ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


BAAQ KU WAJAHAN URURKA AL ISLAAX XARUNTA DHEXE EE MUQDISHO

Posted to the Web   April 18, 2002

WQ

ISLAAX PUNTLAND 

islaaxpuntland@hotmail.com 

 

 
ka :dhamaan xubnaha Al-Islaax ee u dhashay punltand iyo Jupoland ee joogo ( NORTH AMERICA, EUROPE IYO SOOMAALIYA)
 
 
ku: Dr. Cali sheikh Ahmed Abubakar.
     Dr. Ibraahim Dasuuqi
     Dr. Cali Baashi
     Dr. Mahamed Ali Ibraahim
     Sheikh Ahmed AL-Qudubi
     Iyo Dhamaan Mas'uuliyiint iyo Culimaa udiinka Al-Islaax.
 
Ujeedo : CODSI WAX KA BADALID SIYAASADA URURKA AL-ISLAAX EE KU WAJAHAN XAL UHELIDA MASHAQADA HEESATA SHACABKA SOOMAALIYEED.
 
 
Walaalayaal marka hore waxaan halkaan idiinka leenahay ASLAAMU CALEEKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH.  Marka xigata waxaan idiin sheegeynaa in aan ilaahey dartiis idiin jecelnahay, idinkana waxaan idiin ka rajeeneynaa sidaa oo kale.
 
Walaalayaal haddii aanu nahay dadka u dhashay deegaanka puntland kana mid ah uruka Al-Islaax waxaan in badan ka fakareenay xalka soomaaliya, taas oo uu qof walba oo soomaali ah is waydiiyo, balse ururo ahaan ama kooxo ahaan lagu kala aragti duwan yahay.
 
Waxaa maantay inoo muuqda khal khal siyaasadeed in uu ku dhex jiro ururka aan ka mid nahay, kaas oo mar walba hor istaagan dacwadii aan ku balanay siday u hana qaadi leheed hana noqoto mid qabiil, ama mid dhaqaale ama dano kale oo gaar u ah oo uu qofka ku fakari karo, intay taas na hor taagan tahayna ma aan u maleeneeno in soomaaliya xalkeeda aan heli karno.  Haddii aan sii sharaxno soomaaliya waxay u qeeb qeebsan tahay qabaa'ilo iyo koox kooxo is neceb oo intooda badan asal u ah xukun raadis iyo dhaqaalo raadis iyo dhul raadis iyo kursi raadis, intaas waxaa sii dheer kuwo badan oo fulinaya dano dowlado kale sida Ethiopia, D'jabuti, Libiya, Kenya, Sudan, Masar ku waas oo maantay ka dhigtay ummadda soomaaliyeed kubad lagu cayaaro oo marba dhic loo tuurayo ama ay raadinayaan isbaheesi la rabo in lagula dagaalamo ummaddo kale, kuwaas oo markoodii horeba nafiirsanayey oo aan noo soo dhaqaaqin, maantay oo ay khadka siyaasadeed ama midka istraat! ijiga u daneenayaan soomaaliya ayaa ha mid sii bur burineeso shacabkeenii iyo deegaan keenii.
 
Marka ururka al-islaax waji qurux badan uma ahan in ay raacaan siyaasad qabiil ama mid koox ay ka dambeeso ama mid dowlado kale loogu daneenayo.  Waxaa maantay jirto in ururka al islaax uu isu dhiibay kooxda Carta oo lagu soo dhisay dalka D'jabuti kana mid noqday xubno firfircoon, iyadoo gacanta loo galiyey kooxka Carta hantidii ururka uu lahaa sida Idaacadii wayneed ee muqdisho ku taalaya iyo dhamaan maraakistii dacwada lagu fulin lahaa iyo waxyaabo kale oo aan halkan lagu xusi karin. 
 
Marka ma xal ayuu u arkay ururka Al-Islaax in uu hogaamiyo Cabdi-Qaasim Salaad Hassan, taasi waa mid aan la aqbali karin, Cabdi-Qaasim oo ah hogaamiye qabiil ama hogaamiye dhulbalaasi ku wajan siyaasadiisa ama si xaq ah halgu doorto ama si musuq-maasuq ah ha lagu doorto maantay waxaa inoo cad in uu Cabdi-Qaasim xal u rabin soomaaliya uuna ku adeeganayo dad wax ma garato ah oo aan xal soomaaliya u rabin.  Cabdi-Qaasim oo ah midkii ka qeeb galay dagaalkii sokeeye gobolada jubooyinka iyo shabeelooyinka, waana kii dhex dhigay ummadda puntland iyadoo nabad ku jirta khilaaf iyo khal khal iyo bur bur asagoo adeegsanaayo lacag aad u fara badan oo uu ka kala helay dowladiihii aan kor ku xusnay iyo kuwa kale oo aan soomaaliya aan u rabin xal waarta.
 
Marka walaalayaal waxaan idiin soo jeedineynaa ama idiinka codsaneenaa in wax laga bedelo aragtid aan la aqbali karin ee uu ururka Al-Islaax maantay uu ku taagan yahay, xubnaha ururka kama dhexeeso qabiil ama ganacsi ee waxay isugu yimaadeen ilaahey dartiis, taas oo aas aas u ah ururka Al-Islaax. Haddii aan nahay xubnaha u dhashay puntland kana mid ah ururka Al-Islaax waxaan ururka ku wada shaqeen karnaa in laga bedelo meesha uu maantay taagan yahay, oo lagu bedelo cadaalad, qabiil la'aan, dano shaqsiyadeed oo laga tago iyo in aan loo shaqeen Cabdi-Qaasim iyo dhul balaarsigiisa.
 
Ilaahey waxaan ka baryeeynaa in aad si wanaagsan noo fahantaan danbigeenii iyo keeniiba ilaahey cafiyo iyo in uu ilaahey ka saaro dhibta heesa soomaliya maantay uuna ugu bedelo cadaalad, ilaahey u dhawaansho, walaaltinimo ku dhisan is jeceel.  AAMIIN AAMIIN .
 
Ururka AL-Islaax waxaan ka rabnaa mudo 30 maalmood ah in uu wax kaga qabto arintaas aan kor ku xusnay, waxaad nagala soo xiriiri kartaan emailka kor ku qoran.

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.