ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Bayaan: Odayaasha Harti ee Jubbada Hoose.

Posted to the Web   May 08, 2002

 

Shir ay yeesheen isimada iyo wax garadka jubbada hoose ee kismayo

1-4/05/02 Muqdisho waxay kasoo saareen warsan xaafadeedkaan 

1. Waa in gudiga xaqiiqo raadinta IGAD aysan tagin magaalada kismaayo sababtoo ah kismaayo majoogaan dadkii deegaanka ulahaa waxaana haysta koox carta ubixisey isbaheesiga dooxada jubba. 

2. Waxaan dowladaha IGAD ugu baaqeenaa in Somalia aysan ku heshiineyn madaxweyne iyo reysal wasaare loo magacaabey, sidii kooxda carta ee soomaaliya xalkeedu yahay deegaan lakala haysto, taasna hadaan xal loohelin ay fogaaneyso dib u heshiisiin kasta oo la' isku dayo. 

3. Waxaan u sheegeynaa intii dhageysatey hadalkii reysal wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa in Somalia Ethiopia hub soo galiso uusan aheen baaq dhameestiran, waxaana oran karnaa C/risaaq meel bay kaga dhaganeed, ee C/risaaq waa xog ogaal marka ama ogow ama ha'ogaanin waxaan dowladaha caalamka ugu baaqeenaa sida qaramad midowbey, OAU, Jaamacatul Carab, in ay dowladaha hoos ku qoran jebiyeen qaraarkii cunaqabateenta ee nambarkiisu ahaa 733 soona baxay bishii 1 January 1993 dowladaha jabiyey waxay kala yihiin: Eletarea, Yaman iyo Liibiya, hubkaas oo ku yimaada diyaarad kana soo daga eeraboortiga Bali-Doogle, wuxuuna hubkastoo ka yimaada dowladahaas taransit ku yimaada Jabuuti si aan loo ogaan, hubka Muqdisho yimaada wuxuu dhan yahay 62 fly tan iyo intii kooxda Carta timid dalka, hubkaas waxaa lagu gadaa suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho asagoo magacyo badan leh sida Liibiyanka Eletareeyaanka iyo Yamaniga cidii downeysa inay ogaatana waxay iman karaan magaalada Muqdisho. 

4. Qodobka ugu danbeeya waxaan ku baaqeenaa in laga joojiyo oomaaliya hubka taasoo ugeesan karta dhibaato weyn. 

Odoyaasha bayaankan soo saarey waxee kala yihiin. 

1. Ugaas Maxamuud Xaaji Xuseen ( baqow) 

2. Nabadon Cali Bin Cali 

3. Nabadon Cabdi Warsame ( ilka boqol) 

4. Boqor Siciid Xasan Gaseele 

5. Malaaq Aadan Buulle 

6. Cabdi Yuusuf Cowke ( labey tos) 

7. Dr. Cismaan Macalin Nuur ( xerow) 

8. Islaam Sahal Cilmi Warfaa 

9. Dr. Axmed Daahir Maxamuud ( giir dheere) 

10. Nabadon C/llaahi bile 

11. Suldaan Cabdi Aadan Maxamuud ( ceeriin) 

12. Dalmar Faarax Aweys 

13. Jaamac Maxamed ( jamac towreey) 

14. Sheekh C/llaahi Cilmi Yuusuf 

15. Dr. Siciid Ciise 

16. Maxamed Xuseen Jaamac ( madow)


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.