AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

SICIR BARAKA SOOMALIYA YAA KEENAY?

Posted to the Web   February 18, 2002

Waxaa Qoray

Iikar Abdikadir.

edi@tt.se  

Waxaa xaqiiqa ah in intii aysan imaan dawlada Carta ay dadka soomaliyeed ku noolayeen nolol iska cadi ah, lakin hada ay noloshii RUN AHANTII aad u adkatay waayo lacagtii Shilin somaliga ahayd oo qiimo beshay taasna ay sababtay in rag aad ugu dhaw C/QASIM ay lacag faalso ah ay dalku ku soo booxinayan iyagoo dollarkana ka aruursanayo shacabka umada somaliyeed, waxaa la yab igu noqotay in aan Xamarku ku arkay mar aan tagay dhawaan Baqaaro ay lacagta faalsada ah ka buuxdo sida cuntada oo kale.

 

Markaa waxaa la dhihi karaa koxdan DHIBKA ay u soo jiideen dadka somaliyeed waligood dawlad ka horeysay oo ugaysatay ma jiren.

 

Malinta ay soo galeen wadanka wuxuu Dollarka ma rayey 100 dollar= 800.000 mantana 100 dollar= 2 miljan iyo xoogaa.

 

Markaa ma waxay umada somaliuyeed sugayaan in aan shaha ku soo gadano 1 miljan.

Intii dawlada Carta dhib noo gaysatat nagu filan ee han la iska qabto ummada somaliyeed oo aan u kala harin, luna firin qabiil.

Ileen wax aan sugno ma jirto.

 

P.S  Waxaa la ii sheegay qiso yaab leh oo ka dhacday magalada Xamar taas oo ah in will dhalin yaro ah oo shaah lacagtisii bixin waayey labada lugood looga jaray, Taasna ay ka danbaysay Dawlad isku shiiga. Waxaas Xaq miyaa?

ILAAHAYOW NAGA QABO KUWAAN

AAMIN, AAMIN.

Iikar Abdikadir.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited