| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  Jawaab dhambaalkii qaylo dhaan nabadeed.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 14, 2001
Posted to the Web  01:05 GMT December 15, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Abdi Mohamed Hassan
welli12@hotmail.com 

Waad salaaman tihiin dhammaan akhristayaasha iyo odoyaasha magacoodu qoraalka ku saxiixan yahay intaba.

Ugu horreyntii markii aan qoraalkaan qaylo dhaan netka ku arkay waxaan u qaatay sheeko odoyaasha laga sameeyey oo wuxuu qoraalku iilaa ekaaday in ay qoreen dad doonahaya inay sumcaddda odoyaasha dhaawac gaarsiiyaan, dabadeedna waxaan go,aansaday bal ninnaan moddo sugo oo baxnaaniyo, waayo waxaa dhici karta in odoyaasha qoraalka ku saxiixan dad aan ahayni ay qoreen sheekada, maxaa yeelay odoyaashu haddii aysan iyagu qorin qoraalka wax hadal ah ayaa ka soo bixi doona. Hadaba markaan u soo noqdo farriimaha iyo akhbaaraaha uu qoraalku xambaarsan yahay iyo khabaaro iyo fariimo kale oo badan oo jira oo uu qoraalku ka booday amaba ka gaansaday inuu wax ka soo qaado darteed ayey waxay iilamuuqatay innaan figradayda ka dhiibto maqaalkii amaba qoraalkii la magac baxay qaylo dhaan nabadeed.


Qoaalku wuxuu weerar aad iyo aad u kulul ku qaadayaa koox ka mida kooxaha puntland isku haysta, dhammaan waxa puntland dhib ka dhacay ilaa iyo intii dawladdii somalia burburtay halkaas koox ah buu qoraalku u nisbaynayaa . Kooxdaasina waa tan Cabdullaahi Yuusuf iyo inta ay figrad wadaagaan, hadaba ma xuma in wixii dhib wada loo sheego dhibka ay wadaan ummaddana looga digo hase ahaatee waxaa iyadana ka sii fiicnaan lahayd in dadka meel farta loogu fiiqo oo dadka lagu yiraahdo war dadyohow duliga aad ku jirtaan sidaas iyo sidaas baad kaga bixi kartaan oo aan waxba la sarbeebin, haddii aan sidaas la helinna qofkasta ama guruub kasta oo hadlaa wuxuu ku sifoobayaa kuwa afkooda iyo uurkoodu is khilaafsan yahay ,wax qarsoon oo aan dadka qaar ogayn ama aan la wada ogaynna ma jiraan, ninkii u haysta in qorshayaashiisu sir u yihiinow dib isugu noqo, maxaa yeelay wax mar hore dhaacay iyo wax mar dhexe dhacay iyo wax dhowaan dhacay intaba midkoodna ma qarsoona.

Waxaa kaloo jira in odoyaasha qoraalka ku saxiixan ay badankoodu yihiin dad daacad ah oo inta loo adeegsaday saaxiibtinimo hore iyo waayo waayo dabadeedna sidaas magacooda liiska loogu buuxsaday laakiinse ragga ujeedada qoraalku tibaaxayo ka dambeeyaa waa number aad u yar.aaah aaah aaah aaah waa hebel iyo hebel,.


Hadaba haddii aan u soo laabto waxyaalaha ama dhibaatooyinka wadankeenna ka jira maqaalka qaylo dhaanna uu ka gaabsaday in uu wax ka soo qaado, taas macnaheeduna maaha in odoyaashu aysan garanayn waxyaabaha aan hoos ku soo sheegi doono ee macnuhu waxaa weeye duruufihii jiray ayaa kalifay in sheekada halkaas madaxa loo saaro, waxaana ka mida arimaha odoyaashu ka gaabsadeen inay soo qaadaan kuwa kan soo socda:

1)  Odoyaashu waxay ka gaabsadeen inay wax ka yiraahdaan arinta Kismaayo iyo 60 gabdhood oo yar yar oo habeen walba fiidkii inta niman guryohooda kala baxaan, ay subaxa dambe barqadii yimaadaan iyagoo inta naasaha ka hoosaysaa guduudan tahay, nin weyn oo odoy ah oo 60 jir ah oo inta ilmo yar oo 10 jir ah ama 11 jir ah soo qabsada  raba inuu fara xumeeyo oo ilmihii oo ooyaya oo leh alla adeerow alla adeerow ku leh adeerkaa maahiye iga joog markii uu  isagu fara xumeeyana inta istaaga qaylinaya oo leh war yaa ooman! War yaa ooman! ninkaas  isaga ah iyo dadka uu ka mid yahay oo wata magac ah ciidanka qalabka sida ee soomaaliyeed, hase ahaatee ilmahaas yar ama dabadhaas yar waxa gaaray oo dhan waxaa uga sii daran oo laba geeriyaad amaba seddex geeriyaad  ku ah habka siyaasadeed ee ay odoyaasheeda iyo siyaasiyiinteedu ku jiraan ama wadaan  naftaada u dadaal wacadalaan duulna kuu rabine.

2)  Odoyaashu waxay iska dheereeyeen inay ka hadlaan halka puntland xasilooni darradu uga timid, kama ay hadli isimada usbuuc gudihiis  labada madaxweyne magacaabay, judhu kama ay oran lacagta puntland ku soo qulqulaysa ee koofur laga soo dhiibayo , kama ay hadlin soomana qaadin dadka reer puntland ee lacagtaas loo soo dhiibayo iyo kuwa ay u gaynayaan oo dalkii dhex jooga iyo ujeedada lacagta loo soo dhiibayo midnaba sababtuna waxay u muuqataa inay tahay nin meeli u caddahay meeli ka madow.


3)  Odoyaashu waxaa ay ka boodeen inay sheegaan xanuunka cancerka ah oo ay qabaan odoyaasha asalkoodii hore puntland u dhashay badankoodu, jiradaasi waxay odoyaasha laftigooda ugu kala badan tahay hadba sida ay u kala magac dheer yihiin iyo sidii ay u kala daraja sareeyeen berigii ay wax xukumi jireen, xanuunkaas cancerka ahina waxaa uu yahay xukun jacayl iyo necbaan iyo la dagaalan ku wajahan in qof la tartmi karaa ka soo baxo beelahooda  i toortoo hadhoow xagaan tegiyee  i toortooo,  i toortoo hadhoow xagaan tegiyee iyo Zainab X.A.Baxsan.


4) Odoyaashu waxaysan sheegin abaabulka dadka reer puntland lagu hayo oo la doonayo inay qolada Kismaayo xukunta hoos tagaan, dadka arrintaas u tafa xaytay oo ka shaqaynayaana ma aha kuwo qarsoon,hase ahaatee waxaa iga su'aal ah xaggee buu naqa ay nagu rarayaan ka da'ay? Hadaba haddi aan run la sheegin wixii la sheegaa waa been xaqiiqduna waxaa ay tahay Puntland koofur uma baahnayne koofur ayaa u baahan Northern Alliace reer puntland ah , mana ay hayaan sabab ama wax macquul ah oo inta puntland la baabi iyo dabadeedna koofur loo aado macnahooduna waa nacfi shaqsiyaad soo gala iyo colaado shaqsiyaad ka dhexeeya oo aan u qalmin wax dal iyo ummad dhan loo rogo, sawir danqasho ee mustaqbalka puntland haba yaraatee kama muuqdo dadkaas iyaga ah, waxaase taas ka sii daran qolyahaas iyaga ah haddii aad ku soo qaaddo Kismaayo iyo gabadhii yarayd iyo ninkii 60 jirka ahaa  waxay kaala horimaanayaan qaylo iyo buuq iyo eedayn aan meeshaba joogin marnana lagama yaabo oo waa habeenkii xalay ahaa oo tegey inay jawaab macquul ah ku ssyaan, waayo kuma siin karaan mar haddii qolo hebla wax la yeelayo wixii anaga na soo gaaraa waa macfa.

5)  Odoyaashu waxay iska uruuriyeen weligeedba marna inay soo qaadaan ama ka hadlaan dilkii iyo shirqoolkii loo maleegay abdirashiid Ali Sharma'arke, ninkii dilay waa la ogyahay inuu isaguna dhintay hase yeeshee waxaan ka hadlayaa dadkii u diray amase missionka dhigay, hadaba raggii ay abdirashid isku waqtiga ahaayeen leegana wada ahaayeen ehel ama soomaalina wada ahaayeen weli ma jiro mid qura oo soo qaaday in dabagal lagu sameeyo ciddii dishay iyo sababtii loo dilay midnaba waxaanad moodaa in si la isaga moosayo arrintaas iyada ah, dadka hawshaas dabagalkeeda lahaana waxaad moodaa inay u qaybsan yihiin seddex qaybood oo kala ah qaybta kowaad waa qayb aan waxba dan ah ka lahayn shidana aysan ku hayn in la helo oo lala xisaabtamo ciddii madaxweynihii mu'aamaraadka ku samaysay, qaybta labaadna waa qayb aan isku kalsoonayn oo u aragta in haddii ay hadlaan aysan waxba is bedel ah samayn karin, sidaas darteedna iska aamustay, iyo qaybta seddexaad oo ah qaybta la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen shirqoolkii lagu dilay Abdirashid, qaybtatani waa qaybtii ugu mudnayd inay dabagal sameeyaan hase ahaatee ma doonayaan in wax la faarfaaro, waayo farta iyo meesha bugtaa iyagaa is og , hawsha Abdirashidna mar uun bay furmi doontaa mana aha wax la iska hilmaamay ee waxaan la sugaynaa in dal iyo caddaalad la helo, inkastoo ay Mohamed iyo wadaadkiiba ay dhinteen hadana waxaan haynaa xogo waafi ah oo u baahan in maxkamad lala tago waqtigii ay haboonaato. 

Odoy u dhashay dalka Scotland ayaa qarnigii 16aad mar uu dadka reer Scotland kala hadlayey inaysan yeelin qabsashada ingriiska wuxuu yiri, When I look wright my shoulder is still over there.

waxaa qoray Abdi Mohamed Hassan

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com