ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Dalkaga iyo Dadkaga Dibin daabyada kadaa.

Posted to the Web  June 01, 2002

WQ

Khalif Ahmed" 

kowtame@hotmail.com 

Burburkii dalka Somaaliya ka dhacay wuxuu noqday boog biskon waydey.

Dadbaase waxay oran jireen haddii dhib dhaco annagu waan ka nabad geleynaa.taasu waxay noqotay mid aan suuragal ahaayn,ee wixii yimid waxay wada saabteen dhamaan ummadda Somaaliyeed miyi iyo magaalaba.Muddo 10 toban saso ah ayaan waxaan ku noolnahay Dibjir, Duur seexad, Qaxooti, dhac, Dil iyo Kufsi.waan lawada soconaa Dhabadii habaar waalid iyo Magan gelyadii kenya.

Markii la ina taabto waxaynu nirahnaa maxa Dalkaygii iga keenay. 

Dhibatada dhacday dadbaan weli dreemin oo u adeegaya Kii dhacay wixii mood iyo nool uu lahaa,oo maanta isagoo xamar ku jira aan sheegan karin.Taasu miyeyna ahayn wax la yaab leh.Bal nimanka iyagu sheegtay Dowladnimada haddii aad rajo ka sugaysid miyaad hilmaamtay Xigmadii somalida oo oraneysey NINKAAD KABO KA TOLANAYSID KABIHISAA LA FIRSHAA.Waxaa dulucdeydu tahay daka u dhashay Gobolada puntland in ay gartaan danahooda iskana dayaabn u adeegida dadyowga kale, wax ku baahan in aad iftinisid gurigaaga.Dalkeenu maanta waa nabad.waxaa did eebe usoo celiyey sharaftii iyo haybadii aan lahayn.Burburkii iyo dhibatadii ay inoo geysteen wax magaradku waxba yaan dib loo raacin hadutoobad keeno oo dadkiisa uu dhinaca karaaco, maamulka puntland soo noqoshadiisu waxay ka careysiisay ummad badan oon u dhalan Goboladaas.waana arin dhacday ee dadow ha moogaan.

Nin aan ku furi doonin yuusa ku rarin.Ma isweydiisey Maxaa looga xanaaqay Maamulka dib usoo noqday ee Puntland? 

Puntland waa 5 Shan Gobol iyo Degmo.Waxaan ku bahoobay ummad badan oo Somaaliy. Kuwaas oo isugu jira Ganacsade iski u madaxbanaan iyo kuwo u shaqaeeya Maamul Goboleedka isago qof walba hegsanaaya horumar iyo mustaqbil wanaagsan.

 

Haddii ummadda Somaliyeed loo helo wax ka qaada musiibada ku habsatey,Puntland horay u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay soo dhaweneyso kana qayb geleyso meel kasta ee la isugu tago oo dib loogu soo celinaayo Sharaftii iyo haybadii Ummadda Somaliyeed,Waxaan ku soo gabagabeynaya erayga ah: Dalku waa Dalkagii Dadkuna waa Dadkagii Dowladnimo bilaash kaguma helee Dibin Daabyada ka Daa,

 

Qore:Kowtame@hotmail.com


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.