ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

AWRKA DAMBE AWRKA HORE U SOCEDKIISA LEEYAHAY

Posted to the Web   April 09, 2002

WQ

Qamar Shariif Hashiim 

 lunas68@hotmail.com 

LA  IISHAA  AYAA  LA  ARIN  QAATAA.

Beryahaan waxaan akhrinaa qoraalo been abuur ah oo loogu talagalay. Danjire. Cabduqaadir AMIIN. Maalmahaan anagoo dhan waanu akhrinay waxaan fillaa in qoraalahaas aanan dad badan fahmin iyo waxa loogu danleeyahay bal aan taabto arrimahaan iyo arrimo kale ku saabsan safaaradaha soomaali.

Waxaan arkay in leysku ciriiriyo qabiil ahaan ama qabiilka uu ka dhashay safiirka arrimo safaaradeed wax yaabo badan ayaa ka dhacay in leysku dayey xiritaanka safaaradda  soomaaliyeed ee Faransa wey ka dhaceen arrimo leysku dayey in lagu dacweeyo wasaarada arrimaha dibada ee faransiiska marka sharaf darada maxaa ka dambeeyey dacwadaan waxaa ka dambeeyey inuu safiirka ku guuleysto maadaama aysan aqoonsan dowlad kale aysan ehen middii ugu dambeysay ee soomaaliya eheed tii Marxuum.M.Siyad Barre.Safaaradda waxaa ka dhashay qilaafaad gudaha wax dibada ma jirto qilaafadaas waxaan rajeyn in la xalin doono. 

Maxaa inoo haray safaaradda Beljo marka taasna safiirka asagaaba iska tagey oo loo xil saaray safiirka u fadhiyo somaliya Faransa safaaradda somali ee ku taalay Ingirriska taasna weyba xiran tahay inkatoo aan maqlay qabiil ku faano in ay iyaga ka xireen taasna waa dad aysan fahmin sharciyada siday yihiin Yurubta Hollan safaarad kuma aanan leheen ayaan fillaa sawabtoo ah Hollandeska ayagaba kuma leheen safaarad somaliya waxay ku lahaayeen Kenya. 

Bal aan ka hadlo tan ROMA noogu taalo taasna waxaa ku dhacay sida la rabo in loo cambaareeyo Danjire.C/qaadir Amiin iyo sii kasii xunba. 

Dad  ka socda Gen.M.Faarax Ceydiid ayaa u dacwooday nin xildhiban talyani ah la yiraahdo ( Giuliano PISAPIA ) Asagoon aqoon u leheen dhibatada ka taagan qolada la dirsaday iyo shaqaalaha safaaradda ayuu damcay in uu ku dacweeyo shaqaalaha safaaradda Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka talyaniga wasiirna beryahaas waxaa ka ahaa ( Lamberto DINI ) marka kan la adeegsaday ayuu lahaa safaaradda somaliya waxaa weyraray oona xoog ku heysto safaaradda dad taageero il Dittatore Siyad Barre marka shaaqaalihii uu soo dirsaday madaxweyne Ceydiid ma geli karaan safaaradda madaxweyne Ceydiid waa nin la doortay ee dowladiisa la aqoonsaday marka bal illa socda ee illa eega arrintaan sawabtoo ah goormaa la doortay Ceydiid oona la aqoonsaday talyaniga waxay war ku gaareen in ay sii heynayaan shaqaalihii joogay ee hore safaaradda intay ka dhalan doonto dowlad cusub oo la aqoonsan yahay marka Roma sideddii ayey shaqdii u wataan inkastoo ay mushahar la'aan yihiin qabiilo fara badan ka dhex shaqeeyo kii la adeegsadayne ceeb keliya ayaa gaaray uusan garan kuwa xaqa u lahaa. 

Waxaa inoo haray Safiirka soomaaliyeed ee kuweyt marka dadka u dhigtay in ay cambaareeyaan midda ugu horeysa ma'ahan nin la ceyn karo ama been lagu abuuri karo aniga waxaan la fajacaa kii walbo oo isku sheego dowlad ayuu wuxuu diyaarsadaa dad u dhoob-dhoobeeyo beenta iyo dulmiga ayna ka mid yihiin kuwa beryahaan rabay in ay raaxada naga qaadaan ay rabeen in aan cabno beentooda bal dadkaas maxay iskugu qarinayaan jaaliyad oon jirin may is sheegaan dadkay yihiin iyo qoladey ka socdaan waa sida ay u qarsadaan magac yadoodda sawabtoo ah waxaa laga garan karaa qabiilkey u dhasheen iyo ku meel gaarka ay taageeraan jaaliyada la sheego waa shan kun ayaa ku nool Kuweyt in yar oo isku sheega jaaliyad ayaa adeegsada beryahaan internet somalida ku nool dalka kuweyt dad badan ayaa teegeera danjiraha. 

Marka dadkaas waxaan leeyahay iska daaya aad ku riixeysiin qabiilkuu u dhashay aad is moodeen in aad adinka qura iska leh somaliya ama aad xukunka ma idiinku siiyey dhaxal ahaan waxaad kale ayaad ogaataan in safaaradda hadaysan dowlada kuweyt wax dembi aysan ku heysan in laga qaadi karin booskuu heysto danjiraha sharciyada caalamka ayagoo dhan waxay u dhaafaan in safiirkuu ugu dambeeyey oo dowlad la aqoonsan soo dirsaday ayey iyagane aqoon san yihiin adinka iska daayoo dowlad isku sheega aad calanka u heysaan ayaanba ka qaadi karin intay kuweyt aqoon san tahay safiirka mecnaheedu waa dowlada aad u buun-buunisaan ayey aamin u qabin sidaas ayuuw u joogi danjiraha maalintey dowlad lagu dhenyahay uu soo baxo keliya ayey aqoon san doonaan safiirka cusub taasna waa sharciga caalamka ah aad adinka warba u heyn marka dulmiga iyo dacaayada raqiiska ka daaya safiirka wax dhicin wax dilin wax kufsan ma'ahan sida duufaanta dhulka balaarsaday aad taageertaan sheekha aad sheegtaan sow ma'ahan ninka shaqada siiyey asagoon dowladii hore soo diran marka haddii laga eryey safaaradda safiirka asagaa og wuxuu shaqada looga qaaday. 

Danjire, Safiir. C/Qaadir Amiin 

ECCELLENZA. Intaad soomaaliya aad u halgentay waan la soconaa intaad ummadda soo qaxaayey aad wax u qabatay waan la soconaa inaad tihid nin wadani ah aan qofba wax u dhimin aad soomaali dhib u geysan aadan wax haleyn waxaan fillaa in aad garatay siday u garteen dad badan dhibatada lagugu haayo in ay tahay booskaaga in loo dan leeyahay ay is leeyihiin wax qora ee soomaalidoo dhan ayaa kursiga ka kici doona ma'aysan fahmin in soomaalida aysan eheen nacasyo oo beentii loo qoro ay faraha ku heyn doonaan ECCELLENZA. anagoo dhan waan garanay in ay tahay arrimaha ay wadaan waa qabiil ahaan ayaa la damcay in lagugu cambaareeyo illaa waxay gaareen in magac ay reer leeyhiin loo moodo qabiilkaaga ee aqoona kuuma laha dadkaan ma oga dadkaad ka dhalatay oo dadkaaga ay yihiin dad dembi gelin ayna yihiin kuwa reerka u roon ECCELLENZA.Fadlak u hey ummadda soomaaliyeed safaaradoodda intay dowlad lagu dhan yahay imaandoonto haddii duufaantaan faraha u galo safaaradda waxay noqon meel qabiil keliya lagu daneeyo oo qabiilada kale soomalida lagu gumeysan doono mujriminta warkooda ka bax ha dhageysan haku qortaan waxay rabaan interneedka ma tihid nin la qurumeyn karo ee ogow in xukunka u haridoono kan aan eheen gacan-ku-dhiigle somalida nabada jecel waxaan kuu rajeyneynaa kheer dumri dheer & caafimaad iyo nolol raaxo leh ECCELLENZA.Iga gudub sharafta aan kuu leeyahay. 

Soomaaliyey sidaas la socda in ben badan lagu abuuray danjiraha waxaaba idiin cad joornaalka ka soo baxay italia eheed mid fool xun ayna eheed mid qabiileed iyo tan faransa taasna ay eheed mid qabiileed aniga waax kale ayaan la fajacaa dadkaas oo dhan waxay ahaayeen dad muufadooda maraq u heli jirayama rootigoog fuut u heli jiray  intuu Marxuum Siyad Barre xukunka heystay hadane waxaan maqaal nagu gaara kan siyad barre ayuuw la shaqeyn jiray sow ma'ahan madaxweyne ku meelgaar uu u aha wasiir siyad barre marka haddii la yahay boos jeris waxaa boos ka banaan Muqdisho kii shahaado leh iyo kii kale ayaa boos lagu siiyaa qabiil ahaan xildhibaan wasiir guddoomiye iwm kuweyt boos kama banaano ee Muqdisho aada  danjiraha soomaali ayuuw aqoon sana yahay qabiil ma aqoon sana. 

Mahmaah dan ayaan u helay duufaanta( INAN YAR INTUU GEED KU BOODI KARO ARIN AYUU KU BOODAA)


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.