ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

LABA IS CUNEYSA WARAABE ISKAMA CELISO  

Posted to the Web   March 25, 2002

WQ

Qamar Sharif Haashim-Luna.

lunas68@hotmail.com      

 

AAD  HALKUUW   WADNAHAA  DOONO  BANAADIRI AMA BUR-BURIYE.

 

AAN KA HADALNO DABEECADA SOOMAALIDA QAARKOOD.

 

Badanaa waxaan arkaa ama aan maqlaa in Qabiil Qabiilka kale u faano ama u hanjaba. Markay ka daalaan ayey u dhigtaan Majority iyo Minority ayna sii xun ugu faaloodaan ka dib ayey waxay ugu dhigtaan Minority may ka daaleen arrinta weyba is rogi alla ( OTHERS ) ayna ugu hadlaan sii qaabdaro aad ku hunqaaci.

 

Aniga waxaan la fajacaa Qabiilada isku garanaaya Majority markay doonaan ay yihiin somali markay doonaan ay yihiin Carab Qabiilada somali mid walbaba waxay ku abtirsadaan Carab ka dib ayan maqlaa Carabta.

Odey.Xiirey Qaasim WEHELIYE. Wuxuu ka hadlay asalka reer soomaali uu leeyahay Somalida waxay ka faracmaan Carab qaas ahaan Quresh waxayna kasoo degteen CAQIIL Caqiilna wuxuu ahaa HILL aabihii hiilne wuxuu dhalay Sab iyo Samaal. Bugaa waa .La Grande Faida boogga 106.

Marka gartay haddaan sidaas aanu walalo u nahay siday ku dhacday in la baabi'iyo reer Bin-Haashim ( Asharaafta ) iyo qabiilada reer banaadir ayna socotay mar hore arrimo la oran jiray IRIIR ama IRIIRNIMO ayna eheed koofur oo dhan waxaa leh Irir inkastoo ay socon weysey arrintaa illaahey amarkii iyagiiba is diiday sawabtoo ah waxaa ka dhex dhashay arrimahaan dad ogol irirnimo iyo dad diiday arrintaan ay leeyihiin Gobolka banaadir  dadbaan la  degen nahay    oo xeer naga dhexeeyey ahana dereskeyna alla dadkaas xagey jireen markii la baabi'iyey reer banaadir iyo dad kale oo dembi gelin dembigooda uu noqday qabiilkay ka dhasheen.

 

Soomalida qarkood waxay jecelyihiin inay ka hadlaan Qabiil,Tol,Jilib,Laf, ka dibna la imadaan Gob iyo Laan Dheer. Bal goormay dhamaan doontaa Qabiil iyo Qabyalad Aniga badanaa waxaan moodi jiray in soomaali ay yihiin dad walaalo ah ayna yihiin dhul wadaag dad badan ayey fikradeyda lahaa oo markii jabhada xamar soo galay ay is lahaayeen alla jabhaddii ayaa soo galay dowlad ayey ridi doonaan ileen dowlad keliya looma imaan waxaa kale loo yimid in shicibka la baabi'iyo in soomaali la baabi'iyo in anaan dib loo maqlin ummadd somali ama dal la yiraahdo soomaaliya oona maanta codowgooda ka faa'ideystay.

 

Maxaa inoo haray maanta waxaa inoo haray in la qabto shirar lagu doodo ama shirar leygu casumo aanan midna ka baaqan aan mar walba aan u ahaa heegan walaal kasoo qeyb gal shirkaan waayahay walaal oo maxaa laga hadli  somaliya iyo Haweenka iyo Qaas ahaan caruurta alla maa anigaa ka habsaami kara meel somali laga hadlaaya iyo Haween iyo kuwa aan aad u jeclahay Caruurta sawabtoo ah ( Jardiin aan Ubax Leheen Waa Aqal Caruur Leheen ) bal aanka qeybqaato aana cadkooda u celiyo Haweenka iyo Caruurta.

 

Waxaa la gaaray maalintii shirka dhacaayey waan aaday waxaan is lahaa bal aad u hadashid caruurta iyo haweenka walaal aad ayaad ugu mahadsantahay casumada aad ii dirtay  haye walaal Waa kuwaan hablihii midba middii kale ka qurux badan wiilashiina midba midka kale ka qurux badan Abaay reer Xamar maad tahay jawaab haa walaal reer Xamar ayaan ahay marka  Abaay yaad ka tahay reer Xamar illaah baa i leh maa anigaa intaas leygu koriyey bal aan u jawaabo walaal kuguma filna in aan ahay reer Xamar Tan ag taagan ayaa leh iska dhaf haday rabin inay kuu sheegto sow shirkii wuxuu ku furmay Qabiil wuxuu ku dhamaaday Qabiil bal aawi sooomaali nimada lanugu koriyey ama lagu faani jiray soomaali ayaan ahay aad moodeysid in aan aduunkoo dhan ka sareyno aan dunidoo dhan aqoon u leenahay baad moodi.

 

Waxaa kuu haray kuwa is mooda inay kaa caqli badiyaan in ay rabaan ama lagugu fahansiinaayo  Tan waa Others tan somali ma'ahan shir baad aadi ama meel soomaali ku buuqeysa waad geli waad salaami hee Af-Soomaali ayey ku hadleysaa Abaay soomaali maad tahay Markaas ayaad is leedahay   Sheekhiinta u yeero Sheekh Suufi,Sheekh Cali Maye, Sheekh Gendershe, Sheekh Cusmaan, Seekh C/Qaadir, Aw-Awes, Sheekh Qaasin Baraawa,Sharif Beyt, Sheekh.M.Khasaali.alla gebadhiina ayaa la yiri somali maat tahay oo markaas ayan is leeyahay Qamar oo maxaad owliyada ugu yeeran oo maxaad u dhibi hakaa nastaan ee kuwa ku leh somali maat tahay iska reeb haa soomaali ayaan ahay maya Abaay waad lnagu ciyaree adiga somali uma egtihid markaas waxaad is ledahay dadkaan weligood ma'aysan arkin reer Banaadir ama waxbay kuugu laabayaan marka aniga waxay illa tahay soomaali nimada inay noqotay Shabad hadddad Shabadaas leheen somali ma tihid bal aqoon darada  jirta eega.

 

Maxaa inoo haray  dadka isku sheega in ay yihiin dadkii hogaamin lahaa soomaali oo dhan ama odeyaashii ku leh anagaa  wax xalineyno kuwaasna waa dad noqday calooshood u shaqeeste ay shir waliba fariistaan ayey ku leeyihiin halkaan waxaan u fariisanay in leyska daayo qabiil iwm.

 

Ayna iyaga dabada ku sitaan  qabiil iyo qabyaalo  waxaa kale inoo haray Cullumadda bal Cullumadaan aqoonka u leheen iyagane waxaad moodaa in la aasay iyagoo nool oo booskooda la qaatay iyagoo nool mararka qaarkood waxaad moodaa in la leeyahay war waxba ma taqaaniin qarnigiina ama waqtigiina wuuw dhamaaday marka kuwa soo baxay wax ay qabteen oo aan hadda leenahay waa wax qabadka soomaali ma jirto kuwii hore waxaad moodaa in la af-duubay aysanba dib u hadli karin wadaad markaad maqashid qabiil kama dheera ogoow  qaas ahan kuwa cusub.

 

Waxaa ii haray DKMG iyagane ay u doodayaan inay xukumaan soomaaliya marna aysay i dhihin qallad ayaad gasheen dadkaan walaalaha eheen ayaan ugu yeernay ama aan ogolaanay in loogu yeero OTHERS  marka sidaan u taageeri ama u sharfaa dadka igu leh kuwa kale iyo xuquuqeyga lagu tuntay sidaan u dhihi karaa waa dowladeyda ama waa maddaxweynahey DKMG waa dad ummaddoda aqoon saneen hadaad shicibkaaga aqoon saneen maxaa xukumi ama u talin iyagane wax badan uma harin.

 

Soomaalida qaarkood maxay ku xun yihiin Kuwirka  iyo Isla weyneysiga ku jiro tusaale hadaan u qaato qofkii doona inuu wax u qabto soomaaliya ayey ku leeyihiin asaga ama iyada somaliba ma ahan maba ka hadli karo somaliya jaahil nimada iyagiina wax ay u qabtaan soomaaliya weyba yartahy. maxaa inoo haray in wiilashii noqdeen in ay ugarsadaan shicibka ama ay gidaarada fariistaan ayagoo waxba baran karin iskuul ma jiro hadduu jiro waa in aad qabiil xoog leh ka dhalatid kuwa soo koraayane waxaaba hurumar wey garsiin hubka nagu cawiyey Liibaya hubkaas maanta wuxuu noqday waxbasho iyo caafimad qalin muxuu kuu taraa qori ayaad heysataa miyaa laga toosi hurdada ama waa lasii seexan.

 

Shiinaha waxay ku mahmaahoodaan. Markaad Wax Tawdid Waa Sida Ciida Indhaha ka Galo Sidaad Ugu Saari Leheed Istecmaal Sii Tartiib ah. Mecneheeda sii maacan badan ugu saar.

 

Qamar Sharif Haashim-Luna.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.