ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

REER BANAADIR & NORD-AFRIKA WAA TAARIIKH WADAAG.

Posted to the Web   March 18, 2002

WQ.

Qamar Sharif Haashim-Luna.

lunas68@hotmail.com   

 

Qarniyada na dhaafay waxaa laga hadli jiray  MUQDISHO,MARKA, BARAAWA,BAAJUUNI. Ay intaasba ay tahay  BANAADIR ayna noqotay SOMALIYA.

Waxaa kale laga hadli jiray KILWA, KISIWANI, ZANZIBAR. Waa TANZANIYA.

Waxaa kale laga hadli jiray MOMBASA, MALINDI.Waa KINYA.

 

Aan u laabto KILWA, KISIWANI, ZANZIBAR. 

Taariikhda markaad raacdid waxaa aad caan u ah ZANZIBAR sawabtoo ah waxaa xukumi jiray suldaanadii Cuman ayna ahaayeen dadka dhistay iyo markaan ka hadlo dhanka Militaar ahaan ama Askar ahaan waxay ahaayeen dadkii waagaas ugu xoog badnaa ayna lahaayeen maraakiibta dagaalka iyo kuwa ay ku dhoofi jiren aduunkoo dhan Cuman iyo Yaman kama taalo keliya soomaaliya taariihkooda waxay soo gaareen illaa Yurubta ayna ku magac dheeraayeen SARACENO (SARASHENO) waxayna ahaayeen dadkii ugu horeeyey ay diinta gaarsiiyey aduunkoo dhan sawab dal alaale ay muslin ku noolyihiin ayaad ka heleysan Yaman iyo Cuman Cumaan waxay kale ahaayeen badd-mareed adag karti iyo hantiba u lahaa ayna dhoori jireen walaalahooda tusaale Baraawa ayagaa ka dheciyey Vasco Da Gama.

 

Kilawa iyo Kiswani waxaa dhistay Yaman iyo Persiyan waxayna sii xoog lah gacan ugu heleen suldaankii cuman xukun weyna ay ka heysteen waxaa la dhisay qarnigii 8aad laga yaabo in la dhisay ka hor qabiilka iyo xukunka ugu horeeyey waxay ahaayeen ( ZAYDIT )  ka dibna loo dhiibay xukunka cuman iyo Shiraz.

 

Shiraz Shirazna waa dadkii magaalada Marka dhistay  xukunkii qabteen reer shiraz oo ahaa Kilwa ay xukunka heystay wax badan intaysan ka tagin waxaa xukunka loo wareejiyey  qabiil la oran jiray ( MAHDULI ) ayna yihiin reer yaman aygaa dhistee ee ayaga dib haloogu dhiibo marka suldankaa wuxuu xukunka haayey illaa 1227dii oo la oran jiray ( Xassan  Bin  SULEYMAN ) uu ku magac dheeraa ( Abu  Al-MAWAHIB ) beryahaas waxaa sii xun u socday dagaalo diimeed dagaaladaas waxaa ku dhintay rag badan ay ka tageen xaas iyo caruur.

 

Marka AMIIRADII xukumaayey MAKA iyo MADIINA  waxay la yimideen talo aad u wanaagsan ay weydiiyeen  siddii wax loogu qaban lahaa Haweenka iyo Caruurta waa markaas markay weydiiyeen meel alaale meeshan muslin ku noolyihiin in ay caawanaad u diraan Haweenka ragooda u dhintay magaca diinta islamka arrimahaas waxaa la weydiiyey  suldaamada cuman ,yaman, shiraz, persiyan. In ay sameeyaan sanduuq lagu guro lacagta waxaa loo xilsaayay labada wiil ay kala dhaleen Amiiradii MAKA IYO MADIINA lakala oran jiray Maxamed JAMMAZ iyo Abu NAMY labada Vizir waxayna la kulmeen Ibn-BATTUTA  muqdisho markuuw aaday uuwna ka hadlay wanaagooda iyo siday waxc ugu qabteen Haweenka iyo Caruurta agoonta ah marka lacagtaas la guro waxaa ugu lacag badnaa KILWA iyo KISIWANI  ay ka lacag badiyeen Banaadir sawabtoo ah Banaadir ma leheen wax dahab ah ugu dambeyn u haray xukunka reer cuman.

 

SULDANKII  CUMAN

 

Marka miyuu u baahnaa qeyraad iyo taariikhda xamar waaba dadka keenay dhaqankii KISWAHILI taariikhda xamar iyo dalalka ay xukumeen suldanada carabta waa isu taariikh iyo isu dhaqan taariikh xamar laga raro la geeyo zanzibar maba dhici karo waaba isu mid tariikh ahaan qeyraad uma baahneen suldanka cuman wuxuu ahaa ninka waagaas ugu lacag badnaa qeyraada sida loo jeedo banaadir waaba laga qeyraad badnaa  haddii loo jeestay in la cambaareeyo reer cuman maba ahan dad la cambaareen karo.

 

NORD- AFRIKA

 

Tunisiya, Aljeeriya, Marooko, Liibiya, Mawritaniya.

Qariyadii  hora intaan dal aan kor ku xusay waxaa xukumi jiray ayna illaa ay ku abtirsadaan carab qaas ahaan Yaman iyo Cuman oona laga helo qabiilo ay isu magac yihiin qabiilada reer banaadir marka intaas dhan waxaa xukunka heystay qabiil la oran jiray HIMYARIT ama HIMYAN aan u laabto Marooko ayagane sidoo kale xukunka waxaa heysan jireen Himyan ka dib loo dhiibay MUZAFFAR. Himyan iyo Muzaffar waa reer yaman xukunka loo sii dhiibay qabiil kale oo reer yaman ah BA-CALLAWI ayna xukumaan illaa maanta marooko ay tahay boqortooyo.

 

Alla miyaan idiinka hadlay Mawritaniya bal aan ka faaloodo iyagane waxaa xukumaayey Himyan ka dibna loo dhiibay Muzaffar boqorkii ugu dambeeyey oo reer Muzaffar waxaa la oran jiray Wathiq Muzaffar YUSUF uuwna ku aasan yahay Mawritaniya marka miyaad garateen ama xusuus idiinku dhacay haddaad qoraaladeyda akhriseen marka Muzaffar Yusuf bal aan idiinku celiyo Muzaffar YUSUF wuxuu ahaa boqorkii yaman wiilkiisna xukumayey Mawritaniya siddaas ayey isu taariikh noqdeen reer banaadir iyo Nord-Afrika iyo Est-Afrika dhaqankoodana leysku yiraahdo KISWAHILI.

 

Marka maanta waxaan ku faani leheen soomaali ahaan iyo banaadir ahaan weyba yartahay sawabtoo ah taariikh ma'ahan keliya buug la akhriyo ama caaqiliinta kaaga hadlo taariikh waa dhismaha marka dhismahaan ku faani leheen oo dadka dalxiiska u imaan jiray Muqdisho sawiran jiray aqalada qadiimaka maanta wax la sawirto weyba yartahay ama taariikh lagu faano xamar-weyna bar laga bur-buriyey Shingaani dhulka la dhigay marka USC oo waqtigaas hogaaminaayey Cali Mahdi waxay aaseen taariikhdii soomaali oo dhan ku faani lahaayeen masjidahane loo naxriisan taariikh oo dhismo lehen waa aqal caruur leheen.

 

Soomaalida qaarkood walaalkaa dil ee dhiiga ka daadi ayey waxay moodeen inuuw yahay geesinimo ma'aysan fahmin inuu yahay xoolo nimo iyo dayuus nimo.

Kan qoriga  dadka ku dulheysto kaasna wuxuu is mooday inuuw raga nimada ku jirto.

 

Qamar Sharif Haashim-Luna.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.