ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Markaana Maxaa horetaagan Maamulka Col. Cabdulahi Yusuf oo u soo celin la’yahay maamulkii iyo kala dambayntii?

Posted to the Web  June 09, 2002

WQ.

Mohamed Koronto

koronto01@yahoo.com 

 

Tan iyo intii uu Cabdilahi Yusuf ku soo Noqday magaalada ganacsiga ku miihimka ee Boosaaso ayaa waxaa dadku hadal hayeen sida ay ugu heelan yihiin ka qeyb qaadashada soo celinta maamulkii Puntland ee ku dumay khilaafkii siyaasadeed ee sannad ka hor saameeyay Puntland. Dadka reer Puntland ayaa intooda badani muujiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la soo celiyo sharcigii burburay ee wadanka. Arintaas dadku waxay ku muujiyeen siyaabo kale duwan, sida idaacadaha, mudaharaadyo IWM.

Illaa hadda ma cada waxa hortaagan maamulka Col. Cabdulahi oo isaga laftigiisu balan qaaday in uu soo celinayo maamulkii burburay. maamulka ayaa awoodiisi isugu geeyay magaalada Bossaaso oo aysan ka jirin wax qul-qulad ah haba yaraatee, halkaas oo waliba maamulka loogu soo dhaweeyay si diiran, iyadoo la ogsoon yahay magaalada Bossaaso in ay tahay xudunta Puntland muhiimna u tahay sugida nabadeedu maamul-kasta oo jira ayaa haddana waxaad moodaa sidii awalba looga bartay Maamulka Col. Cabdulahi in uu isku uruuriyay hal meel, waxaa taas tusaale u ah in maamulkii kan ka horeeyay ee uu madaxda u ahaa Col. Cabdulaahi uusan dhaafin labo magaalo oo ah Bossaaso iyo Garoowe.

 

Gobolada Sool, Sanaag, Mudug iyo degmada Buuhoodle ayaan haba yaraatee uusan ka hirgalin maamulkii hore, waqtigaas ma jirin wax weyn oo khilaaf ah oo maamulku ku hirgali waayo marka laga reebo Somaliland oo iyana sheegata gobolaas qaar, haddaba su’aasha isweydiinta leh waxay tahay marakana maxaa hortaagan Maamulkaan oo uu u soo celin la’yahay xasiloonidii iyo nabada?

 

Su’aashaa ayaa  dad qaarkiis u micneeyeen dhawr siyaabood oo kala gadisan, labada micne ee uga caqli galsan ayaa waxay leeyihiin maamulka waa la hoosaasiyay oo soo dhaweyntii Bossaaso loo fidiyay oo uu filanwaa ku noqotay ayaa waxaa ka hoos baxay ujeedooyinkii iyo hadafkii maamulku watay bilowgii, hadafkaas oo ahaa in marka hore maamulku sugo amaanka gebi ahaan gobolada Puntland ka dibna loo gudbo wada hadal, heshiisiin iyo sidii loo sixi lahaa waxii khaldamay. Hadaba isla markii maamulku tegay magaalada Bossaaso ayaa waxaa ka bilaamay shirar aan kala go’ lahayn una muuqan in ay dhaqso ku dhamaanayaan kuwas oo u dhaxeeya maamulka iyo odayaasha deegaanka gobolka Bari . Waxaa taas ka sii daran marka shirarkaas socdaan lama dhisin dawlad hawlgasha.

 

Dadka qeybta labaad ayaa aaminsan in maamulku ka caga jiidayo isku dhac yimaada haddii ciidanka Polisku isku dayaan in ay hawl gal ka bilaabaan magaalooyinka Qardho iyo Garoowe oo haatan u muuqda in ay qabsadeen kooxo shufto ah oo meel kasta Jidgooyo dhigay, bilaabayna dhac iyo dil aysan cidna u aabo yeelin. Nimankaas shuftada ah ayaa waxay ku gabanayaan qabiil, waxay kaloo sheegayanayaan in ay ka mid yihiin maaulkii Jamac Cali Jamac ee wadanka laga saaray wallow markii Jamac joogay aysan haba yaraatee kooxahaasi siin wax taageero ah.

 

Isku soo duub aragtiyahaas oo dhan oo laga yaabo in ay run yihiin, Maamulkuna ku saxsan yahay hadaay ka meermeersadaan dhiig daata oo maanta aan loo baahnayn ayaa haddana dadka Puntland waxay sugayaan in Dawladu sida ugu dhaqso badan u soo celiso nidaamkii Dawliga ahaa, haddii aysan soo celin karina sidaas u cadayso si dadka Puntland uga tashadaan ayaahooda.

Mohamed Koronto
Koronto01@yahoo.com

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.