AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

SOOMAALI ILAAH BAA U MAQAN EE Was/NADAAFADDA MUXUU YAHAY?

Posted to the Web   February 18, 2002

Waxaa Qoray

Fadumo Cali Warsame

gabarsomali@hotmail.com  

Ra'iisul wasaaraha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Xassan Abshir
Faarax, ayaa shalay ku dhawaaqay xubnaha dowladdiisa, taasoo la sugayay in
ka badan sadex bilood.

Wasiirada cusub, ayaa waxaa ku jiro qaar horay uga tirsanaa dowladdii Cali
Khaliif, iyo qaar kale oo cusub, iyadoo tirada golaha wasiirada la kordhiyay
oo la gaarsiiyay ilaa sodon iyo shan, hase yeeshee, waxaa lagu dhawaaqay oo
kaliya 31 sababo lagu sheegay dib u heshiisiin datood.
waxaa kaloo uu sheegay in kooxaha mucaaradka ah ay isla garteen in marka
golaha baarlamaanku uu ogolaado kordhinta tirada baarlamaanka inta ka harsan
Golaha Wasiirada lagu dhawaaqi doono Wasiirada.
Wasiiro warkood daaye Warar iminka naga soo gaaray degmada Baardheere ayaa
ku waramaya in ciidamada Barre Hiiraale ay dib u qabsadeen degmada
Baardheere kadib markii ay dib isu
soo abaabuleen.

Dagaalka oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la
sheegayaa in 30km hadda ay u jiraan Baardheere ciidanka
SRRC welina dagaalku soconayo.

Warar kale ayaa sheegaya in ay ciidamada Barre Hiiraale
qabsadeen meesha lagu magacaabo UFUROW, inkasto uu qofba warka meesha uu
doono amma ku siyaasad yahay ka sheego sikastoba ha ahaatee Dhibku waa uu
sii koraa maalinba maalinta ka dambeysa.

Waxaad aad ogtihiin Dowlad la dhiso oo Guul soomali ku gaarto in aysan
immaanaynin sabata oo ah waxaa dadka ku dhex jira Cudur was waas iyo khanaas
layiraahdo waxaana aabe u ah Mr Cusmaan Xassan Cali Caato maxaan sidaas u
leeyahay wax cad miyaan haayaa? Jawaabtu waa haah
maxaa yeelay cusmaan in uu C/qaasimku eedeeyo,C/qaasimna cismaan ku eddeeyo
waxaa keentay xaqdarada 2 qof oo isku reer ah ay magaalada Muqdisho Xoog ku
joogaan, iyagoo xil Maxaweyne iyo Mid Dagaalooge kala sheegeen ama isku
magacaabeen, Howshoodiina ay noqotay isku dir Qolo qolokale lagu diro ama
lagu aafeeyo si qolodaas meesha uga baxdo.

Mudane Cumar Finish ayaa ku adkeystay in nabadda
degaanka Madiina ay wanaagsan tahay uunna gacan bir ah
ku qabtay.
Xitaa qolooyinka qaarbaa daacad darro inta ay ka qabaan Sida
WWW.ruunkinet.com qolooyinka qora ayey Xummaanta iyo kala fogeynta ummadda
kaliya shaqo ka dhigteen waxyaabaha ay qoreen waxaa kamid ah war
beenmaadkaan oo kale:

"Waad og tihiin waxa nakala dhexyaal, ma fudeyd kaas
ayaan isku arkeynaa" ayuu kaga jawaabay su'aal ahayd in
uu weli la kulmay Al Xaaji Muuse Suudi intii uu ka soo
laabtay Kenya. waxay leeyihiin Cummar Finish waaba Finishe Ayaa sidaas yiri!
marka iyagana "Caato" iyo C/qaasim kama duwana.


Hadaba, waxaan Caato iyo ruunkinetba kula talin lahaa in ay namiimnimada ay
muqdisho ka dhexwadaan iska daayaan.

Soomali Islaamka si sax ah ha u qaadato yaana gaalada looga cabsan diinta
sida Xusin Caydiid iyo qaar kale oo waa weyn iyagii kursi ku doonaayo in ay
ku helaan diinta oo wax xun laga dhigo taasise waan been wayna ku
dhexceebeysanyihiin Ummadda Islaam ka ah dhexdeeda.
Waxaa qortay:
Fadumo Cali Warsame
Gaalkacyo,Muqdisho

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited