ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Gabay: Bal Ogoow

Posted to the Web  June 07, 2002

WQ.

Aden Dirie Ali 

dirieadam@hotmail.com 

Gabaygaani waa cibro(mystical), waana tusaale, waana murti qiimo iyo qaaye badan, marka laga fiiriyo hababka  gabayada loo tiriyo nooca ugu wanaagsan ama ugu sarreeya ee aan u qoray buu ka mid yahay, ahna nooca soo jiita dareenka qofka akhrisanaya  sidii  gabayadii raggii hore qaarkood  lagu yaqiin ee ahaa kuwo xiiso badan ee xasuus dheer dadka ku reeba isla markaasna badanaaba arrimaha qaarkood dadku ugu maahmaahaan ee lagu hal qabsado. Hebel iyo reer midna ma oran,siyaasad baanse uga warramayaa si Soomaalida oo dhammi ay ula darsaan arrimahaan kaga hadlayo, oo indhaweydba wax lagu suureeyaa ay Soomaaliya ka dhacahayeen maalin walba. Marka  waxaan iri sidaan hoose:

Cawd lama kulaaliyo dab aan caaqibo lahayne,
Nin cadaab ku noolaa haddii carafta loo saaro,
Hawo caafimaadiyo ciyoon caashaq baa gala e,
Bal ogow cadaabtiyo jannada midiba waa cayne!

Ninkii Xamar cakoodsada hadduu camad ku soo heemo,
Cillanaadku goortuu ciyuu caku yiraahdaaye,
Caasimad curraaf galay haddii lagu curaaraysto,
Bal ogow halkii ka ceshatuu ugaga ciiraaye.

Cirka oo darrooraa hadduu gabal ka ciiryaamo,
Nin abaar ku caydnaa haddii cagasan loo yeelo,
Caynka geliyey awrka oo cagtuu kaga cabaadshaaye,
Dhawr caano maal buu hayaan ku ciddi jiidaaye,
Bal ogow carrada doogsatuu cidaha geeyaaye.

Talo cayn-wareegto leh haddii la iska caadaysto,
Cawaan bililiqaystiyo halkuu caalle ka adeegto,
Cayayaan subaac ahi ma jiro nimay ciseeyaane,
Mooryaan cambaaro leh haddii lagaga caal waayo,
Bal ogow cindiga gaaban baan caymis loo heline!

Nin tolkiis ku caasiyey ka daran cadow shisheeyaade,
Caqli ma leh cabiidkuye hadduu calaf u haaraayo,
Waa caado bahaleed sidii kii Cartoo kale e!
Gobi waxay ka caagtuu hulquhu camalsan moodaaye!
Mar uun baa nabsigu caabbiyaa  lagu cinqaabaaye,
Bal ogow cirfiidkii dafay dib u colloobaane!

Ninkii loo cimaamado hadduu caadil noqon waayo,
Caddaalada callaalka ah hadduu ceeqo bixin waayo,
Haddii uu dadkii soo calmaday cagta hoos geliyo!
Bal ogow ciddii doorataba waa casilayaane!

DHAMMAAD.
Akhris wacan
Aden Dirie Ali dirieadam@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.