Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Posted to the Web   March, 2002

Waxaa tiriyay

Maxamuud Axmed Cabdalle

mohamoud@columbus.rr.com    

 

Gabay: GAR WAA LOO ISLAAM

Magacaygu waa Maxamuud Axmed Cabdalle (lkh.) Sida aad walaalayaal la socotaan, muddaba marxalad murugo leh ayaa ummadda Soomaaliyeed ku sugnayd. Wuxu yiri ninkii jirey “Cidina uma maqna, ceella uma qodna,” arrintu waa sidaas. Haddaba gabaygan oo magaciisa la yiraahdo GAR WAA loo ISLAAM, waxan ku hal qabsaday Xasan Abshir oo hadda soo magcaabay dawlad cusub, taasoo la saluugsan yahay. Aniga oo ka tix raacaya aragtida bulshada Soomaliyeed ka qabaan aayaha waddanka ayay waxay ila noqtay inaan gabaygakan tiriyo. Haba yaraatee gabaygani cid goonni ah uma dan laha, laakiin waa xaqiiqo jirta. Maanta taariikhdu waa 1da Maajo, 2002.

 

Wuxu yir:

 

XASANOW GAR WAA LOO ISLAAN GOOB AY JOOGTABA’E

ADNA GARASHADAA DAWLADNIMO SOO GAR WAAFIDAYE

GACALLOW GODKII LAGU HODMAAD GUDHADA TAALLAAYE

GOLAHAAD MAGCAWDAA KA DARAN KII GALAYDH WADAYE

G’UYAAL IYO GU’YAAL CEEBTU WAYNAGU GADAANNAYDE

GEYIGEENNA SOW WAXA KHARRIBAY GARABSI REER REERE

GARAADLAAWE WAA KII KU YIRI QOLO KU GAAF MEERE

GOBLAN TALA ADDUUN WAA MIDAAN LAGA GEYOOBAYNE

MAXAA WADA GABBADE IDIN KA DHIGAY GARASHO YEELKEEDE?

 

GIRMIDH IYO KA DOOD XAAJADAAN GOCASHO MAANSOODAY

MARKAAN GAMA IRAAHDABA WADNUHU IMA GARAACEENE

WAXAY GUBAYA QARANKEENNI BAA HAADKU GIGAYAAYE

WAXAY GUBAYA GEESTAAN DAYABA GUUL DARRADA TAALE

WAXAY GUBAYA GOOGOYNTA IYO MAANDHOW KALA GEYNE

WAXAY GUBAYA GABAWARANKA IYO GEERI JOOGTA AHE

WAXAY GUBAYA GEESAASKA CADOW LIBIN KU GEERAARE

WAXAY GUBI XERYAHA LAGU GO’IYO UBADKA GAAJOONE

WAXAY GUBI GUMAYTAHA HANTIYEY GOBOLLADEENNIIYE

 

AFARTAASI WAA GARE HADDAANAN IDIN GARWAAQSIININ

GOBO’DAAN U JEEDDADA LAHAA GOOLKI MAAN DHALINE

GUBA’ IYO ERGANA HAW TAGTEE GUDHIYA TAARIIKHDA

 

 

GEESKA AFRIKAAD MAYNAGAA GAABIS NOQONAYNA

MAYNAGAA GABNOO CALANKAYAGI GEERI CO’AN TAAGNAY

GOBANNIMADII LOO SOO HALGAMAY MAYNAGAAN GARANIN

MAYNAGAAN KA GOOR KA GOOR GULUFKA DEYNAYNIN

GO’DOON MAYNAGAA NOQONNAYOO DUNIDA GAADHAYNIN

MAYNAGAA GUHAAD IYO DAKANO GARAB IS NAAFAYNAY

GURIGEENNA MAYNAGAA AMXAAR GOGOL KU SOORYAYNA

GASHIGEENNA MAYNAGAA KU NIRI GODOB AHAAN MAAYO

GALLAD IYO WANAAG MAYNAGAA UGU GARAABAYNA

GONDIHIISA MAYNAGAA FADDHINA CADOW NA GOYNAAYA

 

GIBILKA I DAMQANAYAA MA AHA ANIGA II GAARE

GIDDI MAGACA SOOMALIYEED WAW GUDBOONNAHAYE

GUNNIMAAN KA DHIIDHIYI NIMAAN GARANSE YEELKIISE

GOL DALOOLADEENAAN ARKAA GEBI DHALIISHEENE

GEYIGEENNA DAGAN BAAN ARKAA GUUNYA BAYLAHA’E

SUNTA LAGU GURIYO WAXAN ARKAA GEEDO LA IDLAYNE

MAATADA GUNUUSTAAN ARKAA GAHADA CAYDHEEDE

GOBLANKA IYO NAAFADAAN ARKAA GACAL LA’AANTOODE

GOODDIGA CADAAWAHAAN ARKAA GARAB KU TAAGLAYNE

 

AFARTAASI WAA GARE HADDAANAN IDIN GARWAAQSIININ

GOBO’DAAN UJEEDDADA LAHAA GOOLKI MAAN DHALINE

GUBA’ IYO ERGANA HAW TAGTEE GUDHIYA TAARIIKHDA

 

GIDDIGOOD DAGAAL OOGAYAAL AMASE GAANKAAGU

GOB HADDAAD TIHIIN UMA GASHEEN KII NA GAWRACAYE

GOOR IYO AYAAN MEEL XUN BAAD GEBI DHACLEYSAANE

HADBA GARANGAR UU Mooy TASHIYO KII NA KALA GAABSHEY

GEERI GO’AN CIDLA AH BAAD WIQIIN GELELESHLEYSAANE

MARNA KAMA GABOWDAAN INAAD NACAB U GUUSHAANE

GOON GOONNI BUU IDIN KU YIRI SOO GARRAAFSADA’E

GOOMANTUU IDIIN QOYNAYABA KAMA GEDOOTAANE

GAHDA GOORTA UU IDIN KA MUDAAD GIXIDA HAYSAANE

GUDDOONKIISA HADDII AYDIN FULIN WAYDIN GAASIRIYE

GABBALKII DHACABA WAA SHIRAAN LAGA GUNGAADHAYNE

GALLIIMAYSI CADOW WAA INUU SII GABBOOD FALO’EH

WAXBASE GABAYGU YUU ILA GUDBINE WAXAN KU SOO GAABSHEY

KOL UUN MAAD GILGILATAAN INTAAN LAYNA GOYNIN

HADDII KALENA MAAD NAGA GUDDAN GUULLAHAA JIRA’E

 

Fadlan wixii aragti ah waan soo dhoweynayaa.

E-mail: mohamoud@columbus.rr.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.