ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Laye waa Dagaalamay Tolkaa (Gabay)

Posted to the Web   May 08, 2002

WQ

Isaxaaq Cali Diiriye

isxaaqd@hotmail.com 

LAYE WAA DAGAALLAMAY TOLKAA (Gabay)

Isxaaq Cali Diiriye

 

6dii May 2002 ayaan waxaan website-ka allpuntland waxaan ka akhriyay in uu dagaal ka qarxay gobollada waqooyi bari oo duullan uu hogaaminayo C/laahi yuusuf oo garoowe ka baxay iyo ciddamo ka amar qaata Jaamac Cali Jaamac oo iyaguna Boosaaso ka soo duulay ay is ku heleen meesha la yiraahdo Dangoroyo. Warkaas oo aan aad uga naxay ayaan tixdaan gabaygaa ee gaaban ka tiriyey.

  1. Soomaalida iswada dooxatiyo dagalka qiiqaabay

  2. Daqarkii dhafoorka i jabshee doogta igu reebay

  3. Dawadiisa yaan waxaan lahaa dayrtan waad heliye

  4. Daris kala irdhoobaan lahaa waysla dagaayaaye

  5. Dadkii laysku diray baan lahaa dib u walaalowye

  6. Warka maanta dabayluhu sideen waa dareensadaye

  7. Laye nabarkii waa sii durkoo dagalladii saaqye

  8. Laye daarka hoosiyo qalbiga yuu u daadagaye

  9. Laye waa dagaalamay tolkaa waana dirireene

  10. Laye nabadii diidoo colbay tala ku daysteene

  11. Laye dabinkii loo qoolayayey dalaq yiraahdeene

  12. Laye cadowgu suu doonayiyo dalabkii loo yeelye

  13. Laye Daan-guduud iyo Calaa loogu dawgalaye

  14. Laye weerar ba loo dalbaday labada daamoode

  15. Laye duullankii saaka baxay dooyada is dhaaftay

  16. Laye waa dangorayaad halkii foodda lays daraye

  17. Allahayoow Dagaal wiil ma dhalo waase dilayaaye

  18. Allahayoow dallaal iyo mallaal waa na dagayaane

  19. Allahayoow dabkay shidahayaan biyo ku soo daadi

  20. Allahayoow dhakhsana nooga dami daayim baad tahaye

  21. Allahayoow dakana raagta oo durugta yuu reebin

  22. Allahayoow dadkana soo hadee waa dabayshadaye

  23. Allow dawlad caadila na sii oon dir kala soocin

  24. Oo dagaladay qaybiyeen nabad ku soo duubta


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.