ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Warqad furan oo ku socota Bogga Ayaamaha.

Posted to the Web   March 30, 2002

WQ

Hibo

hibo2002@canada.com  


MARKA HORE SALAAN BAAN IDIN SOO DIRAYAA 

 

Aad iyo aad baan ugu xumahay cabashada faraha badan oo idin kaga imaanayo haddii ey ahaan lahaayeen MAAMULO DALKA KA JIDHA IYO JABHADO SOMAALIYEED IYO SHAQSIYAAD SOOMAALIYEED oo fara badan ayagoo idinku eedeynayo ka been sheegid warar dacaayad ah iyo qoraalo been abuur ah oo aad u saarineysaan dad aan quseyn.

waxaana taa ku rumeysanayaa in badan ayaa ka akhriyey bogga ayaamaha dhacdooyin ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah gudaha soomaaliya iyo somaliland oo yaqyaqsi ah haddii aan tusaale ka dhigto mar baad waxaa soo geliseen waa la diley uddoomiyaha RRA shaarguduud tusaale kale dagaaladii ka dhaxdhacay dadka walaalaha ah ee magaalada garowe sidii aad wax ugu soo sheegteen oo qof kastoo akhrisatey ka yaabisey iyo cod bixintii reer somaliland oo boqolkii boqol HAA codkooda ku dhiibteen tidhaahdeen magaalada hargeysa umbaa laga codeeyey.

ma wanaagsana in aad ku dhaqaaqdaan waxyaalo raqiis ah oo heerkaas gaadhsiisan kana mamnuuc ah saxaafadda cidi kama arsoona in aad u xaglisaan dhinaca DKMG oo idaacaddii weyneyd ee BBC ayaaba is qaawisey oo ku hadasha afka cabdi qaasim.

in soomaali ey heerkaan gaadho waxaa saba u ah dadkiina iminkana madfac ayaad ka dhigteen bogga oo aad dooneysaan kuwii dagaaladii sukeeye ka soo badbaadey inaad ku waxyeeleysaan qalbka internetka.

cid walba wey dareentey in aad tihiin qabiil u dirir waxaan ahay gabadh walaashiin ah oo soomaaliyeed oo idin leh (WAA LA DOOGIYEE YAA LA DACAROON) wey dhamaanayaan dhibka aan ku jidhno soomaalina dib ayeey u mudoobi ku soo noqda
sidii hore (QABYAALADI DUGSI MALAHA WAXEY DUMISO MOOYEE)

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.