ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha


YAA KA MASU'UL AH DHIBATADA SOMALIYA KATAGAN? 

Posted to the Web   May 13, 2002

WQ.

Mohiadin Lugey

mohiadin_lugey@hotmail.com 

Su'aashan jawaabteda Somali sidey u'dhan yihiin wey iska indho tiraan iyago og runta. Saxiboyal yan si'qalad ah wax leygaaga fahmin anigu ma'lihi marnana lagama yaabo inaan qof kuliido qabiil uu kadhashey sida Cabdilqasim oo kadhashey habar-gidir oo somaalida sidey u'dhanyihiin qaatulbilah katagan yihiin ama qabiilka kale sida Majeerteen oo isagaba wax isku ogoleen oo kudagaalamayo gobolka baaxadiisa aad ka u'weyntahay tasna waxaa sabab u'ah iyaga oo isku ma'leyo inuu midba midka kale katalo fiican yahay kaasna waa cudur Somaalida kasoo garey Gobolda Mudug iyo nawaaxigisa. 

Saxiboyal waxaan filayaa fikrad ahaan teyda in muwaadinka somaliga saxa ah uu ka talin karo wadanka Somaliya dhaman goboladisa isla markana aan filayo in bulshada Somaliyed ay'rali kaga noqondoto cidi hogaan xalaal ah rabto ama "doneysa" iney kumamusho caradeena hoyo. 

Laakin walaalayaal waxa maanta jiro ayaa ah in kuwa talada xooga kuheysto aysan laheen muwaadin sax ah o aysan jirin cid aamini karto siyaad labaad iyo kasiixun isla markasna aysan laheen wax shaqsiyad ah ama muwaadin nimo ah ama alakacabsi ah oo aysan uqalmin jagada aydoonayaan iney maamulaan. 

Taasi waxaa kaga daliil ah sida fosha xunleh ay u'dhaqmayan oo aan laheen maslaxad iyo Ale kacabsi in ay wax isku diran oo sheydaamada la'shaqeyaan ma'hee tasna waa wax ay macruuf kuyihiin iney argagixiyan. 

DOWLAD KUSHEGA CARTA waxey kamasuul tahay dhibatada katagan gobolda sida uu shegey G/G/S Goblka Sh/Dhexe MUDANE MAXAMED CUMAR XABEEB "MAXAMED DHEERE oo yiri in carta ay argagixisey MEDAXDA DOWLADA SHABBELAHA DHEXE oo ay'qaar kamid ah uxirxiran yihiin ayna u'isticmalayan in nabada gobolka qas kadhaliyaan mid WASIIRKUXIGEEN U'AH DOWLAD CARTA.

 Tanxigta in iyana qalalaso katagan DOWLAD GOBOLEEDKA HIIRAAN iyago u'isticmaalaya mid isagana lidku ah korneel Xasan Cabdule Qalaad oo CARTA WASIIR U'AHsiaysan nabad uga dhalan gobolka hiiraan. In Carta horistaga DOWLAD GOBOLEDKA PONTLANT iyagoo isku adegsanaya kooxaha siyaasada isaga soohojeda GOBOLKAS maantase xaalkoodu gebogabo kudhowyahay iyagoo dhaman gartey cida kamasuulka ah horumar la'aanta DOWLAD GOBOLEDKODA iyagana waxaan lenahay "GUUL GUUL"kuna dadaala inaad ka'aslixisaan nabad dhamaan gobolada SOMAALIYA. 

Tan waa mid aadka loo'la yabo in Cabdilqasim uu ku hanjabayo inuu dakada iyo eroboorka uu xoog kufuri doono isagoo gacanta kuhayo erobor iyo dekado kale uu xoog kuheysto isla markasna qabiilkisa maa'mulo iyagon uga aaba yelin muwaadiniinta dagan meelaha ay'xooga ku heystaan ee sii'lumiyey BASIC CIVIL RIGHT KII SOMALIYA una badaley KII XOOGLEH XAAJO U'TOOSTEY marka maxaa Somalida dan u'ah in dowlad nuucas ah u'hanjabto Shacabka Somalida iyadoo wax horu mar ah garsiin labadiisano eelasoo dhafey. 

Marka hadii uu raadinayo maslaxad waa inuu xiritaanka kabiloowaa kuwa uu gacanta kuhayo ilaa mudo lix bilood ahna ay xirnadan silooga hubiyo iney dhabtahay lana hadlaa kuwa ay'kamidyihiin Mr.Qanyare , Cusmaan cato, daylaaf, iyo kuwa Kismaanyo xooga kuheysto ee aana u'dhalan sida belaha Mariixaan iyo Ceyr oo isbaheysi ku'adeganaya taasi waaqalad wana layswada yaqaan.

Kuwa gacanta kuhayo Dekadaha iyo Eeroboryo ay u'dhasheen "sida Abuukar ow Cumar ow Cadaan oo kasoojeda rer MISAAJID CALIGADUUD oo gacanta kuhayo DEKADA CEELMACAAN oo misaajid cali gaduud xeebta kaxigta wax dhibaato ah u'maleyn mayo iney Somalida ugula muqato inki wax kasoosaranaya degaankiisa. Somaaliyey hadii uu Cabdilqasim madaxtinimo rabo waa inuu ogada talada iyo hoganka wanagsan waxu kabilowda gurigisa ama gurigoda sida dhamaan kuwa dowlad nimada radinayaan ay u'ladhaqmo familigiisa ama familigoda, marka tan mesha taalo ayaa ah in Somaalida aysan kala jecleen gurigiisa iyo dhamaan gurigooda aysa doonayan inuu qabiilkisa waa kuwa uu ugu horeyo Mr. Deylaaf iyo Gen.galaal iyo kuwa sooraca inuu marka hore kala hadla waxa ay nabada tahay hubkana kasoo uruuriyaa kana dhigaa hubka maleshiyada dowlada iska dhigayo "tasi u'maleyn ma'yo iney suurto gal tahay inuu sameyn karo" markaas waxaan dhihi karnaa waa muwaadin daacad wadankiisa hoyo u'ah una qalmo inuu hogaamiyo umada Somaaiyeed. 

Tan sedexaad ayaa ah in haweeneydiisa guri kala baxeyso lacag dhan 300,000$ lacag kale oo dhan 500,000$ ay kuqabten boliska laguna mudaaharaadey magalada London Uk marka ma'isweydiyey halka ay lacagahan faraha badan leh kayimaadeen mase waxuu bilowey nidaamkii Aabe Siyaad odaygi soo barbariyey oo marna wax u'dhimin jagada wasiirnimo ee Cabdilqaasim waqtigii dowladii hore waxaan dhihi lahaa taas ma'shaqeyneyso mana aha wax muwaadin kukaco iyadoo dadki uu madaxweyne usheganayey ay'qaarkoo baahi u'dhimanayaan. Tan ugu danbeyso ayaa ah gubidii suuqa Bakarha ee ah melaha maanta maaliyada Somaalida ay'talo, maanta suugi ku'da uu wuugubtey iyadoo maleyshiyadiisa qoryo dhinaca kaga tagan tahay!!!!! taasi waxey iiga turjimeysaa in Cabdiqasim uu san dhinac marin Aabihii soo barbariyey ee ahaa "aabe Siyaad noolow siyaad noolow" maantase maytaduu kamid yahay alaha kasabaabsho in laga hadlo ma'aheen. 

1)Saxiboyal yaa xasusto sidu Bacadlaha Xamar weyne u'gubtey?

2)yaa xasuusto siduu ugubtey Bacadlaha Siinaay? 

3)Maxeyse aheed danta guud oo logubey? 

4)Yaase kamas'suulah dadki ku maal wayey 2Bacadle? 

HADAAD JAWABTA AQOON WEYDII AABAHAA HADUU HAWIYE YAHAY. 

Arintaan jawaabteeta waxey noqoneysaa kaa bartey oo kaabadshey aabihii barbaariyaha marka arintan Cabdiqasim ayaa lawedinayaa sababta uu Bacadaha Bakaaraha u'gubtey.

Marka Somaaliyey yana been leysku shegin waxan u'bahanahay inaan wax badan wax kaqabano oo yaana leys indhotirin oo rumeynta qabiil loona qadan in aan qabiil qaran kudhisi karno taas ma'shaqeneyso hora looga so daley oo Mariixan ba kuhormari wayey xaqa adamigana kama harayo u'madad xolahoda kaxasuuqdo si'aad ugu talis iyadana Ilaah aya kucadabidono. 

Waraxmatu laahi wabarkatuhu Waraxmatu laahi wabarkatuhu Ala yaa Somaaliy u'shega iney kunoolaam karan nolon tan ugu fiican hadey dhowraan xaqa Aadane oo ay maalinkasto xooga kuboobayaan.

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.