ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Kablalax Daarood oo cambaareeyey maamulka Cigaal

Posted to the Web   April 18, 2002

WQ

Unitedkablalax Networks" 

unitedkablalax@yahoo.com 


Ku: Dhamaan salaadiinta Beesha Kablalax Daarood
Ku: Dhammaan dadweynaha Beesha Kablalax Daarood

Ujeeddo: Cambaarayn maamulka Maxamed Ibrahim Cigaal

Anaga oo ku hadlayna magaca shacabka u dhashay beesha Kablalax Daarood waxaannu si xoog leh u cambaaraynaynaa maamulka la magac baxay Somaliland ee uu madaxa ka yahay Maxammed Ibrahim Cigaal ka dib markii uu maamulkaasi ku talaabsaday in uu si fool xun oo khilaafsan xeerarka dadnimada iyo Soomaalinimada ugu xirxiray ka dibna uga musaafuriyey usbuucii la soo dhaafay magaalada Hargaysa 23 nin oo Soomaaliyeed oo u dhashay Kililka 5aad.

Waxaa shaki weyn nagaga jiraa danta iyo ujeedada laga leeyahay musaafurinta dadkaasi,meesha la geeyey iyo waxa ay ku dambaysay arrintoodu iyo weliba nabadgelyadooda.

Waxay noola muuqataa in uu maamulkaasi dhagar iyo isku dir u maleegayo beelaha Soomaaliyeed ee Kablalax Daarood iyo Isaaq ee ay ka dhexayso walaaltinimo iyo derisnimo wanaag,taasi oo aanu ugu baaqayno beelahaasi in ay ka feejignaadaan colaad iyo dab,iyo fitno uu kala dhex dhigo Maxamed Ibraahim Cigaal.

Waxaan kaloo ku wargelinaynaa maamulkaasi in uu keligii masuul ka yahay falalka noocyadaas ah iyo natiijooyinka ay keenaan, oo ah kuwo aanaan u dul qaadan karin marnaba, isla markaasina abuuri kara kala fogaansho iyo waxyeelooyin baán oo ku yimaaada xiriirka ganacsi ee gobolka guud ahaan.

Waxaannu dhawraynaa in uu maamulkaasi cadeeyo sababta loo taxaabay,loona musaafuriyey dadkaasi rayadka ah iyo denbiga ay ku mutaysteen arrintaasi.Maxaa yeelay dhammaan warbixinnadii uu maamulkaasi horey uga dhiibey arrintaasi ma noqon kuwo qanciya waxgaradka Beesha Kablalax Daarood.

Guddiga dhexe ee Beesha Kablalax Daarood ee Denmark

Laxiriir: unitedkablalax@yahoo.com


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.