Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Waa waraaq cusub oo ka soo baxday jaaliyadda Somaliyeed ee Kuweyt!

Posted to the Web   March 11, 2002

Waxaa Qoray

ABDO ABDI

Abdullahihss@aol.com  

ARRIMO KA DHACAY SAFAARADDA MARKII AY BURBURTAY DOWLADDII SOMALIYEED KU; MADAXWEYNAHA  SOMALIYA KU; RAISAL WASARRAHA SOMALIYA KU; GUDOOMYAHA BAARLAMAANKA KU; WASIIRKA CADAALADDA KU; WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA KU; WASIIRKA WARFAAFINTA KU; WASIIRKA JAALIYADAHA DIBADDA WAXAAN HALKAAN IDIINKAGA SOO GUDBINEYNAA ARRIMAHAN HOO KU QORAN 

1- WAXAA JIRTAY INTII AYSAN BURBURIN DOWLADDI SOMALIYEED IN AY SOO DIRTAY MUSHAAR SHAQALAHA SADDEX BILOOD OO ISKUGU JIRTAY MUSHAARKII SHAQAALAHA,IYO TII GURYAHA AY DEGANAYEEN KIRADOODA ,WAXAA DHACDAY IN UUSAN SIINI UNA SHEEGIN SHAQAALAHA WAAYO ISAGA AYAA BANKIGA LACAGTA KA SOO QADI JIREY SAXIIXI JIRAYNA JEEGAGA , HALKAAS WAXAA DHACDAY IN SHAQAALIHII LOO QABSADO KIRADII GURYAHA AY DEGANAAYEEN,LACAGTII LA SOO DIREYNA ISAGAA AFKA ISKA MARIYAY. 

2-WAXAA DHACDAY MARKII DOWLADDA KUWEYT AY SOO NOQATAY KA DIB MARKII UU WADANKOOD DAGAAL KA DHACAY ,WAXAA AY SUUBISAY IN AY SAFAARADAH OO DHAN SIISAY MIN HALGAARI OO MARSHEEDI AH , SI AY U ISTICMAALAAN,SAFIIRKA WAXAA UU UQAATAY LACAG AHAAN IYADOO SAFAARADU U BAAHNED BAABUURKAAS LACAGTIINA ISAGA AYAA KU TAGARA FULAY. 

3-WAXAA JIRTA IN UU IIBSADAY BAASABOORO BADAN OO GAARAYA SODDON KUN OO BAASABOOR KUWAAS OO UU KA IIBSADAY DAD AJANABI AH DADKAAS OO U DHASHAY BIDDUN KUWA LA YIRAAHDO OO JOOGA KUWEYT,FALASTIIN,SUUDAAN,ITOOBIYA OO AAN COL NAHAY,ERTERIYA ,YAMEN,CIRAAQ, IYO DAD KALE OO AN LA AQOONIN , WAXAANA UU KA SIIN JIREY SEDDEX KUN OO DOOLAR,BAASABOORADAAS OO AY LA IIBIN JIREEN WALAALIHIIS REER AMIIN IYO XASAN BARE,SI AAN LOO OGAAN WAXAY FIRTEEN DUKAN LAGU IIBIYO BUUGAAGTA ALAABTA ISKOOLKA HALKAAS OO UU JOOGAY WALAAKIIS MAXAMED AMIIN , WAXAANA AY KU SAXIIXI JIREEN MAGACA GAFOW 

4-WAXAA JIRTAY GABAR U FADHIDAY WASAARADDA GANACSIGA IN MARKII AY TAGAYSA AY TAALAY LACAG DHAN AFAR BOQOL OO KUN OO DOOLAR LACAGTII AYADA AHED CABDULQADIR AMINN IYO DADKIISII AYAA AFKA ISAK MARIYAY,WAAYO GABADHA MA AYSAN QAADI KARIN LACAGTAA, OO SAXIIXA BANKIGA YAALO KIISA AYUU AHAA 

5-WAXAA JIRTA IN MINXOOYINKII LA BIXIN JIREY OO AY UGU DEEQDAY DOWLADDA KUWEYT SOMALIDA KAAS OO DHAMAA TOBAN ,WAXAA DHACDAY IN UU LABO KALIYA SOMALIDA SIIYO SIDDEDA SOO HARTANA UU KA IIBSHO DADKII AAN KOR KU SHEEGNAY EE UU KA GATAY BAASABOORADA WAXAANA UU KA SIIYAA SHANKUN OO DOOLLAR 

6- WAXAA JIRTA IN UU BUUL KA DHIGAY NINKII AHAA XISAABIYHA SAFAARADA IYO BAASBOORDA UUSAN LAHEYN XAFIIS UU FADHIISTO,WAXAA KALOO JIRTA IN UU SAFAARADA SHAQO KA SIIYAY NAAG AJANABI AHA OO AAN CILMI LAHAEYN MARKII AY SOMALIDDENU TIRAAHDO SHAQO NAGA SII SAFAARADDA WAXAA UU UGU JAWAABA MAXAAD TAQAANIIN , IYAGOO AH DADKAAS SHAQDA SOO DOONANAYO ARDEY KA BAXDAY JAAMACADAHA KUWEYT CILMINA LEH,MARKII LA DHAHAY QOFKAAN AJNABIGA ANAGAA XAQ UGA LEH WAXAA UU UGU JAWAABAE A- NAAGTA AJANABIGA AH SIRTEYDA AYAAN U DHIIBTAA ,TAASNA WAA KA MAMNUUC IN QOF AJANABI AH AY OGAATO SIRTA SAFAARADA IYO WARQADAHA KA BAXA, ISAGA OO WALIBA KA DHIGAY SEKRTEERKA QAASKA EE SAFIIRKA B- WAXAA KALOO OO YIRI MAQAAYADAAN ANIGA AYAY II SHIDAN TAHAY QOF IGU SOO FARAGASHAN KARA MA LAHA C- WAXAA KALOO UU YIRI NINKII BUUQA IGU BADIYA WAXAAN KA CANCEL GAREYNAA BAASBOORKA WADANA WAA LAGA DHOOFINAYAA D- WAXAA KALOO UU YIRI IN DADKII AAN KA MAQLO WAXAY KAAGA SHEEKEYNAYEEN SUUQYADA IYO AAN BAASBOORKA AAN U JADIIDINEY ISAL MAR AHAANTAAS WAXII SAFAARADDA KA SOO GALO AAN LOO QABANEYN BAASABOORKANA LAGA XAJISAYO 

7- WAXAA JIRTO MARKII AY BURBURTAY DOWLADDII SOMALIYA 1990 IN AY DAD BADAN JECLEYSTEEN IN AY DIBADHA U SOO BAXAAN, SIDA WAXGARAD ,CULUMO INDHEEER GARATO, ARDEY IYO DAD CARUURTOODA IYO EHELKOODA KEENSANAYO WAXAA UU UGU SHEEKEEYAY DADKAAN SOMALIDA EE VIISOOYINKA IDDINKA SOO DALBANAYO WAA DAD HALKAA U IMAANAYO IN AY QAS KA DHALIYAAN SIDA WADANKOODA AY QASKA IYO BURBURKA UGA DHIGEEN , MARKII AY MAQASHAY DOWLADA KUWEY WAXAY SAARTAY WAXA LA YIRAAHDO BLACK LIST OO MACNAHEDU YIHIIN LAMA SIIN KARO VISOYIN MANA SOO GALI KARAAN, WAXAA MARKII UU MAQLAY ARRINTAAS SHEEKH OMAR AYAA WAXAA UU LA KULMAY WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO KA DHHDHICIYAY WAXA UU SAFIIRKA SOO QOREY IN AY YIHIIN WAX QALADA AH, ISLA MARKIIBA WASIIRKA WAA UU MAQLAY HADDALKII SHEEEKH OMAR WAXAANA UU AMAR KU SIIYAY WASAARADA ARRIAMAHA GUDAHA IN LOO OGOLAADO LOONA FURO VISOOYIN SOMALIDA WAXII KU SAABSAN ARRIMAHA SOMALIDANA AAD KALA XIRIIRTAAN SHEEKH OMAR 

8- WAXAA JIRTO IN UU NECBAA WAXA LAGU MAGACAABO JAALIYAD, MARKII UU MAQLAY WAXAA DHALATAY DOWLAD AYUU BILAABAY IN UU YIRAAHDO HA LA SUUBIYO JAALIYAD TAAS OO RABAY IN UU ISKA DHISO DOWLADDA. 

9- WAXAA JIRTO IN XAFLADO AY DHIGEEN JAALIYADDA SOMALIYEED EE KUWEYT,IYAGA AY LACAGTA ISKA ARUURIYEEN TAAS OO AY UGU TALAGALEEN DOWLADDA CUSUB IN AY JECLEYSTEEN CABDUQADIR AMINN,IYO ABIIB MUUSE FARAH IN AY YIRAAHDAAN ANAGA AYAA SOO QABAN QAABINAY AYNA KA SAAREEN WAXA MAGACA JALIYADA AH IN LAGU DHIGO, CAJALADII LA DUUBAYAY IN AY YIRAAHDAAN NINKA WAX DUUBAYA ANIGA IYO ABIIB AIYO REERKEYGA UBADI DUUBISTA, TAAS OO MACNAHEEDU YAHAY HA LA IDIIN ARKO 

10-WAXAA JIRTO IN UU YIRI JAALIYADA WAXAAN IDIIN SOO DIRAYAA DHOWR QOF AAN ANIGA KU KALSOONAHAY SI LOOSOO ARUURIYO LACAG LAGU GACAN QABANAYO DOWLADDA, MARKII AY ODAYASHII YIRAAHDEEN ANAGA AYAA KEENEYNO DADKA LACAGTA ARUURINAYI WAXAA UU UGU JAWAABAY ANIGA KUMA KALSOONI,WAXAY AY ODAYAASHII YIRAAHDEEN ANAGANA KUMA KALSOONIN DADKA AAD WADATAO WAAY HANTIDII DOWLADDA AYAA KUUGU MAQAN 

11-WAXAA AY HADDA TABAABUSHO XOOG LEH UGU JIRAAN IN AY HOR ISTAAGAAN WAX ALAALE IYO WAXII KA SOCDA DOWLADDA CUSUB HADDII AY MUCAAWINI AY KA SOO DOONAN LAHAED KUWEYT, ISAGA OO UGU SHEEKEYNAYO WAXAY LA JIRAAN ALQACIDAH 

12-WAXAA JIRTO HAYADO KHEYRI AH OO SOMALIYA MACAAWINO U GEYSO ,KUWAAS OO OO KAALMEEYO AGOOMO ,NAAFO DAD WAAYEEL AH DAD ISKA TABAR YAR IYO DADKA KU JIRA ISBITAAL MARTIINI EE NAAFADA AHA , WAXAA UU U QOREY HAYADAHAAS WARQADO OO UU LEYAHAY UMA BAAHNA DADKAAN MAUCAWINO EE WAA DAD ISKU FILAN ,WAXAA DHACDAY IN HEYADIHII AY SOMALIYA TAGEEN AYNA SOO ARKEEN XAQIIQDA , MARKII AY SOO NOQDEEN WAXAY OGAADEEN IN UU YAHAY BEENAALE UMADIISA NECEB, WAXAY MARKIIBA HAYADAHA BILAABEEN IN AY UDHISAAN MASJIDO,CEELAL, ISKOOLO,XARUMO CAAFIMAAD ,HADDII AY HADDALKIISA RAACI LAHAAYEEN INTAAS LAMA HELEEN 

13-WAXAA JIRTA IN SOMLIDA KU NOOL MARKII UU DAGAALKA KA DHACAY KUWAYT IN QAAR AY QAXEEN,QAARNA AY JOOGEEN ,WAXAA DHACDAY MARKII AY SOO LAABATAY KUWEYT IN DADKII QAXAY IYO DAKII JOOGAY LOO DALBAY TACWIID OO AH MAGANDHO LOOGANA DALBAY JINEEFA ,HADDABA WAXAA AY SUUBIYEEN CABDULQADIR AMIIN IYO ABIB MUSE FARAH IN UNITED NATION AY WARQAD U QOREEN OO AY DHAHEEN YAAN LA SIIN HADDII AY LACAGTOODA TIMAADO ILAA ANAGA AAN QOF WALBA WARQAD KA SOO SIINO ,WAXAYNA HALKII WARQAD DADKA KA SIINAYAAN LACAG DHAN TOBAN DIINAAR KUWEYT OO U DHIGANTA SODDON IYO LABO DOOLAR QOFKIIBA AMA MAGACIIBA ,WXAANA JIRA DAD TABARYAR OO AAN AWOODIN LACAGTAAS KUNA HEYSTO CARUUR BADAN HALKAA 

14-MARKII UU MAQLAY SHEEKH OMAR KHEYR ALAHA SIIYEE WAXAA UU BILAABAY IN UU ARKO SAFIIRKA UNITED NATION XAGGA U JOOGAYA WAXAANA UU YIRI WARQADDA UU IDIIN SOO QOREY SAFIIRKA WAXAY CARQALAD KU NOQOTAY JAALIYYA SOMALIYEED EE LACAGTA UGA TIMID ,ISAGA OO KU YIRI WAXAA UU YIRI QOF WALBA WAA IN UU BIXIYAA LACAGTII AAN KOR KU SOO XUSNAY,ISLA MARKIIBA SAFIIRKA UNITED NATION WAXAA UU AMAR SIIYAY SHAQAALAHA MEESHA KA SHAQEYNAYO OO UU DHAHAY QOF KASTA OO SOMALI AH OO HALKAAN WAX U YAALAAN AMA MAGACIISA LIISKA KU QORAN YAHAY HALA SIIYO LACAGTOODA AYADOON LAGU XIREYNIN WARQADDA SAFAARADDA WAXAA KALIAYA OO LA WEYDIIN KARAA WAX AQOONSI AH SHAQSIGAAS,WAXAANA UU AMAR KU BIXIYAY IN LAGU SOO QORO WARGEYYADA KA SOO BAXA KUWEYT OO DHAN SI QOF WALBA UU MAGCIISA ISKAGA FIIRIYO.

HADDABA QEYBTA KALE WAA INOO ASBUUCAAN GUDIHIISA ,WAXII FAAHFAAHIN AHNA KALA SOO XIRIIRA ABDO ABDI E-MAIL WOOMO1@YAHOO.COM

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.