ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

WAR MURTIYADEED AY SI WADA JIR AH USOO SAAREEN WAXGARADKA BEESHA MAREEXAAN EE REER GEDO EE KU DHAQAN WAQOOYIGA AMEERIKA.

Posted to the Web   April 08, 2002

WQ.

Aden Ahmed Ali

aden7@msn.com   

 
War murtiyadeedkani waxaa si wada jir ah usoo saaray qaar ka mid ah waxgaradka beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo ee ku nool Waqooyiga Ameerica, waxuuna ku saabsan yahay aragti cabirkooda la xariira xal u helidda mushkiladda degi weyday ee Gobalka Gedo. 

Bal ugu horeyn, si aan ugu bayaanino dadka aanan ogeyn dhibka ka jira Gobolka Gedo, waxaan soo qaadaneynaa horudhac gaaban oo aan wax kaga sheegeyno waxa uu yahay dhibka hari waayay ee Gobolka Gedo ka jira. 

Marka haddaba aan isla garano halka uu dhibka ka jiro iyo cidda dhibkaas wado, ayaan guda gali karnaa wax ka sheegidda xal u helidda dhibaatadaas hari wayday oo soo jiitameysay muddo dheer oo xataa ka horeysay intii uusan dhicin dagaalka sokeeye ee saameeyay umadda Soomaaliyeed. Walaale-yaal, sida la wada ogsoon yahayba, Gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose dadka ku nool waxay u kala baxaan dad lagu magacaabo reer Guri iyo Galti, reer Gurigu waa dadkii muddada dheer halkaas deganaa, halka ay Galtiduna tahay kuwo dhawaan soo galeen ah oo ka yimid gobalada dhexe. 

 Dadka reer Guriga ah ee ku dhaqan labadaas gobol (Gedo & J/Hoose) waa dad nabadeed oo dhaqankoodu ku saleysan yahay istixgelin iyo isbad-baadin, halka Galtiduna dhaqankoodu ku saleysan yahay boob, dhac iyo isdil.  

Labada qowmiyadood ee kala ah Galti iyo reer Guri haddana asalkoodu waxuu inta badan kasoo jeedaa labada qole ee kala ah Mareexaan iyo Majeerteen.

 Hadda, haddaad u fiirsato xididka fidnada colaadda ay labadaas qolo isu qabaan waa mid ka yimd Gobolada dhexe, waxayna dabkii iyo fidnadii ay Mudug ku hayeen u soo gudbiyeen Koonfurta Soomaaliyeed, gaar ahaan J/Hoose ee Kismaayo iyo Gobolka Gedo.  

Colaadda maanta Kismaayo ka jirto ma'ahan mid ay bilaabeen walaalaha waligood deris wanaaga iyo istix gelinta ku wada noolaa waa reer Gedo iyo reer J/Hoose e', ee waa mid sida aan kor ku soo sheegnayba ka timid Gobolada dhexe ee Soomaalia. 

Bal u fiirso hogaamiye-yaasha dagaalka ka waday muddada dheer Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo sida: Gen. Morgan, Gen. Axmed Warsame, Col. Bare Hiiraale, Col. Biixi, iwm., dhamaantood waxay ka yimaadeen Gobalada dhexe! Haddaad si qoto dheer ugu fiirsato, dhib kasta oo maanta Soomaaliya ka jira waxuu lug ku leeyahay Gobalada dhexe (Somali Central Regions).  Waxaan soo xasuustay warbixin hadda ka hor ay qoreen dad ajnabi ah oo ka socday UN-ka, waxayna warkoodii kusoo koobeen.

THE ROOTS OF ALL PROBLEMS IN SOMALIA HAS STARTED IN CENTRAL REGIONS, AND ITS SOLUTION AGAIN LIES IN CENTRAL". Intaa kaddib, haddaan dib ugu noqdo xal-uhelidda gobolka Gedo, waxyaabaha dhibka keenay waxaa ka mid ah iska horimaadka labadaas qolo ee aan kor ku soo sheegnay iyo dhaqanadooda oo is diidan, waa dhaqanka foosha xun ee Galtiyeed iyo midka suuban ee reer Guriga. 

Gebi ahaanba, ma'ahan oo kaliya qowmiyadaha ku nool Gedo iyo J/Hoose ee reer Guriga ah in uu dhaqankoodu ku saleysan yahay istixgelin iyo nabad-gelyo, balse waxaa dhaqankaas wanaagsan la wadaaga qowmiyadaha ku nool Bay, Bakool, Shabeelada Hoose iyo J/Dhexe.   

 
Sidaas daraadeed; waxgaradka bayaankaan soo diyaariyay oo isug jira rag, dumar, odayaal, dhalinyaro, iyo aqoon-yahano ku kala nool magaalooyinka Waqooyiga Ameerica ee asalkoodu yahay reer Gedo, waxay u arkaan in uu noqon karo xalka Gobolka Gedo qodobada hoos ku qoran:
 
 1) In dhamaanba ciidamada la magacbaxay Isbaheysiga walaalaha Gal-gaduudeed, Dooxada Jubba ama ciidamada Ina Salaad Boy hadba sida aad u taqaano ee dhawaan sida sharci darada ah kusoo galay Gobolka Gedo (Baar-dheere)ay shuruud la'aan uga baxaan Gobolka.
 2) In loo daayo qowmiyadaha ku nool Gedo, Bay, Bakool, J/Hoose, J/Dhexe, iyo Shabeelada Hoose in ay ka taliyaan aayahooda.
 3) In Mareexaanka reer Gedo ay fahmaan in Mareexaanka reer Mudug iyo Ceyr waxa ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliyeed ay tahay dhul boob ku dhisan kibir iyo xaqdaro, haddaanan hadda si wada jir ah looga hortagina ay arrintu faraha ka bixi doonto oo ay gaari doonto heer aanan waxba laga qaban karin.
 4) In uu Mareexaanka Gobolka Gedo u diyaar garoobo, gacana ku siiyo dib u dhiska iyo nabadeynta uu wado Guddoomiyaha SNF (Chairman of Somali National Front)ee xiligaan Mudane Maxamuud Sayid Aden.
 5) iyo ugu danbeyntii, dhamaan anaga oo ku hadleyna magaca beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo, waxaan tahniyad iyo bogaadin u direynaa Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo magacaabay in uu hogaamiyo Maamul Goboleedka SOUTHWEST STATE OF SOMALIA, H.E. HASAN MOHAMED NUR (SHAATIGADUUD), waxaana Ilaah uga baryeynaa in uu xilkiisa u fududeeyo.
 
Ilaah waxaan uga baryeynaa umadda Soomaaliyeed in uu nabad waarta u keeno.
 
Wabilaahi towfiiq.
 
Beesha Mareexaanka reer Gedo ee ku nool Waqooyiga Ameerika.
 
Contact email address at aden7@msn.com

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.