ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Dadweynaha reer Hiiraan uu digniin u jeediyay C/qasim Salaad iyo Beeshiisa.

Posted to the Web   March 13, 2002

WQ.

Hiiraan Information Center

hiiraan@yahoo.com     

Shir balaaran oo maalintii axadda la soo dhaafay lagu qabtay Hoteel Sharoton ee Washington DC oo ay ka soo qeyb galeen ilaa iyo dad cadadkooda kor u dhaafay 100 qof oo ay u badnaayeen aqoonyahaniinta reer Hiiraan iyo dadweyne reer Hiiraan ayaa lagu lafo guray xaaladda colaada u eg ee ka soo aloolsantay gobolka Hiiraan.

Iyadoo shirka lagaga hadlay qoddobo dhowr ah ayaa hadalka shirka waxaa si weyn u hareereyey colaada C/qasim uu la damacsan yahay gobolka Hiiraan, iyadoo dadweynaha qaar ay si caro leh isku warsanayeen su'aalo ay ka mid yihiin: C/qasim muxuu ka doonayaa Hiiraan waqtigan, oo markii lagu soo doortay Carte wuu diiday inuu tagase Hiiraan iyo muxuu ciidanka Ceyrka u badan ee sii galbinaya Cumar Xaashi Aadan uu ka qabanaya Beletweyne? ayey dadweynaha is warsanayeen. 

Dadweynaha halkaas isagu yimid waxay dhaleeceyn xoog leh dusha kaga tuureen DKMG oo ay ku dhaleeceyeen in ciidamo faro badan oo laga aruuriyey gobolka Hiiraan aysan dhaqaale ka helin DKMG, waxaa taasi sii dheeraa saraakiishii ka socotay Gobolka Hiiraan in hoteeladii ay ku jireen magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ijaarkooda loo qabsaday ka dib markii DKMG ay ku gacanseyrtay in ay saraakiishaas qarashkooda bixiso halka C/qasim uu ku mashquulsanaa sidii milateri iyo lacag uu ugu diri lahaa Kismayo iyo beeshiisa.

Gabogabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray go'aamadda hoos ku qoran.

1. In hoggamiyaha kooxda Carte uu colaadiisa ka fogeeyo gobolka Hiiraan ee ku ekaado dhulkiisa Dhuusamareeb.

2. In ciidamadda Habergedir ee Ceyr ka ah watana gawaaridda tiknikadda oo tiradooda lagu qiyaasay 35 tekniko ee sii galbinaya Cumar Xaashi Aadan kuna sii jeedda Beletweyne in ay ka fogaadaan degaanka Hiiraan. Taas oo carqaldeyn karta heshiiskii beelaha Xawaadle iyo Habergedir ay kala saxiixdeen sanadkii 1995 oo dhigayay in beesha Habergedir aysan wax hub ah la dhex mari karin gobolka Hiiraan.

3. In Col. Cumar Xaashi Aadan  wasiirka lacagta ee kooxda Carta uusan matelin dadweynaha reer Hiiraan ee uu yahay nin matalo danaha C/qasim ee ku saabsan colaad hurinta.

4. In Col. Xassan  Cabdulle Qalaad xogayaha arrimaha gudaha ee SRRC uusan matelin dadweynaha reer Hiiraan sidoo kalena ay u digeen in cawaaqib xumo kala soo gudboonaan doonta haddii Ethiopian u soo hor koco gobolka Hiiraan.

Dadweynaha reer Hiiraan waxay isku wada raaceen in hadalkii uu soo jeediyay Duuliye Sare Cabdi Cusmaan iyo General Dhaqane oo ahaa in dib loo soo nooleeyo ururkii USC-PM maadama shirkii Carte uu fashilay hogaamiyaha kooxda Carte C/qasim. Waxayna ugu danbeyntii kasoo qeyb galayaasha shirka digniin u jeediyeen C/qasim iyo beeshiisa Habergedir inay ka waan toobaan jalaafooyinka ay u dhigayaan dadweynaha reer Hiiraan, haddii kalase ay arrintu noqon doonto mid cawaaqib xumo keenta.   

Ali S Godah

Chairman of Hiiraan Information Center

Washington DC, USA

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.