ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

 ILLAAHOOW MUDDULLOODKA NOO BADIgg

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 14, 2002

Posted to the Web   January 14, 2002

Waxaa Qoray

Qamar Shariif Hashiim (Lunda)

lunas68@hotmail.com

Oggetto: ILLAAHOOW MUDDULLOODKA NOO BADIgg

 Dr. Cabdullahi DOOLOOW

 Cumar SIDII / Cali TUNI.

 MUDDULOODKA.Sharafta leh waxaan mar dambe aan arkay jawaabadiina uuw ahaa midii Mohamud AFGOOYE marka waxaan ka xumahay in aan tusaale aan u qaatay midii Shariif MAYE sawabtoo ah mida Shariifka uuw soo qoray waxay iigu timid e-mail marka ha u moodina in aan idiin illobay marka raali iga noqda ee shaqo wanaagsan. 

OGEYSI YAR

Cajiib mar walba waxaan arkaa arrimo u eg  arrimahaan itaan ra'ayigeygga ka bixin waxaan jeclan lahaa in Af- Soomaali aan in yar ka tab-tabto marka badanaa dadka waxay isku qasaan ama aysan garan mecnaha uuw leeyhay kelmad walba oo ah Af-Soomaali mida ugu horeysa waa KOOXDA AMA KOOX ay u isticmaalaan sida Muddullood marka Muddullood looma istecmali karo KOOXDA marka dadka MUddullooka waxaa loo isticmaalaa Af-Soomaali ahaan XUBNO ama XUBNAHA MUDDULLOOD waa qallad in la yirahdo Koox ama siyaasiyiinta aan ku arkay KOOXDA hebel.

 Mida kale waa sida leysku qaso URUR iyo XISBI marka URUR ama URURADDA marka waa URUR waxaa keliya ah howshooda DHAQMEED IYO BULSHO. URUR waa (Associazione)

 Marka XISBI waa siyaasadeed marka looma isticmaali karo URUR waa in la yirahdo XISBI marka laga hadlaayo siyaasi XISBI waa ( Partito Politico) sidaas haloogu dhawaaqo.

NIN DOOLOOW KU DHASHAY OO SHEEGANAYA MUQDISHO:

 1- Marka waxaan u sheegi lahaa ninkaas la yiraahdo Dooloow in aniga oo somali ah kuna dhashay muqdisho aan ugu xaq leeyahay isga oo ku dhashay Dooloow doodiisa waxay la mid tahay midda (Cali Beesteeynka) oo yirahdo awoowe yaasheena aya ku dhashay Amerika ee annagaa iska leh.

 Luna-Marka waxaan fillaa in aysay weliba dad badan garan Nabada waxay tahay iyo nafta aadanka qiimahuuw leeyahay maanta Muddullood waxay u doodaayaan haday soomaalidoo dhan u doodi lahayeen mar hore ayuuw imaan laha Nabad  iyo bash-bash iyo barwaaqo. marka manta xaqa aadanka waxaa u dooday nin ku dhashay Dooloow alla reer Dooloow oo dhan ma isku midbaa kan muqdisho ku dhashay manta wax wuuw qaban la'asanyahay kadib baan maqlaa anigaa ku xaq leh wa yaab muqdisho waxaa leh ka dhowra oo u dadaala nabada iyo wanaga muqdisho.Marka Dooloow wuu sheegan kara iyo nus iyo inta kale nabad-jecelka ah.

 2- Waxaa kaloo jira in muqdisho ay mar hore ku heshiiyen in ay kala qeebsadan Abgaal iyo Hawar-gidir iyagoo saxiixay heshiiskii loo yaqanay Khadka Cagaaran "Green Line" 1992.

 Luna-Marka midaane waa Af-Soomaali qallad ah KHAD waa marka iibsatid aqal ama gaari iwm "Green Line" ka la sheegaba waa xiriiq marayey Muqdishoo SUD iyo Muqdisho NORD oo kala heystay Cali MAHDI iyo M. Faarah CEYDIID marka yan leysku qasin XIRIIQ iyo LINE wey kala duuban yihiin. Marka heshiiskaas uusan waxaba maanta ka herin yan lagu fanin mida kale hadiiba Khad laga hadlay waan naqana dadaka heysto.Marka Cali Beesteeynka wa runtooda Amerika ayaag iska leh hadadaan markaad buugagta furtid Mareekanka waxay ukala baxaan Midoow,Cad iyo Asliga Amerika kuwaas wa Cali Beesteeynka la shegay.Marka dhul ninkiis ba leh sidaas haloo ogaado.

 Waxaan kale ka dareemay in la magac qaaday BALCAD iyo JOWHAR laga yaabo in aan ahay naag jaahil ah weligeygi waxaan moodi jiray in magalooyinkaas ay leeyihiin Abgaal ama ay galaan.

Marka dadka u dagaaltamaaya in qof walbaba in loo celiyo hantidiisa iyo muqdisho loo celiyo dadkii dagalkii ka hor degnaa midaas waa mid aniga aan u arko mid ah GOB marka dadkii hore u geli jiray muqdishoo xaq bay u leeyihiin in ay ku labtan ee aqaladooda loo faraaqeeyo ee dadka dhulka kordhiistay wa in ay ku labtaan halkey ka yimideen muqdishoo dagalka ka hor ummad baa ku noolaa oo qabiil walba ay ku tirsadaan ama ku abtirsadan marka xoogga haleyska daayo iyo beenta ee runta aan isticmaalno.

 Waxaan idiin leeyahay kan saxiibkiis ama dereskiisa dhowro waa qof GOB ah uma baahna in uuw ku dhashay GOBNIMADDA waana loo dhashaa ee waana la noqon kara bal isku deya.

 DOOLOOW waxaad tahay nin GOB ah iyo inta kale ka jawaabeen arrimahaan waara.

Qamar Sharif Haashim- Luna

 
Akhri Maqaalo kan la xiriira:

halkan ku dhiibo aragtidaada mawduucaan la xiriirta.[ Riix Halkan ]

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com