday in dablaqabadsiiyey
Dhanka koonfureed ee Dekedda dabiiciga ah ee Ceel macaan oo Muqdisho dhowr
km u jirto tas oo sida la sheegay ay ka dambeeyeen kooxda sida khaaska ah u
hoostagto Madaxweunaha DKM ee soomaaliyeed Mr C/Qaasim Salaad Xasan taas oo
lagu eedeeyey in uu isaga ka dembeeyey kadib markii ay beryahaan danmbe ay
soo xumaaneysay xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeyey Cabdi qaasim iyo
Bahweynta muddulood ee iyagu mar walba ku dulman dhulkooda.

Xissbiyaha guud ee Dekedda dabiiciga ee Ceelmacaan Mudane Maxmed Moxahoud
cali (Fanax)oo arrintas aan wax ka weydiinay sababta iyo cidda kadambeysay
falkaan ayaa wuxuu si toos ah farta ugu fiiqay DKM gaar ahaan C/qaasim
Salaad Xassan oo isagu rabo in dekedda ceel macaan la xiro kadibna ay
ummadda isaga hoostimmado oo uu u xukumo.

Tani ma ahan mid loodulqaadan karo, waan dooranay oo wallahayn ayaan ku
weynay waan keenay oo waan soo dhaweynay ,Muqdisho dhinaca aan aniga markaas
katalinaayey ayaan keenay marka ma filaynin in uu dab Qabadsiinaayo dekedda
kaliya ee ummadda Maanta ku nooshahay sidaasna waxaa si caro ku jirto u yiri
Mudane Cali Mahdi Moxamed oo ah Mudane Baarlamaanka DKM ka tirsan.


Dadka siyaabo kala duwan ayaa loo arkaa dhibaatadaan soo korortay ee Dekedda
Macmilka ah ee ceel macaan.
Dadka qaar ayaa wxay leeyihiin waxa gubtay dekedda ma ahine waa markab
qaarkle waxay leeyihiin labadaba waa gubteen oo markabka ayaa dambeeyey.
Ugu dambeyntii Ummadda soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa in ay meel
wanaagsan iskala soo jeestaan oo ay heshiis meel ku wada gaaraan si
dhibaatadaan kooxda carte haba ugu badnaadeene meel la iskaga dhigi lahaa.
Haddi sidaas la yeelwaayo dhibaatada wey sii badanaysaa dekedahana waa
lawada gubaayaa waayo iyagu waa neef gowracan geedo kama waabto.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited