ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


GAMUUN FARAHA KA BAXAY SOO NOQOSHO MALEH

Posted to the Web   April 21, 2002

WQ

Qamar Sharif Haashim. 

lunas68@hotmail.com 

 

 

Deeggaanada reer Banaadir wuxuu ka bilowdaa Warsheekh wuxuu ku dhamaadaa Raas-kiyambooni. Banaadir mecneheedu waa "Cities States" ereyga Banaadir waa Persian Carabta ayagane ereygaas ayey leeyihiin oo asal ahaan ah Persian Muqdishu " Maqad Ashah" mecnahuuw leeyahay waa "Seat of the Kign"marka Banaadir nimo ma'ahan in lagu dhashay gobolka Banaadir, ee waa loo dhashaa waa dhalsho asal ah. 

Reer Banaadir waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyey ay sameysteen ururo fara badan ururadaas ay ahaayeen ururo siyaasi ah. Ka dibna isu rogeen Xisbi ururada waxaa la oran jiray " Somali Youth League" "Somali Youth Club" Hamar Youth Club" ururadaas hal bey noqdeen waxay qaateen Hamar Youth Club. Haddaan dib ugu laabto e-mailka raqiiska ah SYL in ay abaabuleen Muddullod hadaba dadka abaabuley ugu horeeyey ayna hantidooda lagu abaabulay waxay ahaa yeen reer Banaadir SYL waxay ahaayeen seddex iyo toban ruux todobo waxay ahaayeen reer Banaadir marka SYL iyo HYC ayaa sameystay "Coalizione" SYL wuxuu u halgami jiray soomaali-wey HYC wuxuu u halgamay maamul goboleed SYL ma magac bedenal reer Banaadir ayaa bedeshay magacooda waxayna la baxeen S.A.N.U

" Unione Nazionale Africana Della Somalia" "Coalizine" Isbaheysi ayaa u sii socday ayan gaarsiiyeen xornimadii somaliya. 

Marka waan niqiinay dadkay ku xirnaayeen dadkaygi marka lama maqlin Banaadir iyo Muddullod isu xirnaa Avv.Raajis ma'uusan eheen ninka weligii hogaamin jiray reer Banaadir waxaa ka horeeyey siyaasiyiin badan oo hogaamin jireen dadkeygi Avv.Raajis weligii isbaheysi lama gelin intuu xildhibaan uu noo ahaa tan maanta socda ayadaaba ah dowlad liidata oo sanad u haray waxaad ogaataa in Mudane.M.Raajis uusan eheen Xawaale sidaad doontay in aad ku tilmaantid afbuuxo haduuw noogu sheego inuu yahay Xawaadle ogow in aan dheel dheel u dayneynin reer Banaadir waayo waa reerkeygi waayo waa hogaamiyaheyna waayo waa odeygeyna sidaan idiinku siineynin Mudane.Raajis idiima siineyno Sheekhaal gendershe iyo sheekhaal jasiira hawiyo wuxuu u galo ayaaba yar doona ama diida idiima deyneyno dadkeyni magaceyna ayaad doontaan in la masaxo heeysteyna ayaad qaadateen oo hees banaadiri ah dadkeyga ayaad doontaan hawiye ad ka dhigtaan hada waxaad u dhigateen hogaamiyaha reer Banaadir. 

Maxaa inoo haray in aan basaas u eheen talyani iyo ingiriis taariikh ayaad aqoon u leheen midda ugu horeysa wax la'idiinka basaaso ayaaba yar midda kale calankii casaanka ahaa ee SYL iyo calankii buluuga ahaa ee SANU in leysu tolay ayey xurnimo ku garsiyeen maanta haddaad xur tihid u mahad celi reer Banaadir ayagaa u halgan badnaa. 

Ingiiska aad hadal qaaday waanu ognahay waxay nagu sameeyeen iyo ya u shaqeyn jiray buugaag ayeyna ka qoreen in aan hor-istaagnay dadka soo dhobeeystay oo ay ingiriiska hubsiiyey oo boqol ruux oo caruur haween ugu badnaa la dilay waanu ognahay maalintaa waxay eheed maalin axad ah oo isla maalintaa xaafadaheyna la dhacay lagu gowracay dad badan ha moodin in aan illownay waayo "fale wuu ilobaa loo falay ma illobo" markii dadkeyga ingiriiska xiray oo qaar ku dhintay xabsiga oo dil lagu haayey qaarna ayagoo nool inoogu soo laabtay Jasuuradeyna kuwaas miyaad ka war heysaa oo yaa basaasay oo kuwa wax dilay oo hubka ingiriiska siiyey miyaad ogtahay marka waxaan kuugu talin lahaa in aad taariikhda dib ugu laabatid ee dadkaaga weydii yey ahaayeen kuwa hubka ingiriiska siiyey ee basaas nimada oo gibilcad lagu basaasay yey ahaayeen marka gibilcad ma'ahan middii ugu horeysay in dil loo geysto dhibaatada ay dadkaaga geystay eeg ka dib ila hadal. 

Waxaad ka hadashay tuug xabsi ka baxay alla taa waa kugu xaaraan sawabtoo ah waan ogeen dadkay ahaayeen tuugada aad sheegaysid qof arkay wuuwba yaryahay waxaa keliya la arkay Jabhad la diyaariyey oo cashar loo dhigay in ay leeyihiin dhulkoo dhan Jabhada waxayna diyaarsatay "Milizia" oo u qabto howl fuul xun lah sida in ay ka saaraan reer Bnaadir iyo qabiilo kale deeggaankooda ee kuwa la hubeeyey waxay ku kaceen." Dil, Jir-Dil,Kufsi, Argagexin, Bara-Kicin, iyo boob ogow in aysan eheen tuugo waxay ahaayeen jabhadii USC maanta tuugadiina tol ayey leeyihiin. 

Hablaha Abgaal oo kufsi la kulmeen sidaad u sheegtay marka taa kuma tilmaami kartid qaxii waayo way ka dambeeyeen dhibatadaas waxayna dhacday markaad isu buuqdeen dhexdiina.Marka dhib walbaba waqti ayuuw lahaa. 

Boqortooyada Marooko ma fillo in aad aqoon u ledihid waayo Marooko duulidii ugu horeysay israa'iil ayeyba ku dhawaaqday in ay ka goostay xiriirkii Diblomaasiga ay la leheed dalalka kale marna ma'aysan ku dhawaaqin xiriir laga goosto israa'iil ogow.

 

Boqor Maxamed Shariif Hassan uma ahan la taliye yahuud ogow Marooko inuu yahay dalalka ugu horeeya ee ay hor-istaagaan israa'iil inkastoo Boqortooya ku nool yahuud-carbeed ayna yihiin marokaan ah ayna Boqorkooda ka dambeeyan. Waxaan nasiib u yeeshay in Safaarada Boqorka Marooko ay i casumeen maalintaasa Boqor Xassan ayaa joogay aniga nasiib uma yeelan in aan la kulmo marka waxay kala qeybiyeen howshii ay dalkooda u qaban lahaayeen Boqorka iyo Baarlamanka ku jiro oo diin ahaan ah yahuud marka qudbo ayuuw soo jeediyey daka aan ku noolahay waxaa laga casumay dadka magaca ku ley iyo dadka maalqabeenka ah iyo wariyayaal marka digniin waxaa la siiyey wariyayaasha joogay in ay su'aal weydiin karin waayo Boqorka keliya ayaa ka hadli kara dalkiisa iyo shecibkiisa marka sidaa u ogoow Boqorka asagaa isu fillan.

Ogow in yahuuda ayna ku noolyihiin dhul carbeed ayna ka mid yihiin baarlamaanka sida Iiran,Tunisiya,Marooko,Waqooyiga Yaman waxaan aqoon u leheen in yaman ay kursiyo ku leeyihiin iyo in kale. 

Ogow in aysan habaarneen dadkeygi hablaha la kufsaday iyo dadka la dilay ma habaarna ee waxaa habaaran kan la diyaariyey iyo kuwa soo diyaariyey iyo kuwuu eegeeyey oo aysan ka reebin dadka la dilaayo oo ka aamusay haddaad leedihid isma hurtooy ayaan isla nahay waxaad ogaataa haddad isla ahan leheen dhibaato naguma dheceen midda kale ay aqoonyahantiina ka aamusay odeyaashiina ka aamusay cullumadiina ka aamusay ay iska dhigen dad indho la'aa dad dhogoole ah dad waxba arkin markaas ayey eheed in aad tiraahdaan isma hurtooy ayaanu isla nahay ee daaya dadkad dileysaan. 

Aniga leyma kufsan kan i kafsan lahaa "Hooyadii Ayaan Ku..........Lahaa.

Ogow dhibatada ay la kulmeen hablaha, hooyooyinka,waayeelka intaas la kufsaday dhibaatadooda waa teyda xanuunkooda waa teyda ilintoota waa teyda hablaha qabiilada kale loo geystay isu mid ayey ii yihiin war ayaa ku moog waayo ma dareemi kartid hadaadan haween eheen.

 

Ee kuwa sii habaaran waa kuwa dil iyo kufsi la dhacay masjido dhexdiisa. 

Waxaad ogaataa in aanan u baahneen in aad na bartiin wuxuu yahay maamul goboleed reer Banaadir waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyey oo u dooday "Autonomia Regionale" wuxuuna ahaa 1940kii maamulne ayagaa u xaq leh ayagaana maamulanaaya dhulkooda aysan u diideynin dadka la deggo qabiil walba ha ahaado intii hore deggaan u ahaa ayaana la wadaagaaya ogow haddii la waayo somali-weyney ogow in reer Banaadir aysan marti u eheen somali ama muddullod ogow in aanan marti kuu eheen ogow in aanan kugu dul deggin waayo adigaa igu dul deggay ee yuuwsan iga yerin sidaad usoo degteen dhulkeyga waayo waxaa la taagan yahay mar ay ummadda soomaaliyeed u baahan nabad iyo deeganadooda marka nabada ha socdo. 

Reer Banaadir waxay ka kooban yihiin.Siyaasiyiin, Cullumaa-u-Diin, waxagarad, aqoon-yahan, Diblomaasiyiin,Hogaamiye-Dhaqmeed,Ganacsato.

Ee ma'ahan sidaad doontay in ay yihiin kaba-tol harqaanley, xalwo karis iyo qalin-shube.

intaas oo dhan waa shaqo maanta hadaan reer Banaadir su'aal haddan anaga dharka kuu toli leheen weli ayaad qaabnaan leheed Awkombe ayaad ceyday marka asaga waa nin fanaan ah oo caana hah tolow adigaa maxad tahay. 

Kolayba haddan madow nahay haddan cad nahay weligii ayaad noo aqoon san tihiin gibilcad marka ogoow in ay leeyihiin dadkaad u taqaanid gibilcad Banaadir waa dhulkooda magac kale looguma yaqaano mana fillo in loo bixin karo magac kale oo qabaa'il lah ogow muddullodka aad sheegtid in hore loo maqlin ee qabiil qabiil ayaan idiin niqiinay isbaheysiga aad sameysateen laguma baabi'inkaro magaceyna mana la masaxi karo magaca reer Banaadir dadkeyga ma qeybsami karaan marka ismahurtoo waa hawiye dhexdooda ayaan is hurin reer banaadir qori la'aan ayey isu filan yihiin yaan lagu riyoon in magaca Banaadir uu masaxmo Banaadri Banaadiriga la yiqiinay ayaa leh. 

Odeyaasha iyo cullumadeyna uma baahna in ay idiin jawaabaan anigaa idiinku filan ogw in aan taariikhda reer Banaadir waan ka hadlaa dhibatada loo geystay waan ka hadlaa haddad.A. aad tiraahid.B. ayaan kugu oran.C. haddaad tiraahid.D. ayaan kugu oran ma'ihi naag loo hanjabi karo ama la aamusin karo reer Banaadir oo dhan ayaa igu daalay aan ka diiday in aan aamuso ama aanan jawaabin iska ayaa ayaa leygu yiraahdaa mar walba anigane ma yeelo suufi nimadoodda hadday aqyaartaayda ama cullumadeydda soo hadlaan laga yaabo in aan aamusi doono mid kale ogoow in aan ahay gibilcad jereer iyo xabashine aad mooday in aad igu xumeyn kartid ayagane waa walaalaheyga waa dadkeyga waa runta adoon ayaan ahay marka ALLAH ayaan u ahay ogow in dhoob lagugu abuuray oo ummadda ILLAAHEY oo dhan ayaa dhoob lagu abuuray waxaad ku riixdid ayaaba yar jareer iyo xabashi. 

Reer Banaadir " Mukulaal Mininkeeda Ayey Mici Ku Leedahay"  

Marka yaan mininkiina la'idiinku hanjabin ee maddaxa kor u qaada waxaad ibn-aadan aad ka tuugtiin ayaaba yar ee wax idiin gaara ayaaba yar. 

Qamar Sharif Haashim. 


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.