AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Tahniyad Kooxda Elman FC ee Soomaliyeed

Posted to the Web   February 23, 2002

Waxaa Qoray:

Daahir A. Elmi (Indhoqarsho) iyo

Ali A. Shegow    

DELMI9687@aol.com   

 

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in markii qaranka somaalyeed uu burburay oo dadkii soomaliyeed u qaybsamay mid qabiil u guuxa oo raba in reerkooda maamulo wadanka  si ay u boobaan hantida ummada soomaliyeed oon garan karin in hantidu tahay mid la wada leeyahay ee aysan qolo gaar u lahayn iyo mid markuu arkay xaalada soomaliyeed meesha ay marayso goostay in uu u haajiro wadan ajinabi si uu nafsadiisa u nabad badbaadiyo.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in ay somaalinimadi ay burburtay oo aan dib dambe la isugu soo noqon doonin taas waxaa beeniyay geesigii magaca soomalinimada ay ka dhiman waysay MR FAARAX SINDIKO oo laba iyo tobankii sano oo soomali qabiilka ay ku mashquulsanayd FAARAX waxuu ku dadaalay in magaca soomaaliyeed uusan ka baabi'in aduunwaynaha , Faarah wuxuu intaa ku daray in uu guul ka soo hooyo kubada cagta ee Africa oo aan soomali waligeed kaalin muuqata ka gelin

FAARAX WAXAAN LEENAHAY HAMBALYO GUUSHA AAD U SOO HOOYSAY UMMADA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAAD MUUJISAY IN QARANIMADA SOOMALIYEED AY JIRTO. TAARIIQDA AYAA KUU ABAAL GUDI DOONTA UMMADA SOOMALIYEED INTA OO AMINSAN IN QARAN SOOMALIYEED JIRTO AYAA KUU ABAAL HAYO WAXAANA KU LEENAHAY.

MAHAD SANID - MAHAD SANID. WAXAAN KALOO HAMBALYO U DIREENAA DHALINYARADA CAYAARTOYDA SOOMALIYEED EE MAGACEENA KU MUUJIYAY ADUUN WAYNAHA.

 

Daahir A. Elmi (Indhoqarsho) Delmi9687@AOL.COM

Ali A. Shegow             alishegow@yahoo.com

 

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited