ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

 Wargalin

Albaabada oo loo furay golihii Beesha Kablalax Daarood

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 27, 2002

Posted to the Web   January 27, 2002

Mudane & Marwo
Beesha Kablalax Daarood

Ku soo dhowaada golaha Beesha

unitedkablalax@yahoogroups.com

Waxaa ilaah mahaddii ah in aanu maalintii ay taariikhdu ahayd 23/01/2002 si rasmi ah albaabada ugu furnay golahii guud ee beesha Kablalax Daarood ee aduunweynaha.

Golahan oo ay in badan sugayeen dad badani,waxaa si xilkasnimo leh masuuliyad weyn isaga saaray furitaankiisa iyo hawl socodsiintiisaba xubno firfircoon oo u dhashay beesha ka dib markii ay wada hadallo iyo talooyin wax ku ool ah is weydaarsadeen waxgarad iyo aqoonyahanno tiro badan oo iyaguna u dhashay Beesha oo ku kala nool dalal kala gedisan oo ka mid ah qaaradaha aduunka.

Golahan waxaa loogu talo galay in ay dadka u dhashay beesha Kablalax Daarood isku dhaafsadaan wixii talooyin iyo afkaar ah  isla markaasina ay u adeegsadaan sidii ay isaga warhayn lahaayeen.
Waxaa kale oo ay tahay ujeedadiisu in ay beeshu si soke uga warhayso xaaladaha ka taagan dalkii hooyo isla markaasina fiiro gaar ah u yeelato deegaannadii beesha Kablalax Daarood.
Golahan waxaa ka xaaraantimaysan dhamaan waxyaabaha ay ka mid yihiin aflagaaddo(qof & qoysba),cay,ceebayn,kala qaybin Kablalax iwm,qofkii ku kacana waxaa qaban doona xeerka u dhigan golahan ee khuseeya arrintaas.

Shuruudaha soo gelitaanka golahan iyo codsigaba waxaad si toos ah ugala soo xiriiri kartaan cinwaanka beesha ee internetka:

unitedkablalax@yahoo.com
amase si toos ah ula soo
xiriir xoghaynta warbaahinta & Saxaafadda.

Mahadsanid

Xoghaynta Warbaahinta & Saxaafadda
Beesha Kablalax Daarood
Tlf/Fax: +45 86250265

Wixii Su'aal qoraalkaan ku saabsan fadlan toos ugu dir Kablalax diaspora Network <unitedkablalax@yahoo.com>


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

Bravenet.com