ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Cabdiqaasin waxa soo shaac baxday siyaasadiis naxariisdarada ah 

Posted to the Web   May 10, 2002

WQ

Guled Abdi" 

guled80@hotmail.com  

 

Waxa umada somaliyeed meel kaste oo ay joogtaba naxdin iyo u qaadanshawaa ku noqotay siyaasada qalafsan ee naxariis darada ah ee Cabdiqaasin Salaad Xasan.  

Cabdiqasin waxa uu muujiyey in aanu ahayn nin siyaasi ah ama garasho leh, waxaana halkaas ka cadaadtay in aanu umada somaliyeed hogaaminkarin, intii taageerada siinjirtayna ay hada isweeydiinayaan siyaasadiisa naxariis darada ah. 

Waxa Cabdiqaasin lagula yaabay bakhaylnimada intaas leeg ee Ilaahay ha u naxariisto uu kala bakhaylay halyeeygaa ka geeriyooday Somali oo dhan iyo guud ahaanba Afrika oo dhan. Qofka muslinka ah weliba somalida marka uu dhinto xataa qof ficiltan ama xumaani idinka dhaxaysay waxa caada ah in laga naxo qofkaas oo la yiraah ilaahay ha u naxariisto. 

Cabdiqaasin waxa uu muujiyay in uu ka liito ama dareenkiisa binu aadnimo uu ka hooseeyo dhamaan hogaamiyayaasha siyaasada iyo madax dhaqmeedyada koonfurta somaliya oo intoodii badnayd ay tacsiyadeeyeen marxuum Cigaal ilaahay ha u naxariistee. Se isagu waxa uu muujiyay in uu weli la sii ficiltamayo qof dhintay, qof walbana geeridu waa ku imanaysaa goor ay noqotaba ha moodin in aad sidaas weligaas u soo taagnaandoontid. 

Cabdiqaasin weliba waxa uu ahaa hogaamiyayaashii koonfurta kuwii ugu danbeeyay ee la kulma Cigaal, isla markaasna uu cigaal taageerayey siduu Cabdiqasin iskugu soo sharixi lahaa madaxweynanimada uu hada sheeganayo isla markaasna uu kugula taliyey, xataa Ala ha u naxariistii marxuumku waxa uu siiyey lacag dhan boqol kun oo doolar oo u doorashada ku galo, sidaasaanu cabdiqasin Jabuuti ku tegay tartankiina uga qayb qaatay. 

Cabdiqaasin wax siyaasada oo ay isugu yimaadeen marxuumka oo ay isku soo gaadheen maba ay jirine oo isku aqoon iyo aqliba maba ya ahayn laakiin ragii lixdamaadkii ay isku jiidheen siyaasada ayaa hadana geeridiisii ka naxay oo si calool furan u soo tacsiyadeeyay, waxa uu muujiyey in uu yahay ma naxe. Geeri marka ay timaado waxa loo baahanyahay in qofka muuminka ahi naxo oo uu ilaahay xasuusto. 

Cabidqaasin waxa uu tacsi u diray markaykanka 11 September, waxa kale oo u tacsiyadeeyay boqorada ingiriiska hooyadeed, waxa kale oo uu tacsi u diray hogaamiyaha Liibiya geeridii ku timid wakiilkiisii xamar u fadhiyey isagoo hunguridoon ah se aanay ka ahayn binu aadnimo, laakiin waxuu ka bakhaylay in qof walaalkiis ah oo muslin ah uu yiraahdo Ilaahay ha u naxariisto waa mid aad looga yaabay somalida aduunka dacaladiisa oo dhan ku kala nool. 
Guled Cabdi

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.