TAN WAA
DHAN-DHAMIS Marka aan ka hadlo
wuxuuw ahaan jiray Banaadir iyo ummada
Banaadiri.marka Banaadir wuxuuw ahaa waddan iyo
waddamo waxaa ka mid
ahaa.Moqdisho,Marka,Baraawa,Jassiradaha
Baajuuntaiyo Gendershe.Oo intaas ay lahayeen
xukumaad iyo dowlado u gaar ah.
Badanaaba waxaan
maqlaa gobolka Banaadir ama magac kale ayuuw
lahaa marka aan taariikhda aan dib ugu laabano.
Marka Banaadir
waxaa dib loo dhisay 622Hejir. waagaas wuxuu
ahaa markii Nabigeyna(scw) uu ka orday (Maka)
uuw u orday (Madiina) waa beryahaas uuw socday
qilaafad diimeed ay Carab badan kasoo carareen
dhulkooda siday nabad u helaan iyo ay diinta
muslinka ay sii faafiyaan markaas waxay la
degeen Persian-ka guryahaan aad maanta u jeedaan
qaar badan waxaa la dhisay qarnigii 7aad ka
horna waxaa dhistay (Persian) waxaa ka marqati
ah xafadooda ugu qadiinka ahaa ka duugmay ay
dhisteen maadaaama ay yihiin guryo lagu
hordhisay bada horteeda sidaas bay u aasmeen
guryihii hore qadiimka ahaa waxa kale ka
marqaati ah Qabuurada laga helay Xamar-Weyne iyo
Shingaani marqaati kale aan idiin xussusiyo
masjidkii la rabay in dib loo dhiso oo laga dhex
helay masjid kale ka qadiimsan oo ku qornaa
af-persian sida qabuuraha masjidkas waxaa laga
helay shingaani marka taas waxay na tusin in ay
persian-ka ay xukumeen Banaadir sida magaca
muqdisho waa af-persian uu mecnehiisu uuw yahay
deegaankii boqorka(la residenza dello shah)
waagaas iyo gumeysigii talyaniga waxay eheed
magaaliiyin xukumayey Carab iyo Persian
qarniyaal ka dib ayey la galeen iskaashi ayaga
iyo Bantu(Jereerweyne)
waagaas wuxuu ahaa magaalooyin caan ah
oo caalamkoo dhan laga yaqaano sida wadamadda
Carabta,Shiinaha,Yurubta intaas waxa keenay
dekada ama furdada ay ku lahaayeen oo ganacsi
ween ka socday iyo warshadaha Cadarkaiyo
Dharka(Aliindiga) ay u dhoofin jireen wadamada
aan kor ku xusay.
Banaadir maa
af-soomaali ba ama af-kale? marka ma'ahan
af-soomaali waa af-persian uuw carabna uuw noqdo
maadaama wadamadda ay isku dhow yihiin midba
erey ka qaata midka kale aan u laabto mecnaha uu
leeyahay Banadir mida ugu horeysa waa(Bandar)
mecnihuusu waa(Citta Stato) markay ka badan
tahay hal wuxuuw noqonBanaadir maadaama ay
ahayeen jamhuuriyad kala baxsan ayna isku asal
ay yihiin sidas bay u noqotay Banaadir xukunka
waxa heysan jiray Sheekh,Imaam,Khaadi ka dibna
isku rogay Suldaan. Marka waxay ahayeen
Boqortooyo yar-yar oo caan ah reer banaadir oo
dhan ka dambeyeen suldaankooda iyo cullumadoodda
dhaqan aaad u wanaagsan ay illaa hada sitaan.
Waagaas waxaa
imaan jireen dhulka Banaadir dad fara badan
waxaa ka mid aha Boqorkii Shiinaha iyo qorale
badan ka sheekeen jiray dhaqanka iyo bulshada
iyo xukunka reer Banadir qoraalayaasha waxay soo
gaareen
Muqdisho,Marka,Baraawa,Baajiini,Gendershe ay wax
badan ka qoreen aan magacyadooda halkaan ku
koobi karin midbaan idiin gartay aan idiinka
sheekayn ninkas reer Marooko magaciisa waa
Ibn-Battuta uu ka hadlay uu magaca muqdishi sida
waagan loogu dhawaqi jiray (MAKDASHAU) uuw san
marna istecmaalin magac soomaali am wadan la
yiraahdo soomaaliya wuxuu keliya uuw ku
tilmaamay waxan aadyay Makdashau oo leeyahay waa
wadan lacag leh oo xukun leh warshado ka jira
xukumaadka wuxuuw ku tilmamay
Carab,Persian,Hindi la shaqeeynaayey
suldanka iyo ka shekeeyey cuntada ay cunaan reer
banadir illaa hada ma'aysan isbedelin sidii
bay u karsadan afkay ku hadlaan wuxuu sheegay wa
af-makdashau marna ma'uusan sheegin af-soomali
wuxuu soo maray muqdisho 1330kii qarnigii 14aad.
Ka horna soo maray ayna
wax ka qoreen reer Banaadir buugaag
badan.622-632.qarnigii 7aad. 8aad. 10aad 11aad.
12aad. 13aad. 14aad. 15aad. 16aad. 17aad. 18aad.
19aad. intaas qarni aya wax laga qoray reer
Banaadir ka dibna lagasii qoray inta ka
dambeeyso 1930kii waxaa lagu qori jiray
soomaaliya banadir markii dambe wuxuuw noqday
gobol ama dhul ka mid ah soomaliya taana
gumeysigii ayaa ka dambeeyay oo istecmaalay
boqortooyadii Bari ay noqotay wadan soomaali.
Qarnigii ugu xumaa
oo reer Banaadir badan ku dhintay waxay eheed
markii la bombardaareeyey sannadkaas wuxuu ahaa
1498dii ee qarnigii 15aad bur-burkaas waxaa
hogaaminaaayey Vasco De GAMA ahaa Burtuqiis
Xamar la bur-buriyey ka dibna Baraawa intaas
dhibaato ay reer Banaadir ku dhacday marna kama
aysan seexan siday isku difaacaan ayna
wadankooda dib u dhistaan taasna waxaa keenay
kartida ay leyihiin reer Bnaadir ay yihiin
Siyaasiyiin,Ganacsato,Cilmi-yahan,Waxgarad,Cullumaa'udiin,iyo
halka dhaqan yio hal diin ay isla leyihiin taas
baa awoodooda keentay in ay (Jassuuradoodda) ay
dib u dhistaan.
ka dibna la baabi'iyey Hanoollaatadii
agoon badan looga tagay ka dibna wa taad maanta
aragteen waa dagalkii soo sokeeyey ee 1991dii
taasna faalo uma baahna iyo xusuus.
Taasna maalin ayey ceriiriga ka bixi
doonaan ay madaxoodda hoos uma aysan dhigayaan
in ay kor u qaadaan.Way liitaan aan masaxno ma
fillo in ay gari doonaan.
Marka siday nagu
soo galeen talyaniga 1836dii moqdisho waxaa
xukumaayey suldaankii (CUMAN) ka dibna 1871dii
uuw ugu tagay xukunka suldaankii (ZANZIBAR) waa
markaas markay heshiis ka dhacay suldanka iyo
nin talyaani ah oo rabay in uu ka ganacsado
furdadii muqdisho waxay kala qaateen kunturaad
oo ku qornaa magaca Banaadir marka khad hadii
laga hadlay waakan khadkii reer banadir oo
marqatiga u ah marka sannooyin ka dib ayeey
talyaniga albabada u furmay markaas ma'uuwsan
eheen gumeysi waxay eheed(Protettorato) ka dib
uuw isku rogay gumeysi (colonia)1892dii intaas
oo dhan weli ma'uusan jirin magac soomaali ama
wadan la yirahdo soomaaliya waxay bilaabmatay in
loogu dhawaaqo soomaaliya gumeysigii dhabta ahaa
iyo dagaaladii ay kala mareen qabiilo ku
abtirsada soomaali iyo markay talyaniga ay dhul
badan qabteen maabka in lagu qoro soomaliya
waxay bilaabmatay 1900kii inta ka horeysay wuxuu
ku qornaa illa hada hadad ka doonatan
bibyotegyaha waxaa ku qoran maabka Banaadir.
marka Ibn-Battuta
uu soo gaaray SEYLAC. uuw sheegay in suldaan
xukumo ay leeyihiin xukun u gaar ah.
Waagaas waxaa kale
caan ahaa dhulka Bari ama Majeerteen oo loo
yaqaanay (Terra dei Pun) oo maantane ay la
baxeen magacoodii asaloowga ahaa (Puntland) oo
xukun ka jiray qarnigii hore iyo tan maanta la
maraaya ay leeyihiin xukun u gaar ah oo ummadoo
dhan nabad ku helay. marka waxa kale jira nin
faransiis ah ka qoray buug reer Bnaadir intay
talyanigaba imaan dhulka banadir waxay eheed
1880kii.
marka taariikhda aniga ma qorin mana
bedeli karo mana kordhin karo intaas ayey u
jireen reer Bnaadir iyto taariikhdoodda qarni
badan la qoray.
Marka wey wanagsan
tahay in laga hadlo nabada ama la sheego dadkaan
walalaha aan nahay waa tan isku afka an nahay
marka waxaa kale haboon in laga hadlo taariikhda
reer Banaadir in ay ka mid ahayeen dadkii
xureyey soomaaliya ee dhulka Banaadir weligii
magac kale lama bixin loogama yaqaan calimkoo
dhan magac kale waxaa keliya la aqoonsan yahay
magac Banaadir marka EX-BANAADIR dhegteyda ku
dhacay waa qallad Banaadir wa Banaadir mana la
bedeli karo magacaan intaas qarni jiray hadana
jiri doono .
marka halaga hadlo dhaqankooda
xerkooda.Sawabtoo aha dadkaan waa dad
dhoof(dhoofi jiray ay ku ganacsan jireen
Shiina,Hindiya,Maldiive,Afrika,dhul
carbeed,Waxayna ahayeen dadkii ugu horeyey ay
lugta dhigeen italia marka wax ay ka sheekeyaan
wey hayaan yan loo moodin in ay hor fadhiyan
keliya harqankooda ama haweenkooda ay ka bixin
sartooda waa dad soo dhoofi jiray ayna hadan
dhoofaan marka reer Banaadir wax halaga barto
waa dadka ilbaxnimada keenay.
Qamar Sharif Haashim-Luna