Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

HAMBALYO WAX QABADKII SHEEKH OMAR (MADAXA JAALIYADDA SOMALIYEED EE KUWEYD

Posted to the Web   March, 2002

Dhalinyarada Somalida ee Kuwait

somaliweyn@hotmail.com    

 

ANAGOO JAALIYADDA SOMALIYEED EE KUWEYD WAXAAN HAMBALYO U DIREYNAA SHEEKHA SOMALIDA EE KUWEYD SHEEKH OMAR (SHEEKH SOMALI) , WAXAAN UGU HAMBALYAYNAA GUULIHII UU GAAREY INTII WADANKEENA BURBURSANAA SIDA XOOGA LEH EE UU WAX UGU QABTEY UMMADDA SOMALIYEED EE KU NOOL KUWEYD .

SHEEKH OMAR WAXAA UU WALIGIIS AHAAN JIREY RAISAL JAALIYA INTAYSAN DOWLADDA SOMALIYA BURBURIN WAXAA UU SI FIICAN UGA QEYB QAATEY MAGACA IYO SUMCADDA SOMALIYEED SIDII UU MEEL FIICAN UGAARSIIN LAHAA, TAASNAWAA U KU GUULEYSTAY, OO MEEL KASTA OO KUWEYD KA MID AH MARKII AY ARKAAN KUWEYTIYIINTA QOF SOMALI AH SI FIICAN OO GACMO FURAN AYAA LOO SOO DHAWEYNAYAA IYAGOO QOFKASTA OO DADKAAS KA MID AH AY LEE YIHIIN SHEEKH SOMALI KA WARAMA ,MARKII AY SOO BAXAYAANA AY YIRAAHDAAN NAGU SALAAMA SHEEKH SOMALI SHEEKH OMAR.

WAXAA UU SHEEKH OMAR UMADAAS U QABTEY WAXYAABO AAN HALKAAN LAGU SOO KOOBI KARIN OO AAD UFARA BADAN TUSAALE AHAAN 

A)MARKII AY BURBURTAY DOWLADEENA SOMALIYEE WAXAA DHACDAY IN UU XABSIYADDA KA SOO DAAYAY UMMAD SOMALIYEED OO KU XIRNAA JELASHAAS KUWEYD OO ISKUGU JIRO RAG IYO DUMAR 

B)WAXAA JIRTO IN UU FAAMIL FARA BADAN OO KU NOOL KUWEYD OO AAN SHARCI LAHEYN IN UU DOWLADDAAS AAN LA JOOGNO UU UGA SOO DHAMEEYAY SHARCIGII WADANKA LAGU JOOGI LAHAA KUWAAS OO ISKUGU JIRO RAG IYO DUMAR IYO CARUUR 

C) WAXAA KALOO UU U QABTEY ARRINTII AHEYD MAGDHOWGII WAGII UU DAGAALKA KA DHACAY KUWEYD DADKII QAXAY IYO KUWII JOOGAY OO UU UGA SOO DHAMEYAY UNITED NATION EE XAFIISKOODU YAHAY KUWEYD SI UMADAAS SOMALIYEED WAX LOOGU QABAN LAHAA TAAS OO UU QOREY WARQADO IS DABA JOOG AH WALIBA ISAGOO HOR FADHIISTEY DANJIRIHII UNITED NATION UFADHIYAY KUWEYD MEELNA ISLA DHIGEEN SIDII UMMADDAAN SOMALIYEED EE KU NOOL KUWEYD HOWSHOODA LOOGU SOO DHAMEYN LAHAA , DADKA KALE EE AJANABIGA AHAA EE SIDA SOMALIDA OO KALE AHAA WAXAA U DOODAYAY DOWLADAHOODA AMA SAFAARADAHOODA, LAAKIIN ANAGA WAX NOO DOODAAYO MA LAHA AAN KA AHEYN SHEEKH OMAR WAAYO ANAGA SAFAARAD WAA AY KU LEEDAHAY SOMLIDA KUWEYD. 

D) WAXAA DANJIRAHA UNITED NATION U FADHIYA WAXAA UU UBALAN QAADEY SHEEKH OMAR IN UU WAX LA QABTO UMMADAAN SOMALIYEED EE DOWLAD LA,AANTA AH 

E) WAXAA KALOO UU SHEEKH OMAR U QABTEY UMADDAAS SOMALIYED MARKII ARDADEENA LOO DIIDEY ISKOOLKII IYO JAAMACADIHII , KA DIB MARKEY ARKEEN DAD AAN AHEYN SOMALI OO WATA BAASABOORKEENA OO DHIGANAYA , WAXAA DHACDAY IN UU SHEEKH IMAR WASAARADDA WAXBARASHADDA IYO WASAARADDA TACLIINTA SARE UU U TAGAY KANA DHAADHICIY IN DADKAAS AYSAN AHEYN AANAN GARANEYN MEEL AY NAGA SOO GALEEN , WAXAA USHEEKH OMAR BALAN QAADEY IN HADDA WAXII KA DMBEEYO UU ISAGA GACANTA KU QABANAYO LIISKA ARDEYDA ISLA MAR AHAANTAAS SEDDEX BILOOD KA HO UU SOO DIYAARINAYO ARDEYDA GALEYSA ISKOOLADA IYO MACHADYADA KALA DUWAN SI UU U SOO KOONTAROLA QOF WALBA , SI AY USOO NOQOTO SUMCADII AY SOMALIDA KU LAHEYD ISKOOLADDA KUWEYD 

F) WAXAA UU SHAQOOYIN FARA BADAN GEEYAY DAD ISKUGU JIRO SABOOL ,AGOON, IYO DHALINYARO BAAGAMUUNDO AHAA UUNA KA SHAQO GEEYAY MEELO KALA DUWAN OO AY KA MID TAHAY HAYADAHA DOWLADDA IYO SHIRKADAHA QAASKA IYO GAROOMADA DAYUURADAHA SI AY UGA SHAQEYSTAAN G)WAXAA JIRET DAD LAGU XUKUMAY IN AYSAN WADDANKA KA BIXI KARIN LAGUNA LAHAA DEEMO FARA BADAN WAXAA UU UQABTEY IN LAGA DHAAFEY LAGANA QAADEY XAJISKII SAARNAA 

H)WAXAA KALOO UU WADDANKENA SOMALIYEED U QABTEY IN UU KALA HADLEY HEYADO FARA BADAN OO UU YIRI WAA IN WADANKEENII SI DHAQSO AH WAX LLOGU QABTAA IYAGOO KA BALAN QAADEY WAATAHAY,LAKIIN SAFARADDII WAXBA NOOM AYSAN SOO GUDBIN EE MAXAAN KA YEELNAA?

HADDABA SHEEKH OMAR WAAN SOMALI AH JECELNA SOMALIDDA IYO SOMALIYA JECLNA IN HEER SARE GAARTO SOMLIYA WALIBA ISKU FILNAAN WEYN AYUU LA JECELYAHAY WADDANKIISA DADKIISA MAHADAAN WAXAA NA GAARSIIYAY SHEEKH WALIGEENA MA ILOOBEYNO SHEEKH SOMALIYA SHEEKH OMAR.


WAXAA SOO DIYAARIYAY SOMALIWEYN DHALINYARADDA REER KUWEYD 17-03-2002

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.