ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

MOHAMUUD AFGOOYE IYO MOORIYAAN MAXAY KALA DUUWANYIHIIN? MOORIYAANKU WAX BUUW DHACAY AFGOOYENA WAA KHAADIGII U XALAALINAYEY.  

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 07, 2002

Posted to the Web   January 07, 2002

Waxaa Qoray

Qamar Sharif Haashim. ku magac dheer Luna.

lunas68@hotmail.com

 
 Shariif waa sidaad sheegtay hadalladii soo baxay 27.December 2001marka arrimahaan aan anigane aan taabtaabto.

Mohamuud Afgooye marka waxaan fillaa in aad fahamtay odeygii Mohamed Xaaji.Officio Bollettino siduu dhihi jiray markuuw arko "soomaali aragta,yaab aragti" marka intaas haday soomalida qaarkood aysan weli fahmin marka waa in aan idiin furnaa iskuul cusub iyo cashar cusub aan idiinku towbarno.

 M.Afgooy aad ku doodeysay in Hawar-gidir ay xoolo ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.Aad Habar-gidir muddo hore ay degtay gobolka sh.hoose, xoolo,beeroiyo hantiba ay ku leeyihiin,sidas awgeeda aan la dhihi karin Hawar-gidir.Marka tan hadaan ka faaloodo hantidaad sheegeysid ma bur-burkii ka hor marka taas wax ka dhacay ma jiro tusaale hadan u qaato magaaladda Marka-Cadeey waxa ku noolaa shan reer habar-gidir ah qof xoolahooda dhacay ma jiro in ay kordhistan waxaan ka eheen uma naaqusmin waxay booben magaaladdoo dhan ay masaakiinta ay ku xukuman xukunaad xoog ah aysan asal u leheen xukunkas ay ku yihiin (Kooyto) waxaad kale ayaand ku hadashay Beero marka weligaa miyaad aaday Beeraha aad tilmaantay oo laga dhacay masaakiin soomaali iyo talyani oo meeqa hawar-gidir baa beero ku lahaa aad mooday aniga wey ii tirsanyihiin ee adigane?

 Waxaad kale aad sii racisay in la dhihi karin Hawar-gidir oo maxaan leenahay dadkas xooga ku qabsaday magalooyinka aan asal iyo karacba aan u leenahay maraka aan kuu sheego dadka shegan karo reer Markood oo sharaf u degey ay dhibaato noo geysan ay weligood af-samaan nugula jiray ayna sheegi jirer in ay yihiin reer Markood oo Markane leh dadka loogu yimid oo asal u leh waa ragaan aan manta u ooyneyno/ M.BIIMA(Majeerteen) Sultaan Caloow(biimaal) M.Ciise SALWE(Majeerteen) Salaad DAAHIR(Xawaadle) M.Xaaji Ciise(majeerteen) Cali Cusman BOOS(Majeerteen) weliba Salaad Daahir lagu dilay assagoo nin reer marka ah u hiiliyey marka anaga dadkas ayan aqoonsannahay in ay yihiin reer markood inta kale ay la shaqeeyeen USC oo magaaladda bililiqeysatat aan uga soo dhoofnay Dil,Kufsasho,Bililiqeysi IWM

 inta kale oo ay leedehay DKMG ah ay rabto in ay u sameeyso maamul marka ugu horeysa ka saara dadka xooga ku degay magaalooyinka aan faraca aan u leenahay ka bid baa laga hadli doonaa iyo dadka aad ku tilmantay oo heshiis diidsan ogoow in aysan assal u leheen magaladda BARAWE IYO MOQDISHO IYO MARKA CADEEY ee ku celliya magalooyinkooda iyo tuulooyinka ay ka faractameen.

 Marka Afgooye aniga dhow jer ban hadalnay aan weli is arkin hadalkasna waxa keenay nin ah joornaaliiste Faransiis aan soo diray aad la hadasheen iyo reer banadirna uuw soo arkay inkastoo aad ka soo horjeeden in uuw la hadlo reerkeygi aan u arkay Dimoqrati la'aanta idiin heysato DKMG marka wa tad ileheed waxaa na baabi'iyey qawiil waa in laga hor'istaago marka ileen adigaba u ah khaadi ama kaabo aad sidaas u hadleysid aad rabtid in aad u xalaaliso hanti ay lehen reerkaaga iyo dhul aysan asal u leheen shanta Hawar-gidir galayey wan naqaanaa ay ku keceen xaq daro iyo boob marka intad soo kordhiseen ka sara magaalooyinka aysan farac u leheen iyo deegaanba.

 
Badanaaba waxa na gara xaq darad ay DKMG ah ay u qeybisay xaafadaha aan xaqa u leenahay iyo asanba iyo facaba u lenahay aad u qorteen guddoomiya xaafadeed oo goormey Hawar-gidir geli jireer Xamar-Weyne iyo Shingaani oo goormeey barteen dhismaha qadiimka ah maanta magalooyinkeyna iska daaba xaafadaheyna ayey galaan ayna xaq daro ku xukumaan marka hala moodin in ay idiinka aamuseen reer banadir wey idiin gaban yihiin in xaq darada aad ku wadaan ummadda soomaaliyeed wey idiinka diiden aad leheedeen war dhulkiina cadawga ka dhacsada ee aqalladiina soo ceshta ceebtiina maanta waxa jira dad badan oo ah Hawiye oo nabad doon ah waxa ka mid ah Muusa Suudi iyo ninka aan gacmeeynayo Shaar-Gaduud oo ah nin jecel nabad iyo nidaam siday ugu noolaan lahayeen ummadda soomaaali oo idil.
 
Hadaan ahay reer banaadir weligeynaba waxan u halgemi jirnay Nidam is maamul goboleedka(Rigional Federalim) marka wax naga barta ee ogoow intad badiya aad ku jirteen aan wax xukumi jirnay si dimoqraati ah si nabad ah marka ma nihi dad hada baranaya xukun ama dhaqaale degmooyin ama xafadeed ama xukun qarameed taas maclin ayan ku eheen marka uma aan baahni in ay hawar-gidir guddoomiye degmooyinkeyna ku noqda.
 
Waxan kula tallin laha DKMG iyo adigaba in aad noqotan siduuw idiin shegay Shariif Maye Nabigeynaba (SCW) uuw ka bilaabay reerkiisa adinkane ka bilaba rerkiina ayna eheed qodobkii aad ku saxiixden CARTA  aad ku dharaten in qof walbaba dhaqdo degmooyinka uuw asal u leeyahay.
 
Aalla in tan ka illoobin wxad kale ad leheed Hawar-gidir sh.hoose mar hore ayey soo degen haye miyad illowday in la idiinka horeeyey hawiyahaba midba mid ba ka horeeyey marka anaga taariikhda wuuw noo qoranyahay adinkane wax miyaad noo heysaan ogoow magalada MARKA in ay galaan Majeerteen badan ay mar hore ay la degen walalaheygi reer manyo iyo hawiye kale ka horeeyey hawar-gidir marka magalooyinkeyna waxa shegan kara qofka nabada jecel uusan tuug eheen ee dadkaygane sharfa Maxamuudoow hadii na noolyahay waan arki doona arrimahaga waxa ka dambeen doono iyo DKMG cadalad darada aad heysiin hawar-gidin ma fillo in ay wari doonto xaq darad ay ku hayan ummadd aysan waxba u geysan ha noqdaan reer banaadir ama daarood ama hawiyaha nabada jecel.
Maraka hestada wax ka bedel sawabtoo ah soomali wey idiinka daaleen waxay keliya ay u ooynaayan nabad iyo caano.
 
Qamar Sharif Haashim. ku magac dheer Luna.
 
Ogaysis ka yimid AllPuntland: Mawduucan oo akhristayaasha ka hadlayaa bateen awgeed wuxuu maqaalkani noqon doonaa kii ugu dambeeyay ee mawduucaan la xiriira ee AllPuntland ay ogolaato inay ku soo daabacdo bogga maqaalada akhristayaasha, ee fadlan haddii aad doonayso inaad adna ra'yigaaga ka dhiibato mawduucaan ku dhiibo fikradaada Forumka allPuntland halkan ku qor waxaa maalinkasta akhrista kumanaan akhriste.
 
Akhri Maqaalo kan la xiriira:

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com