ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

NGO-YADU MA HAYADO SAMAFALBAA MISE WAA GUMEYSI DADBAN! 

Posted to the Web  June 26, 2002

WQ.

Liiban Maxamed" 

somalia60@hotmail.com 

 

Waa maqaal taxane ah oo aan ku eegayo doorka NGO-yada iyo dhulalka dagaalada sookeeya ka jiraan 

Waa maxay doorka ay NGO-yadu ka qaataan gargaarka iyo taakuleynta dadka dunida sadexaad, gaar ahaana goobaha dagaaladu dabreen? Waa xaqiiq in ay jiraan waxbadan oo ay hayadaha samafalku marka la soo gaabiyana loo yaqaan NGO ay qabataa amase ay u qabteen dadka tabaaleysan. Waxaa dhicikarta in inbadi ay yiraahdaan maam-maahdii carbeed ee ahayd ” Ha sameen khayr dhibaato kuuma timaadee”. Aniga oo aan rabin in aan xaqiro wax qabadka NGO, haddana waxaan rabaa bal in aan abuuro dood caafimaad qabata taas oo aan ku eegayno hayadahan iyo wax qabadkooda inaga oo had iyo jeer eegayna mustaqbalka fog. Bal aan ku bilaabo suaasha ah: NGO-yadu ma leeyihiin ulajeedo dahsoon oo ku lifaaqan tan wax qabadk? Aan faahfaahiyee ma la odhan karaa NGO waa nooc cususb oo gumeysi ah?

Goobaha ay NGO aadka ay uga howlgaleen waxaa kamida wadamada Siirelyoon, Afganistaan iyo wadomo badan oo kale Somaliyana ay ka midtahay. Hayadahanai waa kuwo aad isugu duba ridan qabtana dhamaan hawlaha kala duwan ee bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, baraarujinta iyo wacyigelinta dadweynaha. Aan si kale u dhigee waxay qabtaan dhamaan howlihii dowladu u xilsaarneyd. Hadii aan tusaale u soo qaato dalka Afganistaan markii uu jiray xukunkii Talibaanku, waxa wadanka si dadban u maamulayey hayadaha NGO. Sababta taa keentayna waxa ay aheyd iyada oo Talibaanku u ku jiray dagaal isla markaan aan maliyad iyo wakhtiba u hayn howlaha bulshada. 

Hadii aan wax yar ka taabto wadanka Siiralyoon iyo doorka NGO-yada, waxaadna moodaa in aay aad isugu dhowyihiin amse la odhon karo waa isku xeelad kuwa ka hawlgala dhulka Soomaaliya. Waxay degaan ka dhigteen wadanka Sinigaal, iyaga oo aad ugu raaxeysta xeebha quruxda badan ee dalka Sinigaal. Waxay sameeyaan dulimaadyo kooban oo ay ku tagaan dalka Siiralyoon ku waas oo ay ku kacaan maaliyad badan.Sida kuwa ka shaqeeya Somaliayan ay u hogtaan dalka Kenya. 

Meelaha aadka loogu dhaliilo hayadahan waxaa kamid ah in ay shaqaale xirfadleh ka keensadaan debeda, iyaga oo helaya kuwo wadani ah. Waxay isku dayaan in ay dejiyaan manaahij waxbarasho oo ay iyagu go´aan sadaan. Waxay xiriir hoose la yeeshaan col-ogayaasha si ay danahooda u fushaan. Waxaana taa marqaati u ah haddaan tusaale u soo qaato col-oogayaasha soomaliyeed kii tuulo qabsadaaba wuxuu yiraahdaa sidan ” waxaan ka codsaneynaa hayadaha samafalku in ay dib u soo noqdaan” taasina waxay ku tuseysaa sida ay NGO-yadu gacanta ugu dhigeen amse u hanteen hawlihii dawladnimada. 

 

Gunaanad: Haddii ay NGO-yadu ay hawlihii dawladnimo dhabarka saarteen, ma kula tahay in ay doonayaan in dawladi dhalto? Dhalinyarada cadaanka reer galbeedka u badan ee maamula hayadahan ma kula tahay in ay dawladahoodu ay ugu abuurayaan shaqo? Mise waaba gumeysi hor leh oo qaab cusub ku imanaya? Jawaabahan ma rabo in aan ka jawaabo, madaama aan kor ku xusay in maqaalkani noqdo mid dood abuur ah, aana ka damacsanahay bal in aynu focuska saarno NGO-yada inaga oo had iyo jeer si quman arinta u lafagureyna.Aqoonta iyo caqligan kaa shaneyna. 

Qore: Liiban M Shariif  somalia60@hotmail.com

Arday wax kabarta Jaamacada Stockholm university 


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.