Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH baa Weyn Awood oo Dhan Isagaa Leh

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

ALLPUNTLAND NEWS

Gabay

Posted to the Web 00:12 GMT  July 18, 2002

 

Gabaygan waxaan tiryey kadib markii Cabdulaahi yuuusf niman muslimiina oo qaxootiya gacanta u geliyey cadaowga umada soomaaliyeed ee Itoobiya. Gabyguna wuxuu ku socdaa isla cabdulaahi yuusuf hadafkayguna waxa weeye inaan tuso umada iyo isagaba inay damiirxumo tahay falalka caynkaas oo kale ah lagana hortago qofwalbaaba sida uu uga  hortegi karo koley anigu tixdaan ayaan ku cabirayaa sida damiirkaygu qabo.

 

Waxaana ka codsanyaa soomaalida damiirka islaanimo weli ku dameeyo inay u gurmadaan caruurta iyo eheladii ay ka tageen ragii xaqdarada gacanata loogu geshey gaalada maadaama aan wax eheli u joogin cariaga soomaalida. dadkoodiina war uhayn.

  

Caynkiisa gabay waayaadaan waaningaan curine

Kolkii aan ka caagba mid baa caasha ii sura’e

Maanatana ninbaa igu cakiray inan cabaystaaye

 

Cabdulaahi ceebtaad dhigtaan lacajabaayaaye 

Muslimiinta ninkii ceeqsadoo coobiyaad tahaye

Alaylehe cabdalow wanaag siibtey calankiisa

 

Nimankii la ceejoo kufriga caasha loogeliey

Hadii aad ku cayshtoo ninyohow cidi ku soo aadin

Alaylehe cawaan bey noqdeen bari cuqaashiisi 

 

Cadaab buu mutaa ruux haduu eebe caasiyo’e

Cabasiyo walayl iyo hadaad diidey camalkeena

Iskacaysh aduunyada marbaad mudan ciqaabtaaye

 

Macbuudkiis ninkii garanayaan ceebi qabananyne

Curad weeye reer Cumar hadey adi ku cayrsheene

Waa niman kaa cagoon jeclayn ceebta inay fuusho

 

Ciskiyo wanaagoodibaan meesha kacadayne

Ceelcad maataad tagtood cunugna sooweydey

Waa taad carootoo ragkale ciirsiga u aadey

 

Cududiyo islaam nin raba inuu gooyo ciribtiisa

Koley maanta caad kagama jiro caalam koo idile

Caamadiyo caruurtuna haday garan cebaalkaaga 

 

Inkastuu tolkiis uu camiray caawimana siiyey

Oo cudud u yeeloo dhamaan caada sare geeyey

Ini cali ma dhiibeyn miskiin caawima u jooga

 

War caynkaa hadii aad fashoo reerku cokanaado

Marna kuma canaanteen walee mana caroodeene

Cudud niman lahyn goortaad cuntaa ciilku igu beermay

 

Cisiyo sharaf hadaad leedehoo caadil garayneyso

Oo aad casiis tahay kufriga maba cisayseene

Ceebtuse waxay saaran tahay nimnkan ceegaaga

 

Waxbadan baan kacaagoo lahaa malaha ceebaale

Ciirsiga ninkii soo bidaa gaalo cunaysaaye

Reer bariga inay ceeb dul taal caawa waan qiraye

 

Koley caradu gooray imaan caadilkaa garane

Casiiskii na uumaba hadaan ciida nala goynin

Boosasadii cudoonayd hadeer caabuq baa galaye

 

Ciskii iyo sharafti aad lahayd caaqidkaa cunaye

Hadaan cidina bixinayn ninkii caawa kugu hoyda

Casiiskaan baryaayaa inuu tiirsho ciribtaada


 

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.