AllPuntland Ahristaha

Wareysi aan layeeshay Soomaligii ugu horeyey oo qaxooti ah ee taga Menneapolis USA

kk

[ Muqdisho 

Posted to the Web   February 17, 2002

kkDawla

Walaal Magacaa?

WALAAL MAGACAA waxaa laiyiraahdaa
ABDURAHMAN EELAAY!!!!!!!!!!

Magaceygu waa Abdirahmaan Eelaay, Waxaan ahay Nin aad Caan uga ah Magaalooyinka Mataanaha ah ee Soomaalidu degto(Minneapolis/St.Paul).
Waxaan ahay Soomaaligii ugu horeeyey ee qoxooti ah ee yimaada Minneapolis 1992. Waxaan nimid anagoo 15 ah oo kala yimid gobolo ka la duwan magaalada Marshall ee hilibka digaaga lagu qalo. Aad baa naloola yaabay waayo lagama aqoon qof madow anaga ka hor. 

Guryihii baa nalaga kireyn waayey, kadibna Gawaadhida baanu dhex seexan jirnay, waxaanan ka qubeysan jirnay warshadda dhexdeeda ilaa muddo bil ah.
Maalin maalmaha ka mid ah baa waxaanu go'aan ku gaarnay inaanu soo eegno magaalada weyn ee
Minneapolis. Waxay ahayd goor fiid ah cidna kama naqaano magaaladan, waanu iska soconaa. Anagoo 10 ah marana 5 street downtown Minneapolis, ayaanu maqalnay cod naga daba leh: "Waryaa waa Soomaali, weligey ma arag intaan oo Soomaali ah oo isla socda" Ilaahay uunbaa ogaa sidaanu u faraxnay !!!! 

Wuxuu noqday nin soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo CABDI WAGAD. Wuu nasoo kexeeyey, wuxuuna na geeyey gurigiisa. Subixii ku xigtayna wuxuu guri nooga qalqaaliyey Gabadhii guryaha haysatay.
Gurigayagu wuxuu noqday gurigii ugu horeeyey oo Soomaali qaxooti ah ay degaan wuxuuna ku yiilay
1400 Portland Ave s, wuxuu u dhowaa downtown-ka. Waxaa ku xigay in Soomaali meel ay joogtaba ay teleefoon noo soo diri jireen oo aanu ka soo qaadi jirnay Garoomada, Basaska iyo diyaaradaha.

 Waxaanu ka caawin jirnay Shaqo geynta iyo kala baridda Magaalada. 

Sannadkii 1993 ayaanu anagoo dhalin yaro isku soo qaadnay inaanu sameysano urur na matala. 

Waxaanu ku kulmi jirnay Saraha dhaadheer ee hadda Soomaalidu degto oo markaa ay ku jireen 4 qoys oo keliya. Aniga, Cali Baashi iyo Cabdalle Guuleed ayaa sameeyey uruka hadda ay sheegtaan Somali Comminity of Minnesota. 

Cali Baashi waa ninkii u horeeyey ee sameeyey makhaayadii ugu horeysay magaaladan MUQDISHO, Cabdalle wuxuu ku noqday SANDIEGO, Iyadoo ay noo maraso meel fiican oo dadku isku kalsoon yahay ayaa waxaa Gobolada koonfurta Mareykanka ka yimid sanadkii 1995 Qoyska hadda sheegta
inay aasaaseen Somali Comminity of Minnesota. 

Waxayna ka soo qayb galeen wada hadalka noo socday, waxaa iyagana magaalada yimid macallimiintii Lafoole, markaa waxaanu anagu go'aansanay inaanu macallimiinta ku wareejino hawsha maadaama ay buuq qabyaaladeed meesha yimid.
Macalimiintii iyo waxaa isku soo haray qoladii kale, is afgaran waa iyo buuq ka dhexdhacay awgii waxay
macallimiintii sameysteen ururka la magac baxay Somali Confederation of Minnesota; qoladii kalena waxay hoos ahaan iyadoon la ogeyn ay soo dii waan gashatay Somali Community of Minnesota.


C/RAXMAAN KADIB ADIGA IYO SAXIBADA MAXAD SAMAYSEEN?

Waxaanu bilaabnay hadey arini sidaas noqotey inaanu usheqayno somalida qaxootiga ah Waxaan muddo 4 sanno ah, 1993-1996 u shaqeynayey RED CROSS waxaa ahaa TRACER. Waxaan caawin jirey dadka soomaaliyeed ee kala lumay sidii laysugu keeni lahaa. Waxaan isku xidhi jirey dadka jooga Gobolka Minnesota iyo Eheladooda aysan ka warhayn ama Baafinasa ee ku sugan Soomaaliya, Xeryaha qaxootiga iyo Waddama kale.


HADII AAD SAAN UDADAASHEEN KAWARAN HADEER XALADIINA?
Aniga iyo saaxiibkey C/rashiid Warsame Waxaan aasaasnay 2 iskool oo dadka waaweyn ay ku bartaan
Ingriiska, Xisaabta iyo dhaqanka iyo Sharciyada Mareykanka.
Midka hore waxaan aasaasay sanadkii 1998 Sanand ka dib ayaanu is fahmi weyney Ninkii aanu hoos joognay waxaana la yiraahdaa iskuulkaas Somali Sucsess Program ilaa iyo haddana wuxuu ka jiraa Waqooyiga Magaalada Minneapolis.
Waxaan ka ahaayn Madaxda wata Prograamkaas, Dadkuna aad bay runtii uga aflaxeen. Waxaa dhigi jirey iskuulkaas Macallimiintii Soomaaliyeed ee Lafoole oo dadku aad u jecel yihiin, Iskuulka labaad waxaanu aasaasnay 1999 waxaana layiraahdaa Ubah Educational Services, wuxuuna ku yaalaa Koonfurta Magaalada Minneapolis. 

Waxaa lagu bartaa Ingriiska hoose iyo ka sare, xisaabta hoose iyo ta sare, iyo dhamaan sharciyada mareykanka. Waxaa wax ku barta dadka waaweyn ee Soomaaliyeed iyo weliba dadka Oromada ah. Ka daawo iskuulkaa web.

WALAAL ISKUULKIINU MAGACII WEBSITE-SE MALEYAHAY?

Haa walaal wuxuu leeyahay website waana sidan hoos clic sii page-kan https://members.tripod.com/ubahedu/ 

Waxaan ka ahaa Maareeyaha iskuulkan danbe, laakiin waxaan la jeclaa inaan dadka kaalmeeyo. Sidaa
daraadeed, Waxaan wax u dhigi jirey dadka aan afkooda hooyo qori karin. Hal isbuuc ka dibna waxna waa qori jireen waxna waa akhriyi jireen.
Lama qiyaasi karo farxadda ka muuqata dadkaas waaweyn markay bartaan afkooda hooyo kaasoo u sahlaya inay bartaan Ingriiska. Hadda waxaan ka shaqeeyaa Iskuul carruurta yar-yar,
waxaan kormeeraa fasalada ay dhigtaan carruurta Soomaaliyeed, sida wax loo baro, in fasalka dhexdiida
iyo qalabka lagu ciyaaro laga helo dhaqanka Soomaalida, iyo barrida macalimiinta luqadda Soomaaliga. Iskuulka magaciisa waxaa la yiraahdaa PICA Head Start.

MAGACII SCHOOLKA KALE?
walaal waxaa layiraahdaa halkan hoose click sii fadlan eeg Cinwaankan www.Picaheadstart.org

Waxaa waraystay 

C/RISAAQ ADAN

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited