ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Maadaama Dad Shisheeya ayna Xalin Karin Qilaafkeena, waa in Nabaduna Maskaxdeena kasoo Dhalataa. 

Posted to the Web   April 14, 2002

WQ

Hayan Abdisalan

hayan74@hotmail.com    

 

Kow iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxay ku jirtay dagaalo sokeeye oo naf iyo maalba lagu waayey. Sideedaba ma jirto bulsho aan laga helayn qilaaf. Bulsha kastaaba waxaa ku jira oo laga helaa fikrado kala duwan, dano kala duwan iyo mabda´yo kala duwan. Haddaba bulshooyinku waxay ku kala duwanyihiin waa noocyada qilaafka ee ka jira dhexdooda iyo sida loo kala xaliyo. Waxaa isweydiin leh qilaafka anaga soomaalideena heysta mawaxaa dhaliyey tartan kusaabsan awood? mid dhaqaale? mid deegaan? mid mabda? Yuu qilaafku ka dhextaaganyahay: qabiilo? Dabaqado? Xisbiyo siyaasadeed? Ururo diineed? Uruo bulshadeed? Sideebaa lagu xalin karaa qilaafka ka jira maanta Soomaaliya? Haddaba sidaanu lawada socono qilaafka maanta naheystaa wuxuu yahay mid ku saabsan tartan awood iyo mid dhaqaale lagu raadinayo kana dhaxeeya shaqsiyaad soomaaliyeed oo ay faaiido ugu jirto in xaalada Soomaaliya maanta ku sugantahay ay sii waarto. Waxaa marka isweydiin& nbsp; leh qofka muwaadinka ah ee soomaaliyeed maxaa dan ah oo ugu jira in Soomaaliya xaalad dagaal ku jirto? 

 

Waddan jiri kara maleh muwaadin la'aan, muwaadinku waa aasaaska waddanka. Waddanku jiritaankiisu wuxuu kasoo aasaasmay mabda ah in dadka isku dhaqanka ah ee kunool degaan go´an ay dhistaan xukuumad iyaga matasha. Shakhsiga muwaadinka ah wuxuu markaa ka tanaasulaa in ka mid ah xornimadiisa muwaadinimo. Tusaale ahaan muwaadinka danbi gala wuxuu halkaa ku weynayaa xaqiisii xornimo maadaama la dhigayo xabsi lana marin doono ciqaabta sharcigu qabo. Xukuumadu oo kaliya ayaa leh awooda muwaadinka looga qaadayo xornimadiisa (ilaahay ayaa awood leh). Xukuumada iyadana waxaa saaran waajibaad ah inay baahida aasaaska ah ee muwaadiniinteeda haqabtirto kuwaasoo ah: cunto, caafimaad iyo waxbarasho. Xukuumadu waxaa kaloo saaran waajib ah inay muwaadiniinteeda ka caabiso dilka, dhaca, hanjabaada, xirida iwm.

 

Sidaan la wada socono mas´uuliyadii shaqsiga saarneyd iyo mas´uuliyadii xukuumada saarneydba waa la gafay. Dhibaatada maanta Soomaaliya ka jirta waxay kasoo jeedaa qaladaad badan oo isbiirsaday, qaladaadkaasoo qaladaad lagu sii saxay. Laga soo bilaabo waqtigii xornimada la qaatay ilaa maanta waxaa jira dad badan oo qalad ka fahansan micnaha xukuumada, shaqsiyaadka haya maamulka xukuumada iyo sida lagu qabto jagooyinka xukuumada. Qaladka aan xukuumada ka fahanay waxaa ka mid inaan u qaadanay waxaan anaga sidaan doono kayeelno. Tusaalayaal badan ayaa jira oo cadeynaya in dad aan u qalmin qabashada jagooyinka xukuumada ay qabteen. Dadkaasoo marar badan aan aqoon ulaheyn jagada ay hayeen. Waxaanu taageero siinay dadka noocaas ah maadaama ay qabiilkeena kasoo jeedaan oo kaliya, anagoo og in ayna xaqiiqdii u qalmin maamulka. Hadaba waxaa isweydiin mudan maxaanu ka sugnaa maamulkaas?

 

Waxaa maantaa geesi noqday kii dadka laayay gacmihiisana dhiig ku qaatay, waxaa maanta taajir noqday kii wax xaday oo xoolaha dadweynaha dhacay, waxaa maanta wax garad noqday kii damiinka ahaa, waxaa maanta la dhageystaa kii beenta badnaa marka intaasoo dhan waxay ina tusaysaa heerka aan maanta marayno. Haddaba haddaan rabno inaan waddan yeelano oo aanu horumar gaarno, waxaa loo baahan yahay in laga kaaftoomo kana xorowno shakhsiyaadka qabiil walba ku jira ee maanta dagaalka ka wada gobol walba oo waddanka ka mid ah. Waxaa kaloo loo baahanyahay in shakhsi walba oo naga mid uu kaligiis rayi dhisto kana kaaftoomno ku ganbashada qabyaalada. Soo layaab maaha sida ay ku dhacday in qabiil dhan oo ka kooban kumanaan qofood mar walba ay isku rayi noqdaan.

 

Anigoo soo koobaya qoraalkeyga waxaan dadweynaha soomaaliyeed oo dhan ku boorinayaa inaan qaadno masuuliyad shakhsinimo kana kaaftoono waxyaabaha dhibaatada inoo keenaya. Waxaa kale oo aan soo jeedinayaa in qof walba oo shaqsi ah aan u fiirino shaqsi uu yahay ee aanan loo fiirin reerka uu ka dhashay. Maadaama dad shisheeye ayna xalin karin qilaafka dhexdeena ka taagan, waa inaan anaga xalkeeda helnaa, ileyn dad kale oo anaga dhibaatadeena inaga badiyaa ma jiraane.

 

Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil, Sweden

hayan74@hotmail.com


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.