ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Go'aannadii Shirweynihii 4aad ee Jaaliyadda Beesha Kablalax Daarood

Posted to the Web   March 26, 2002

WQ

Beesha Kablalax Daarood ee Denmark

unitedkablalax@yahoo.com 

Goáannadii shirweynihii 4aad ee jaaliyadda Beesha Kablalax Daarood

23 Mars 02- ODENSA.

Denmark

 

Maalintii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd 23 Mars 02, waxaa magaalada Odensa ee dalka Denmark lagu qabtay shirweynihii 4aad ee jaaliyadda beesha Kablalax Daarood ee Denmark.

Shirweynahaasi oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga jasiiradda Fyn ee beesha Kablalax Daarood oo isugu jira odayaal,culamaaudiin iyo aqoon yahanno waxaa ka soo qayb galay dad aad u tiro badan oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.

 

Shirweynahaasi oo u hirgalay sidii uu qorshihiisu ahaa waxaa la isku dhaafsaday fikrado,si xeel dheerna looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood ee gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

 

Shirweynahaasi oo socday in ka badan 8 saacadood waxaa ugu dambayntii ka soo baxay goáanno si buuxda loo wada ansaxiyey, laguna ballamay in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo, waxayna ahaayeen:

  1. In sida ugu dhaqsaha badan loo diyaariyo shirweynihii  5aad ee Beesha Kablalax Daarood kaasi oo heer qaaradda yurub noqonaya, laguna qaban doono magaalo madaxda labaad ee dalka Denmark ee Aarhus.Waxaana la goáansaday in si weyn loogu wargeliyo dhammaan jaaliyadaha iyo waxgaradka beesha ee qaaradda Yurub.Waxaana la filayaa in ay ka soo qayb galaan ergooyin iyo shakhsiyaad waxgarad ah oo ka socda woqooyiga Maraykanka,dalalka Carbeed iyo weliba Soomaaliya.

     

  2. In sida ugu dhaqsaha badan loo magacaabo xubnaha guddiga fulinta ee midnimada iyo iskaashiga Beesha Kablalax Daarood ee Denmark, kuwaasi oo ka masuul ah qorshaynta iyo hirgelinta dhammaan hawlaha Beesha, waxaana sidoo kale la goáansaday in jasiirad kasta oo ka mid ah saddexda jasiiradood ee Jylland,Sylland iyo Fyn ay iska soo doortaan wakiilladooda u matalaya guddiga.

     

  3. In xil weyn la iska saaro sidii loo kordhin lahaa awoodda wacyi gelinta,loona adkayn lahaa iskaashiga iyo xiriirka ay Jaaliyaddu la leedahay jaaliyadaha kale ee  kablalax Daarood ee aduunweynaha,isla markaasina si weyn loola socdo xaaladaha Soomaaliya iyo deegaannadii Beesha Kablalax Daarood.

     

  4. In si weyn loo xoojiyo golaha guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood oo ah golaha rasmiga ah ee internetka ee isku xira dhammaan jaaliyadaha beesha ee adduunweynaha.

 

Shirweynihii 4aad oo ku dhamaaday farxad ballaaran waxaa mahadcelin gaar ah iyo qadarin sare loo gudbiyey guddiga iyo dhammaan xubnaha jaaliyadda Beesha Kablalax Daarood ee jasiiradda Fyn oo iyagu xil weyn iska saaray  hirgelinta shirweynaha.

 

Beesha Kablalax Daarood ee Denmark

unitedkablalax@yahoo.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.