TAARIIKH
NINKIIS BAA LEH
TAARIIKHA
BANAADIR REER BANAADIR AYAA LEH.
Waxaa
indhaha aan ku jiiday qoraal aan sii xoog leh aan u beeneynaayo hoos eeg.
Carabta
iyo Persiyanka, Turkiga waxay ahaayeen dadkii horumar weyn gaarsiiyey
Est-Afrika iyo Nord-Afrika waxayna ahaayeen dadkii sameeyey dhaqanka la
yiraahdo ( KISWAHILI ) oo illaa manta lagu dhaqmodhaqankaas geeska Afrika
oo dhan badanaaba dadbaa kasoo yeera Ibn-Battuta wuxuu soo gaaray
soomaaliya taa waa maya wuxuu soo gaaray Banaadir waagaa wax somali la
yiraahdo ma'uusan jirin ummad somali ah wey jireen waxaa maqnaa wadan ama
qaran.
Sidaan
mar hore u sheegay taariikhda reer Banaadir -Carab waxay bilaabmatay
sanadihii 766-767dii oona illaa hada lagu doodo ayna taariikhdaan ay kasii
horeeyeen aana mar hore idiin gaarsiiyey sawabtoo ah Carabta waxaa ka
horeeyey Persiyanka oo Masjido,Qawuuro,Aqalo ka duugmay xaafadooda illaa
maanta laga helo Xamar aan u laabto Banaadir-Carab dadkaas waxay ahaayeen
dadkii cowska ka gooyey ama ka jaray labada xaafad oo ah Xamar-Weyne iyo
Shingaani ayna soo degeen Xamar ayna wax ruux ah oo ku abtirsada somali
aysan joogin waagaas aan mar hore idiin gaarsiiyey sawabtoo ah taariikh
iyo been wey is diidaa.
Xamar
waxaa sii dhistay Carab carabtaasna qabiilkooda la oran jiray MAQANI ayna
kasoo degteen BANU-KHATAN waxayna xukunka ku heysan jireen Sheekh ama
Qaadi xukumadaas waxay isu rogeen SULDAN sawabta hoos eeg.
Sheekha
Muqdisho xukumaayey uuwna ka hadlay Ibn-Battuta waxaa la oran jiray
Abu-Bakr CUMAR Haduuw dhinto uuw qaban doono Qaadigiisa marka Qaadiga
asalkiisa wuxuu ahaa MASAR uuna qabiilkiisa ahaa MUQRI nasiib daro
Qaadigaas ma'uusan dhalin wax wiil ah marka waxay heshiis la geleen
Yamanta waa markaas marka ugu horeeyey la maqlo Suldan Suldaanka ugu
horeeyey wuxuu ahaa SULDAN Abu Bakr Bin FAKHR AL-DIIN ka dibna loo dhiibay
boqortooyadii MAZAFFAR xukunkiisa sii hagaag ayuuw u socday maadaama ay
walaalo ahaayeen Boqorkii Yaman waa markaas markii dagaal lagu qaaday
Suldanka dagaal qaadne waxay ahaayeen Ajuuraan ay in yar hayeen waxay
keliya qabteen Xamar-Weyne Shingaani waa ka gaar Suldaankii Ajuuraan waxaa
weyrar ku qaaday qabiil ku abtirsada Hawiye qabiilkaas ma eheen Abgaal
kolkooda lagasii eryey Xamar oo xukunka la wareegay Suldankii Yaman uuna
gargaar weyn ka helay walaalkii oo Boqorkii Yaman ahaa marka waxaa yaab ah
Abgaal waxaa ka horeeyey Digilka imaan jiray Xamar oo ganacsi ugu socday
ayna keeni jireen cows iyo caano ayna ka imaan jireen Afgooy ka dibna
kosoo dhobaaday Xamar Moobleen iyo Ujeejeen sida la ogyahay Moobleen
waagaas waxay ka badnaan jireen Abgaal maantane Moobleen waxay noqdeen dad
ka tira yar Abgaal.
Tolow
xagey kasoo galeen xukun ahaan qarnigii 15aad qarnigaas xukunka waxaa loo
dhiibay Cuman oo haayey illaa 1871dii Suldaanka wuxuu ahaa nin waayeel ah
uuwna u yeeray wiilkuu adeerka uuw u yahay waa Suldankii zanzibar uuw u
dhiibay xukunka illaa ay ka imaadaan talyaniga xukunka asagaa haayey ayna
kala saxiixdeen qad talyaaniga iyo Suldanka qadkaasna ay kala heystaan
reer Banaasir iyo talyaniga waxaadna ka heli kartaan arkiviyo italyano
marka waxaaba yaab ah dadkii xukulka illaa ay talyaaniga ka imadaan haayey
marka siduuw kusoo galay Abgaal mid baa dhici kara buuga laga hadlaayo waa
buug la qoray shelay 1938dii waa qasab ay ku noolaayeen sanadahaas oona
qoraalaha weydiiey arrimaha siday tahay looga sheekeeyey siday doonaan ama
siday dooneen.
Waxaan
ku arkay qallad kale la leeyahay qarnigii 15aad waxaa ka dhacay Xamar
awaar marka awaar ka dhacay weyba yartahay 1836dii waxaa dhacay cudur la
yiraahdo daacuun markaasna qof ka cararay magaalada ma'uusan jirin waxaaba
is leheen la leyahay shacibka waxay doonteen Badd iyo Biyo Xamar xaguuw ka
dhimay SAHARA ama waa xeeb marka uma baahneen Badd iyo Biyo Badd weyba
af-saarnaayeen Biyane uma baahneenba sawabtoo ah Carabta waxay ahaayeen
dadkii ceelaha qotay ama faagtay.
Marka
waxaan fillaa qoraalahaan buuga qoray in uuw isku qalday qarniyada ama
uusan xisabta aqoon u leheen weyna dhici kartaa sawabtoo ah xisaabta waxaa
laga gaaray Carabta ay geeyeen illaa Yurubta ama qofka fasertay in uu
rabay taariikhda reer Banadir in uu lugaha u jaro.
HOBYO.
Sida taariikhda ay sheegto waxaa militar ahaan u qabtay talyaniga 1925tii
oo Suldan Cali Yusuf CALI la keenay Xamar marti wuxuuna u ahaa nin ah reer
Banaadir oona reerka Suldanka qaarkooda ay ku aasanyihiin Qawuurada Sheekh
SUUFI waagaas ganacsi weyn ka sameeyeen Carabta reer Bnaadirna xiriir
dheer la lahaayeen reer Mudug ayna gaarsiyeen heer ganacsi weyn iyo
bulshaba.
VASCO
DA GAMA- VASKO DA GAAMA
Tan
waa cajiib sawabtoo ah shicibka iyo Suldanka weligood isma dhiibin vasko
da gaama asagaaba la eryey Xamar waxaana ka eryey shecebka iyo taageer ay
ka heleen Suldaankii Yaman iyo Cuman qaas ahaan Cuman waxay Kireysteen nin
la oran jiray TRISTAO DA CUNHA- TIRISTAO DA CUNHA ninkaasa wuxuu la
shaqeeyey Suldaankii cuman oo vasko laga raayey uu doonay inuu soo qaso
Magaalada Marka waxaana la dagaalay Sheekh Gendershe miyaad ogeedeen in
wiilkuuw dhalay Vasko lagu dilay Marka Cadeey dagaalkaas waxaa marqaati ka
ahaa nin la yirahdo TOM LOPEZ ahaa isbanyoolo buugiisina laga helo MADRID
uu lahaa waalaga rayey iyo wuxuu u kordhiyey vasko uu u shaqeynaayey
boqorkii dalkiisa uuna u dagaaltami jiray diinta masiixiga marka yaa laga
raayey.
YAHUUDA
Marka
yahuuda waagaas ma'aysan joogin markuu suldanka heystay waxay bilabmeen in
ay soo degaan markay talyaniga xukunka heystay yahuudaas seddex waxay
ahaayeen yahuud masar ah qaar kalene waxay ahayeen reer talyani marka
haddii yahuud la hadal qaaday maxaa laga dan laha in lagu xumeeyo reer
Banaadir marka yahuuda iyo carabta wa walaalo waxaa wada dhalay nabi
Ibraahim waxaa leysku dhahaa Semiti marka hala ogaado in uu nabigeynaba uu
guursaday hablo yahuud ah laka oran jiray Safiya Bint HUAYY & Raihana
Bint ZAID ayna u dheereed gabar kale masiixi ah la oran jiray Mariya
asalkeedna ah Masar maba ahan wax lala yaabo carab iyo yahuud waa isku
dhiig dhibaatada dhex taalo Israa'iil iyo Falastiin illaah ha qaboojiyo
nabada waxa dhaamo male.
Jiidada
waxay ku mahmaahoodaan ( LANKII GUURAAW HA GUUREE GARAAWLAY GURI JIIDA
WAAYE ) anigane waxaan leeyahay Banaadir waa giri Banaadir.
Somaali
qaarkood waxay moodeen geesi nimo qoriga marka qori wuxuu dilaa 50 Qalina
wuxuu dilaa 1000.
Qamar
Sharif Haashim-Luna.