Make your own free website on Tripod.com

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

XASAN ABSHIIR FAARAX OO PUNTLAND AMA MAJERTEEN KA GALAY  TAARIIKH MADOW.

Posted to the Web   February 27, 2002

Waxaa Soo Saaray

Livan Cadur

cadur11@hotmail.com   

Dhamaan dad weynaha Soomaaliyeed sidda ay u dhan yihiin meelkasta oo ay joogaan waxay la socdaan taariikhda XASAN ABSHIIR taaso ah mid ku jirta baalmadow, taas waxaan uga jeedaa marku ahaa Xassan duqa magaalada Xamar iyo markuu ahaa gudoomiyaha Goboolka SH/Dhexe wuxuu sameeyey waa lagaranayaa oo taasi is weydiin malahan.

Walaalyaal maxaa Xasan Abshiir oo aqoon diineed iyo mid maadi lahayn maxuu jagooyin sar-sare uga soo qabtay dawladii Maxamed Siyaad?

  1. Waxaa loo adeegsan jirey burbuurinta iyo isku dirka reerka uu ka dhashay taas waxaa sabab u ah oo cadaan ah in uu talada wax ka bixiin jirey lagu burbuurin jirey, Majeerteenka, markii guryahooda iyo baraagaha taangiga lamarin jirey lana oran jirey (Gabdhahoodu waa xalaal ninkii kufsada ama soo fuula amarkaasna uu bixiyey Maxamed Siyaad).

  2. In uu soo jeedin jirey in lalaayo wax garadka iyo dhalinyarada taaso uu ku guubaanin jirey Maxamed Siyaad sabato ah haddii aan taas lasamayn waxay aadayaan kulmis iyo Cabdulaahi Yusuf marka si ayna taasi u dhiciin waa in waxna la  la dilaa waxna xabsiga loo taxaabaa, haddaba walalayaal arrimaha Xasan Abashiir halkan laguma soo koobikaro wuxuu Soomaali kagalay khaasatan reerka uu ka dhashay ee Majeerteen oo uu maanta kaga jiro tariikh mugdi ah.

Intaas ka dib Xasan Abshiir muxuu Raysal Wasaaraha Carta ku hantay markii uu ka waayey Cabdiqaasin wuxuu karabey Prof. Cali Khaliif Galayr oo ahaa wixii aan rabo yeel, Calina ku gacansayray figrada uu wato Cabdiqaasin, ayaa waxaa xodxodasho ugu dhaqaaqay Xasan Abshiir oo balan qaaday in uu asagu fulinayo haddii la cayriyo Cali khaliif oo booskiisa la geeyo taasna waxaa u riyaaqay Cabdiqaasin oo horay u yiqiinay.

  1. Xasan wuxuu balan qaaday in haddii aan jagadaas qabto inta ka hartay Puntland in aan siraaciyo,  madaama aan intii badnayd ku guulaystay Puntland-na ay gacanteena soo galayso.

  2. In aan soo xarayndoono ciidamada Gen.Moorgan Kismaayana ay tahay meel aan qabiil sheegan karin, arrintaaso xataa golaha wasiirada iyo kuwa baarlamaankuba la yaaban yihiin hanka Xasan Abshiir.

BAL ILA ARKA !

Walaalyaal Xasan wuxuu ku dhaqaaqay in uu fuliyo balankii uu la galay Cabdiqaasim wuxuuna sameyey balamadii qaar ka mid ah waana sidaan.

  1. Wuxuu ku dhaqaaqay in uu Beesha Ciise Maxamud gudaha iyo dibadaba lahadlo oo uu kadhaadhiciyo in uu ku faraxsan yahay jagada laweyn isla markaasna wixii kaga jira Ciidamada Gen.Moorgan laga soo saaro,  arrintaasna  in badan  waa ku gacansayrtay taladaas foosha xuun, waxaa taladaas ku gacansiiyey Ninka caanka ah oo la igu yirih wuxuu degan yahay CANADA isla markaasna ah Gudoomiyaha jaaliyada Hartiga oo isagu  figradaas u riyaaqay, haddana ku jira olole aad u culus, ninkaas oo layiraahdo Xasan Aloore waxayna u direen lacag dhan US-12,000  oo doolar.

  2. Ninkii horay u ahaan jiray Taliyaha Ciidanka Gen.Moorgan oo magaciisa la igu sheegay Col. Xagaafe ayuu soo kaxaystay kaasi oo haatan ku sugan Xamar kana tirsan istaafka khaaska ah ee Xasan Abshiir si uusan ninkaasi halgan dambe ula galin ciidankii uu ka tirsanaa ee xoraynta Kismaayo.
    Haddana isagoo la kaashaanaya Xassan ninkaas hore ee usoo gacan galay waxay olole ugu jiraan sidii ay Xamar ugu diri lahaayeen Ninka la yiraahdo, HOONGORE oo isagu ka mid ah saraakiisha halganka xoraynta Kismaayo kula jirta Gen. Morgan iyagoo doonaya inay ay lacag  siiyaan ka dibna ay dhahaan la soo dagaalan Moorgan,  inta rag inooga  hartayna ka soo saar.

Walaalayaal waxaad ogaataan in aan soo qorayo wixii xog hoosaad aan helo markaan helaba.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited