ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Dawlada Jarmalka oo Diyaar u ah Inay somalida Ka caawiso xagga Dib u heshiisiinta...

Posted to the Web   March 26, 2002

WQ.

Abdi Osman Mohamed “Kabretto“ 

Kabretto@web.de    

 

Abdi Osman Mohamed “Kabretto“     Bertheltstr. 05

Tel: (+49351)        01307 Dresden

Fax: (+49351)4466530   F. R. Germany

Mobil: (+491736659910) E-Mail : Kabretto@web.de

Date: 26. 03.2002 

SOMALIA HA NOOLAATO: 

Waxaan halkan aan idinkula socodsiinayaa, anigoo aha ninkii Soomaaliyeed, ee sogootinaya Madaxa Golaha Baarlamanka Dawladda Jarmalka Federalka ah u Qaabilsan Arrimaha Africada Bari Mudane Joachim Tappe, waxaan aan aad ugu faraxsanahay in aan idiin soo gudbiyo ogolaashada uu Golaha Qaabilsan uu ogolaaday, in ay Dawladda Jarmalka ahi ay diyaar u tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka caawinto xagga dib u heshiisiinta iyo dib u dhisidda wadanka Soomaaliyeed, xag dhaqaale iyo Mujtamacba. 

Dawladda Jarmalku waxa ay hawsha dib u heshiinta iyo dib u dhisidda qaranka Soomaaliyeed ay ka qayb qaadanaysaa, oo ay naga Caawinaysaa, haddii ay shacabka uu diyaar u yahay in uu nabad helo, oo la caawiyo, iyo kooxaha isku haysta maamulka wadanka ay diyaar u yihiin in ay nabad ku soo celiyaan wadanka Soomaaliyeed, oo khilaafaadka u dhexeeyana ay diyaar u yihiin in lagu dhameeyo wada hadallo. 

Sida aad la socotaan Dawladda Jarmalku wax ay ka tirsan tahay dawladaha EU, waxayna la kaashanaysaa arrimahaas wadamada kale ee Reer Europe iyo United Nationka. 

 

WARQADII OGOLAASHADA AH, HORTAYDA AYAY TAALLA. 

Waxaan rajeynayaa, in ay 12 Sano oo dagaal ah ay nagu filan tahay. 
Waxaan rajeynaa, in mas ´uuliyiinta Soomaaliyeed, ay danta Shacabka ay ka hor mariyaan, dan kasta. 

Waxaan rajeynayaa, in ay shacabka Soomaaliyeed, ay tusaan adduunwaynaha, in ay Diyaar u yihiin in ay dhistaan qarankii Soomaaliyeed, kuna soo celiyaan sharaftii uu wadanku lahaan jiray. 

GUUL IYO DAN SOOMAALIYEED AAN KA WADA SHAQAYNO. 

WAAD MAHADSANTIHIIN. 

KABRETTO.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.