ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ssThe opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

 

Fikradaha / Opinion

MAA SOOMAALIYA KELIYA AYEEY GALAAN REER BANAADIR.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 23, 2002

Posted to the Web   January 23, 2002

Waxaa Qoray

Qamar Sharif Haashim-Luna.

 

lunas68@hotmail.com

 

DHAN DHANSIGII BAA SII SOCDA.

 

Marka reer Banaadir aan hal maalin ama hal sanno aan lagu koobi karin intaan ka dhan-dhansadda .

 

 

REER BANAADIR IYO HALGANKII XURNIMADA.

 

Reer Banaadir waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyey ay URURO sameystay oo la galay in la istecmaalo magaca somali marka ururadaas waxaa la abaabulay intay fadhiyeen gumeysigii ururadaas waxaa lakala oran jiray. SOMALI YOUTH LEAGUE, SOMALI YOUTH CLUB iyo HAMAR YOUTH CLUB.

Ay ururadaas qeeb weyn ka qaateen xurnimada soomaliya ka dib waxaa dhacay in la aas aaso xisbigii SANU iyo SYL marka SYL dadka abaabulay waxay ahayeen saddex iyo toban qof waxaa reer Banaadir ka ahaa todobo qof bal eega. Ay labadas kala lahayeen

laba hogaan mid hogaminaayey qabiiladoo dhan iyo midna u gar ahaa reer Banadir Afka maanta loo yaqaan Af-reer xamar ama xamari waxay eheed Afka badanaba loo istecmali jiray markuuw sir jiro sidaysan dad kale u ogaan waagaas derbigaba dheg buu lahaa SANU iyo SYL waxay soomaaliya gaarsiiyeen xurnimadii loo baahnaa soomaliya wey xuroowday waxaa la bilaabmay mid la dhaho midnimmada ummada soomaliyeed woqooyi iyo koonfur in leysku daro ay noqoto soomaali weyneey taas reer Banaadir wey ka soo horjeeden waxay u qeylinaayeen in uuw dhaco( ISMAAMUL GOBOLEED) iyo dhibatada ka tagnaa xurnimadii la maray dhibaatooyin aad u fara badan ee u fool xun ka tagnaa beryahaas dhibatooyinkii aanan la xallin ayaa leysku daray Woqooyi iyo Koofur marka reer Banaadir wey ogayen meeshuuw ka imaankaro dabeesha marka( soomaali ween maxaa ka dambeeyey?)

 

Bal aan u laabto reer Banaadir maxay u kordhiyeen Dhaqanka iyo Bulshada waxay u kordhiyeen ilbaxnimadda, cuntada aan manta cuno oo loogu magac daray beriis somali. ciyaarta,heesaha,qallabka sida shareraha, shambalka,durbaanka, aliindiga,duruucda,gontiinada, dahabka,sameynata iyo tolida dharka,sameynata kabaha,koofiga,shaashka,macwiiska,guntiinada inkastoo ay reer miyiga ay leeyihiin aan isku sii loo xiray marka intaan kor ku xusay waxay geleen hidaha iyo dhaqanka.

 

DEEGAANADA REER BANAADIR AAN LA OGEEN.

EST-AFRICA

Intaas waad ka helli kartaan reer Banaadir qaas ahaan.Kenya,Tanzaniya,Itobiya,Eritreya.Marka reer Banaadir waa dad galla wadamadan oo deegaan iyo xuuquuqba ku leh ayna caan ku yihiin ay siyaasi ahan ay wax la qeybsadaan wadamadaan soo sheegay si sharaf leh ay baarlamanadooda ay xildhibaano ku leh ayna leyihiin wasiiro aan idiin xusuusiyo wasiirka ugu caan ah oo xaalada qaxootiga soo dhaxgalay ee Kenya waa Muddane.SHARIF NASIR oo Aabihiisu ku dhashay magaalada marka. iyo Sheekha laga yaqaano LAAMU oo soomalida reer kenya siyarto waa SHEEKH MOXAMED KHASSAALI. oo ah Shaanshiyo.

Miyaad ogeedeen in ay reer Banaadir ay dhiseen (Dar Al-Salaam) ninkaas waxaa la oranjiray (ABDULAZIZ.B. ABDULGANI) uu ku dhashay BARAWA wuxuuna ahaa (HATIMI) 

 

DAGALADII DIINTA XAQ DIIMED IYO CULLUMADDA IYO OWLIYADDA REER BANAADIR.

 

Sidaan u tilmaamay in reer Banaadir ahaayeen dadkii diinta islamka faafiyey iyo u dagaltamay waxay ahayeen cullumada ugu weyn waagas gaaladoo dhan wey ka baqi jireen siday ukala qeybsanayeen cullumada.( Qadiriya,Ahmadiya,Salihiya,Rahmaniya,Rifa'yyah,Sufi ) dadka diinta balariyey ee waxna dadka bari jiray yey ahayeen ee xagay ka faracmeen.(Masafi,Shariti,Jamal Al-Leyl,Al-Faqi,Ba-Alawi) ay ahaayeen Banaadiri assal ahaan ay ka yimideen YAMAN- magaladaha kala ah (Cadan,Tarim,Shibam iyo Shihir) reer Jamal Al-Leyl waxay ahayeen dadkii ka qeeb qaatay dagalkii ITOBIYA oo aha dagaal diimeed ayla socdeen Ahmed GARAN'S taariikhdii 16aad ay garab weyn siiyeen dagaaladii diimeed waxay kale ay lahayeen ciidamo diineed waxaa xukunka ciidamada lahaa Qaadiyada.Mudisho,Marka,Baraawa.dadka diinteyna ko u qaaday waxay ka yimideen YAMAN magaalada CADAN.SHEEKH CUSMAN(MARKA) SHEEKH BAAWASAM(JASIIRA) SHEEKH CALI MAYE(MARKA) assalkiisa waa reer CUMAN.SHEEKH KHASIN BARAWA(BARAWA) SHEEKH SUFI(MUQDISHO) SHEEKH GENDERSHE

(GENDERSHE) marka dagaalyahanka ugu weynaa waa Sheekh Gendershe wuxuuw ahaa ninkii ordiyey gaalada rabtay in ay qabsadaan Banaadir maanta hadeysan nugu jirin masiixi koofurta waxaan mahad u celineynaa Sheekh Gendershe.

Taariikhda dib maloo eegay yaa gacan dagaaleed siiyay SAYID. M. ABDULLA XASSAN miyaad is weydiiseen tana.

 

Run ahaantii in lagu faano taariikhda reer Banaadir aad bay u hagagsantahay wax ka soomali ah lagama helli karo soomaaliya gudaheeda maantadaan oo walaalaheyna soomali iyo aqoonyahanadoodda maxaa ku qasbay in ay mugdiyeeyaan taariikhda reer Banaadir kadibna la leeyahay anagoo dhan waxan nahay dad walaalo ah aan muslin isla nahay ka dibna hablahooda lagu kufsado masjido maa muslun baan ku sheegi karnaa kan wax kufsaday iyo kan amarka bixiyey ay moodeen cadawga dhulka ay yihiin illeen cadowga maba ka dheereen wuuwba la degenaa deegaankoodana uuwsan ka dheereen deegaanadooda assalka ah deegaanka banaadiriga marka dadbaa ka dhaadhacsan in ay yihiin fullay ama dad weligood dagaal gelin marka reer Banaadir way yaqaaniin sida loo dagaltamo waxaaba marqaati ka ah intay dad iska dhiciyeen xaqna uma ahan in ay dilaan dad ay isku deegaan ay yihiin tan ugu muhiimka ah wa dad ay isku diin ay yihiin .

 

Marka dadka dhulka balaarsaday ay leeyihiin hadaan dhulka kaqadno nabad ma dhaceyso bal aan aragno siday iskaga cellin lahayeey ninka ka xoog-weyn ay diidsanyihiin in ay celliyaan hantidey ka dhaceen ummad dhan ay rafadsadeen ay diidsanyihiin in la maxkamadeeyo sii danta ummda oo dhan ay ku jirto eyey diidsanyihiin marka dadkaas waxan leeyahay.

NACASKA USHA GARABKIISA KU DHUFO HADDU  GARANWAAYO GO'GA U GELI.

Marka usha garabka wey ugu dhacday waay garanwaayeen marka waxaa haray in loo geliyo feeraha kan u gellin doono kama dheera.

 

Reer Banaadirna waxay ku jiraan nasashadii dagaladii hore.

 

Qamar Sharif Haashim-Luna.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com