Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Posted to the Web   March, 2002

Qoraalkaan Kala xiriir

Abdow Abdi 

woomo1@yahoo.com   

DACWAD FURAN OO KU SOCOTO DOWLADDA SOMALIEED KANA TIMID JAALIYADD SOMALIDA EE KUWAYT KU NOOL

DACWAD FURAN OO KU SOCOTO DOWLADDA SOMALIEED KAN TIMID
JAALIYADD SOMALIDA EE KUWAYT KU NOOL KANA DACWOONAYAAN
SAFIIRKA IYO NINKA UU KA DHIGTAY XOGHAYA KOWAAD OO
LADHAHO ABIB 02/03/01



KU; MADAXWEYNAHA SOMALIYA
KU RAISAL WASAARAHA SOMALIYA
KU;WASIIRKA CADAALADDA
KU; WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA
KU;WASIIRKA JAALIYDAHA DIBADDA
KU; WASIIRKA WARFAAFINTA
KU;GUDOOMYAHA BAARLAMAANKA


ANAGOO AH JAALIYADDA KU NOOL KUWAT KANA KOOBAN ODOYAAL, DHALINYARO IYO INDHEER GARATO IYO HOOYOOYINKA KUNOOL
WADDANKAAN WAXAAN HALKAAN AAN KA SOO GUDBINEYNAA IN
NALAGU HAYO DHIBAATO XOOG LEH HA AHAATO DHAN
WAXBARASHO, DHAN CAAFIMAAD , DHAN SHARCIYADDA
WADANKAAN LAGA QAATO DHAN VISOOYINKA DADKA AY LA SOO
BAXAAN ,
WAXAAN EEDAAS OO DHAN AAN DUSHA KAGA RIDEYNAA LABO QOF
OO KALA AH SAFIIRKA IYO NINKA UU ISAGA JEEBKIISA KA
SUUBSADAY EE KA DHIGAY SECRETEERKA KOWAAD EE UUNA
SIIYAY BAASABOOR DIPLOMASI AH OO FOORJARI AH NINKAAS
OO WADANKA KUWAIT KU SOO GALAY VISO SIYAARO.
WAXAA UU NAGU SUUBIYAY WAXYAABAHA SOO SOCDA OO KALA
AH:

1- IN UU MEEL WALBA KA DHIGAY WARQADO UUNA KU
TILMAAMEY SOMALIDA IN AY YIHIIN DADKA WAX QARXIYA
SIDAAS DARAADEED UU YIRI ANIGA AYAA IDIINKA SOO BAARAYO
, WALIBA WAXAA UGU DARAN SAFAARADAHA AJANABIGA IYO
KUWA CARABTAA HALKAAS OO FIIRO GAAR AH LOO YEESHAY
MAGACEENA.

2- IN DOWLADAHA KU LEH KUWAIT SAFAARADAHA AY LA
HADLAAN WASAARADDA ARIMAHA DIBADDA OO AY YIRAAHDAAN
ANAGA SHACABKEENA WAA IN LAGA DHAAFAA MARKA IQAAMADAHA
LOO SUUBINAYO IN DHIIGA LA QAADO DOWLADAHA CARABTA IYO
AFRIKAANKA WAA LAGA DHAAFAY ANAGA OO SOMALI AH MOYEE
TAASNA WAXAA UGU WACAN ISAGA OO AAN DAN KALAHEYN
SHACBIGA HALKAAS KU NOOL OO TIRADOODA DHAN TAHAY
SHANKUN OO QOF

3-IN HADDII AQOONYAHANADA AY SHIRAR ISKUGU IMAAN
LAHAAYEEN OO AY KAXAAJOON LAHAAYEEN AMUURAHA SOMALIYA
SIDEEN WAX UGU QABANAA ,WAXAA JIRTAY IN UU ISAGA IS
HORTAAGAY OO UU YIYRI LAMA QABAN KARO WAX SHIR AH OO
KU SAABSAN HORUKACA SOMALIYA AYNA KU DALBDEEN
BOOLIISKA WADANKAAS

4-HADDII AY DADKA AY U DHOOFI LAHAAYEEN DIBADAHA IN
SAFAARADIHII UU KA DHIGEY WARQADO UUNA LEEYAHAY QOF
AAN ANIGA ISOO MARIN OO AAN IDIINKA SOO BAARIN
WARQADNA KA WADANIN SAFAARADDA YAAN LA SIIN VISO
TAASNA WAXAY SAFAARADIHII KU NOQOTAY WAX LA YAABLEH OO
WAXAY KU HAYAAN CADAADIS XOOG LEH

5- ISKOOLADII AY DHIGAN JIREEN ARDADA SOMALIYEED EE
KU NOOL KUWAIT HANOQOTO DUGSIGA HOOSE AMA DHEXE , AMA
SARE AMA JAAMACADIHII WAXAA DHACDAY IN LOO DIIDY
TAASNA WAXAY KEENTEY IN DADKII AY U GUURAAN SUURIYA
AMA SOMALIYA SI AY CARUURTOODA AY U HELAAN
ISKOOLO,WAXAA JIRTO DAD AGGOMO AH AMA SABOOL AMA
WAALIDKOOD AAN SHAQEYNIN AMA SHAQOOYIN ;LACAG YAR KA
SHAQEEYO OO AAN AWOOD U LAHEYN IN AY LABO MEEL KU KALA
NOOLAADAAN WAXAA JIRTA IN AY JOOGAAN HALKAAS IYAGOO
ILMIHII AY SAN WAX WAXBRASHO AH AYSAN HEYSAN

6- MARKII UU YIMAADO WAFDI SOMLI AH KUWAIT WAXAA UU
BILAABAA HANDADAAD UU LEEYAHAY QOFKII WAX DHIBAATO AH
KU HORSHEEGA SHIRKA HORTIISA MARKA UU WAFDIGU BAXO
AYAAN CADAADINAYAA HADDII UU WAX UGA BAAHDO
SAFAARADDA AMA DOWLADAAN AAN LA JOOGNO AYAAN KU
DALBANAYAA

7-WAXAAN HALKAAN UGA SOO GUDBINEYNAA DOWLADDA
SOMLIYEED IN NINKAAN UUSAN DAN KA LAHEYN DOWLADDA KA
DHALATAY SOMALIYA UUNA RABO DIB U DHACEEDA OONA UU
DOONAYO WADANKA IN UU SIDAAN KU JIRO

8-WAXAA UU XIRIIR LA LEEYAHAY MUCAARADKA DOWLADDA SIDA
XUSEN CAYDIID, MORGAN. SHATI GADUUD,IYO MUUNYE

9- WAXAA KALOO JIRTA IN MARKA UU MAQLO WAFDI KA SOCDA
DOWLADDA AYAA IMAANAYA KUWAYT WAXAA UU BILAABAA IN UU
HOR ISTAAGO KANA SHAQEEYO IN DOWLADDA KUWAYT
UU YIRAAHDO WAA DAD KA SOCDO QABAA,IL EE MA AHA DAD
RASMI AH WAXA AY HALKAAN KA QAADAAN UMA GEENAYAAN
DOWLADDA EE IYAGA AYAA JEEBKOODA KU SHUBANAYO , WAXAA
UU ISKU DAYAA IN UU ISAGA KA QAADO DOWLADDAAN HADDII
AY USOO GACAN GASHO WAA AY KALA GOOSANAYAAN WAXAANA
AY GURYO KA DHISANAYAA SALAALA MASQAD OO SAFIIRKU
HEYSTO BAASABOOR MASQAD IYO ABIIB OO ISAGANA KA
IIBSANAYO LONDON GURYO
WAXAA DACWADAAN SOO QOREY ODOYAASHA IYO DHALINYARADDA
KALA AH :

1- GUDOOMYAHA JAALIYADDA SOOMAALIDA KUWAYT
SHEEKH OMAR

2-DR.FAARAX MAHAMED
3-DR .CUMAR NOOR - ------------------------
4-DR.FIIDOW --------------------------------------
5-MR LOWYAAN
------------------------------------------
6-MR LABO MADAX --------------------------------------
7-DR YUSUF KABOWEYNE -----------------------------
9-MR CABDIKARIIN MUKHTAAR -------------------------
10-MR MAXAMED DEEQ
--------------------------------------
11-HALIIMO M -----------------------------------
12- NADIFO AHMED ---------------------------------
13-AMINA HASSAN -----------------------------------
14-DR.MUUNYE
---------------------------------------------
15-XUSEEN BIDAAR -------------------------------------
16-X-SAARATO
----------------------------------------------
17-DR SUGULE
------------------------------------------------
18-MR JIIROW
----------------------------------------------------
19-SACIID GARDHEERE
-------------------------------------
20-DR ABDIRAHMAN
JILAY---------------------------------
22- DAAHIR GOOBE

----------------------------------------------
WAXAAN RABNAA IN SIDA UGU DHAQSAHA BADAN AAD WAX UGA
QABATAAN DHIBAATADAAN TAALO HALKAAN OO SHACBIGAAN
LAGU HAYO WAAYO WAXAA XITAA UU KULA DHAQMAA WAX AAN
LAGU ARKI JIRIN CAADOOYINKII SOMALIYA,

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.