ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ssThe opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

 

Baaq

Baaq ka Yimid PPAGs: Puntland People vs Carta Malitia and Politicians

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 23, 2002

Posted to the Web   January 23, 2002

Waxaa Qoray

Jamac Cilmi.

 

ppag2002@yahoo.com

“Waxaa Naxdin iyo fajac noqotay in Guulaha faraha badan ee ay sheegatay dowladda Carta ay u badan yihiin burburinta deegaan, ismaamul, dad iyo dhaqaale ee ay geysatay beelaha dega Puntland”. 

Indheergarad, Aqoonyahanno, Siyaasiin, iyo NGOs u badan beelaha dega Puntland ayaa labadaii bilood ee na soo dhaafay (Dec-Jan.) ku hawlanaa una fadhiyey sidii ay uga babaadin lahaayeen khatatrta weerarka hubaysan ee caadifidda iyo xaasidnimada qabiiliga ah ku salaysan ee ay soo abaabushay dawladda Carta. Hawgalkass oo ku bilowday dood furan, waraysiyo xogxogaal ah oo laga soo uririyey dhammaan deegaannada PL, la tashiyo toos oo weli lala yeelanyo isimada beelaha deegaanka iyo weliba wergelinta hayadaha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya arrimaha nabadaynta Somalia.  

Waxaa la abuuray guddiyo farsamo oo aad u nidaamsan una badan aqoonyahanno kuaasoo si aan kala kac lahayn ugu hawlan badbaadinta Ismaamulka Puntland iyo Xoreynta deegaannada Jupaland. 

Dowladda Carta ayaa isla markii ay Japuti ka timid hawsheedii ugu horreeysay ka dhigatay sidii ay xoog ugu qaabsan lahayd deegaanka Jupaland gaar ahaan dekadda mgaalada Kismayo, waxay ku soo daadguraysay ciidamo maleshiyooyin qabiili ah oo ku hubaysan tekinikada dagaalka oo aad u fara badan lagan soo ururiyo deegaanka beelaha Carta, waxaana markiiba kharash miisaaniydeed looga soo daabulay  misaaniyaddii carta ka heshay dhowr dal oo Arab ah. Qabashadii kismayo erayo uu ka yiri Abdiqassim ayaa waxay ka mid ahaa “waxaa ciidammada maleeshiyada beelaha Arta  Kismaayo ku xassuqeen amxaaro!!” Dadkaas uu amxaarada ku sheegay Abdikassim waxaay u badnaayeen  carruur iyo haween u dhashay beelaha PL. 

Dowladda Carta oo dagaalkeedii hubaysnnaa  sii ballarisay ayaa bil ka hor gacanta ku dhigtay dekaddii qur ahayd ee Ismaamula PL, kaddib markii ay  ka soo daadgureyso Xamar doonyo sida Hub iyo saraakiil milatery oo nasiib darro qaarkood u dhashay beelaha dega PL.

Warar lagu kalsoon yahay oo si joogta ah uga imanaya PL soona  gaaray PPAGs ayaa sheegay in Weerarkii Carta uu hadda soo gaarey magaalo madaxdii Ismaamul gobolledka Puntland Growe, waxayna u badan thay in magaaldu gacanta u gasho Maleeshiyooyinka ka amar qaata doowladda Carta waqti aan fogeyn. 

Puntland Peacec Advocay Groups waxuu baaq nabadeed oo furan soo gaarsiinayaa dhammaan Somalida  inta jecel nabadda, wada nolaanshaha, danaynaysana in la soo af jarto dagaalka sokeeye Somalida dhiig baxa nololeed iyo cawaaqib xumada u keenay. Waxaannu uga digayaan Carta in aysan Umadda Somaliyeed dib ugu celin dagaalkii sokeeye oo ummadu ka soo doogsatay tobankii sano ee la soo dhaafay. Olalahan cusub ee Carta abaabushay ayaa waxuu keeni karaa in uu sii kala fogeeyo ummaadda, waxaannan u aragnnaa khatar cusub oo dul timid minnimaddii iyo weliba jiritaankii umadda Somaliyeed. 

Waxaan ku gubaabinaynnaa Somalida jecel nabadda gaar ahaanna beelaha dega Ismaamulka DGPL  in ay si wadajir ah uga hor tagaan dagaalkan qaawan ee  ku suntan dhulballarsiga iyo nacaybka oo ay Carta ku soo qaadday jiritaanka Nabadda iyo Xisiloonida PL iyo Jupaland .  

Puntland Peace Advocacy Groups (PPAG)

Contact: ppag2002@yahoo.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com