ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

 SAXAAFADII SOOMAALIYEED WAXAY NOQOTAY DANRAACATO!!!

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 05, 2002

Posted to the Web   January 06, 2002

Waxaa Qoray

Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil Faahiye
Kuliyada siyaadada, Karlstad university, Sweden
hayan74@hotmail.com


Waxaan ahay wiil muwaadin soomaliyeed oo dhalinyarana ah, wadankana kasoo  maqan ilaa 10 sano. Sida kaliya ee xaalada wadanka kusuganyahay loola  soconkarana ay tahay in wergeysyada ladhagaysto ama la aqristo. Laakin  waayadaan danbe waxa soo batay si aad ah wargeysyada soomaaliyeed ee sida  qalafsan wararka usoo gudbiya. Waxaa wax laga naxo ah in wargeysyadii ay  gabeen dhexdhexaadnimadoodii, weriyeyaashiina badankoodii ay noqdeen kuwo ay  ku adeegtaan qabqablayaasha dagaalada iskula jira meel kastaba hajoogaane.


Waxaa intii xukunkii dowladii Siyaad Barre jiray oo kaliya hal idaacad iyo  wergeysyo aad u tiro yar, kuwaas oo ku hadli jiray codka iyo siyaasada  xukankaas.

Markii dagaalada sokeeye ay dhaceen ka dib waxaa soo baxay
wargeysyo badan oo madax banaan. Nasiibdaro laakiin isla markiiba waxay  doorteen badankood inay noqdaan kuwo lagu adeegta amaba ay qiiro qabyaalad  ay qaaday.

Dunida xorta ah wargeysyadooda waxa lagu  magacaabaa  awoodii sedexaa. Taas micnaheedu waxaa weeye in weriyeyaashu  leeyihiin awood weyn (ilaahay ayaa awood leh) marka laga reebo baarlamaanka  iyo dowlada,  awoodaas oo ay ku saameyn karaan bulshada.

Hadaba soo wax laga  murugoodo ma aha in marar badan aad kala aqrisato wergeysyada hal dhacdo oo  isku mid ah, laakiin lookala fasiraayo si caksi oo aad isaga soo horjeeda?.

Muhiimada ugu weyn ee wargeysyada looga baahanyahay waa inay si dhexdhexaad  ah usoo gudbiyaan dhacdooyinka ka dhaca wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba.


Waa  in wargeysyadu dhoqdaan ishii sida gaarka u ilaalinaysay dhacdooyinka,  xuquuqda baniŽaadinimada, nabada, arimaha dhaqaalaha iwm. Cid walba maanta  waa lasocotaa xaalada uu wadanka ku suganyahay waxaa markaa looga  baahanyahay weriyaasha inay si firfircoon uga qeybqaataan sidii wadanka  xaaladiisa loo wanaajin lahaa, sidii wadanka nabad loogu soo dabaali lahaa  sidii bulshada soomaaliyeed loo siin lahaa war ku sugan xaqiiqda. Laakiin  nasiibdaro waxa maanta meel walba kahelaysaa wargeysyo ha ahaadaan kuwo ka  la aqristo iyo kuwo la dhageystaba, kuwaasoo  ku hadla afka qabqablayaasha  dagaalwadayaasha ah ama qabiilka ay ka yimaadeen. Waxa looga baahanyahay  wergeysyada iyo weriyeyaashaba inay ka kormaraan danaha gaar a ah iyo qablaayaladaba.

Waxaa looga baahanyahay inay noqdaan kuwii ka waantoobi  lahaa wararka dacaayada ah oo raqiiska oo ay ka baafinayaan wergeysyadooda.
Waxaa dhici karta marar qaarkood in wergeysyada iyo weriyeyaashaba cadaadis  badan kaga yimaado qabqablayaasha dagalwadeenada degaanka ay kasoo tebiyaan  kataliya ama kunool, laakiin waa markaa marka loo baahanyahay inay ku  adkeystaan difaacada xaqiiqda iyo xuquuqda baniŽaadamkaba. Waxaan  aaminsanahay in xaqiiqdu ugu dabeyntii guuleysan doono Inshaa Allah,  dagaalada sokeeyana ay mustaqbalka maruun dhamaan doonaan, laakiin  wergeysyada u adeega qabqablayaasha dagaalwadayaasha ama kuhadla magaca  qabyaalada waxaa taariikhda u geli doona foolxumada ay kawadaan xaalada  siyaasadeed ee ay soomaaliya kusugantahay.

Waxaan oranlahaa wergeysyada iyo  weriyeyaashaba soomaaliyeedba ka kaaftooma inaad noqotaan wax maalintii  ladoonaba meel loo wato iyo inaad u adeegtaan kaligii taliyaal aan waxaan  dantooda ah ka fekerin. Waxaan oran lahaa ookale inay wax bartaan si ay  iyaga u dhistaan rayigooda.

Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil Faahiye
Kuliyada siyaadada, Karlstad university, Sweden
hayan74@hotmail.com


 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 
 

Bravenet.com