ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Baaq ay si wada jir ah usoo saareen aqoonyahanada iyo waxgaradka beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo.

Posted to the Web   March 18, 2002

Dr. Ali  M Ahmed. (Sociologist) Spokesman

gedodhoo@yahoo.com   

Shirkii Carte ka hor Sida aad la wada socotaanba in ka badan kow iyo tobon sano ayaa  dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxaa saameeyey  masiibadii iyo nasiibdarradii ugu weyneyd ee soo marta dadyoyga adduunka qarnigii labaatanaad waxaana muuqata in dhibaatadaas la gashay qarniga kow iyo labaatanaad iyadoo ay kooxda daggaal oogeyaashu ku guuldareysteen xalinta khilaafka kala duwanaashaha u dhexeeya. 

Dhibaatooyinkan oo isugu jiro kuwo dabiici ah iyo kuwo dad samee ah, ayaa adduunka isku dayey inuu xal u helo, laakiinse waxay ka qabsoomi waayeen hal kama jiraanna ka dhigey kooxaha daggaal oogeyaasha kuwaasoo ku naaxa kuna barwaaqooba dhiigga dadka aan dhiigga laheyn. 

Shirar isdaba joog ah oo adduunka bixiyey tas-hiilaadkii looga baahnaa, loogana gol lahaa bal siddii  Soomaaliya marka kale dowlad u noqon laheyd, way burbureen taasoo sababtay in adduunka iska iloobo indhahana ka daboosho xaaladda sal dhigi wayday ee Soomaaliya.  

Xumaanta, garasho la’aanta iyo damaca daggaal oogeyaashu, waa mid ka fog garashada aadanaha caadiga ah. Kooxdan  qabqableyaasha daggaalka waxaa dadka bartaa cilmu nafsiga ku tilmaameen inay qabaan cudurka waalida oo ku dhaca  qeyb maskaxda ka mid ah marka laga eego ficiladooda, damacooda, hungurigooda, ajendahooda siyaasadeed iyo qaabka ay u fekeraan kasoo ku dhisan lacag iyo xukun ( money and power). 

Xukun iyo lacag iska daaye waxaa qatar ku jira jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxaan wada ognahay in dadka Soomaaliyeed ka dhexeeyaan waxyaalo badan sida diin, dhalasho, dhul iyo luuqad tasoo dad badan oo adduunka ka tirsan  ku tilmaameen in Soomaalida tahay hal qoys oo qur ah (one family).                     

Carte iyo Abdiqaasim 

Ummadda Soomaaliyeed oo quus iyo rajo la’aan ka taaagan inay mar labaad u noolaadaan sidii bini’aadamka  adduunka oo kale, ayaa mahadi ha ka gaartee, waxaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay Madane Isma’il Omar Geelle sidii calanka Soomaaliyeed mar kale ugu dul baban lahaa Xarunta Qarramda Middoobay. Mudane Geelle wuxuu fidiyey gogal nabadeed iyo dib u heshiisiin wuxuuna indhaha adduunka mar kale ku soo jeediyey dalka Soomaaliya. 

Baaq nabadeedka Mr Geelle waxaa si aan caadi aheyn u soo dhaweeyay dhamaan shacbiga Soomaaliyeed ee jecel nabadda iyo nolosha ku dhisan ilbaxnnimadda iyo xalaarada. Ilaah mahadi ha ka gaartee shirkii dib u heshiinta ee tuulada Arte waa qabsoomay. Maxaase ka dambeeyey? 

Dadkii Soomaaliyeed ee tagay shirka Arte waxay ka koobnaayeen dhammaan xubnaha bulshada sida Isimo, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Culumaa’udiin, Saraakiisha Ciiddamada,waxgarradka iyo Haweenka. Ujeedada iyo agendahooda wuxuu ahaa mid cad oo aan shaki ku jirin salkana ku haya nabad, nolol iyo qarranimo. Dood dheer, waqti, caqli, cilmi , dhaqaale, tanaasulaad, iyo usu samir badan ka dib waxay dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed si xor ah u soo dhoorteen Baarlamaan iyo Madaxweyne. 

Laakiin doorashada reer Carte ee Madaxweynenimada Cabdiqaasim waxay aheyd qaladkii ugu weynaa oo ay ka galeen ummadda Soomaaleed maxaa yeelay Cabdiqaasim iyo kooxdiisa waxay ka mid yihiin mushkulada Soomaaliya oo xalka loo waayey ee ma aha kuwo keeni kara xal waara. Cabdiqaasim ma laha sharuudihii looga baahnaa qofka  noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna god dheer ku tuuray rajadii laga qabey in Soomaaliya dowlad ka dhalato. Sabaha soo socdo awgeed.  Isla markii la doortayba wuxuu si bareer ah ugu tuntay una jibiyey qodobo tastuuri ah .

Wuxuu haba yaraatee wax ka qaban waayey kuna guuldareystay waajibaadyadii ugu waa weynaa ee loo doortay sida dib u heshiisiinta iyo isu celinta hantida la kala haysta .

 Iska daa nabadeeyn uu ka shaqeeyo e, wuxuu hub isugu dhiibay madaxana isu geliyay qaar ka mid ah gobolada iyo shacbiga Soomaaliyeed oo horey uga badbaaday daggaaladii sokeeye isaga oo isticmaalaya lacagahii uu ku soo qaaday magaca ummadda Soomaaliyeed.

 Wuxuu ku jowr falay sida uu doonana ka yeelay magacaabista golaha wasiirada iyo xubnaha kale ee dowladda isaga oo xulanaya  hadba qofka uu is leeyahay danahaada ayuu kuu fulinayaa, wuxuuna iska indho tiray tixgelina siin waayay rabitaanka beelaha Soomaaliyeed. 

wuxuu ku fashilmay inuu howl geliyo ciidamadii qarranka oo dib loogu yeeray iyo inuu furo dekeda iyo garoonka diyaaradaha ee caasimada dalka.

Wuxuu wax la taaban karo ka keeni waayey siyaasadda gudaha iyo debadda. Sababaha aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan awgeed Cabdiqaasim wuxuu lumiyay kalsoonidii (vote of convident) iyo taageeradii shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo, waxaanu ku baaqeynaa qodobada hoos ku qoran: .

 Beesha Mareexaan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba Cabdiqaasim waxay siiyeen  waqti ku filan si uu u xaqiijiyo in uu yahay qof gudan karo xilka madaxweynaha, laakiin nasiib darro wuu gudan waayey waajibaadkaas sidaa darteed waxaa la soo gaaray xiliggii uu ka tegi lahaa xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda sharuud la la’aan, waxaana ugu baaqeeynaa inuu is casilo.

 In dib loogu yeero xildhibaanada baarlamaanka xukuumadda KMG ugu jira beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo.

 In nabadgelyo buuxda loogu baaqo beelaha iyo gobolada  Soomaaliyeed iyo waddamadda deriska la ah Gobolka Gedo sida Bay, Bakool, Jubooyinka, Kenya iyo Eithopia 

 In beesha Mareexaan ee gobolka Gedo u aqoonsatay kooxda Carte shaqsiyaad  ku fashilmay howshii  loo doortay sidaa darteedna waxaan soo jeedineynaa  in ay dhammaan is casilaan  isla markaana lagu baaqo shirweyne Soomaaliyeed oo dib u heshiisiin ah.

In la xalliyo khilaafka u dhexeeya bahda reer Gedo lana dhiso maamul goboleed loo dhan yahay waxna laga qabto xaaladda murugsan ee gobolka ee  dhinicyada dagaallada, macluusha, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada

 Gobolka Gedo dantiisu waxay ku jirtaa wax la qabsiga iyo heshiiska gobolada iyo beelaha Soomaaliyeed ee deriska la ah, sidaa darteed waa in beeshu u howl gashaa siddii ay wax ula qabsan laheyd beelahaas Ÿ Reer Gedo waxay soo dhaweeynayaan kana qeyb galayaan shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay Madaxweyne Moi kaasoo sida lagu wado dhici doona bisha April.

 Naga guddooma salaan walaaltinimo 

Dr. Ali  M Ahmed. (Sociologist) Spokesman Email address gedodhoo@yahoo.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.