Waxaan mar
hore aan ku adkeeyey in af-soomaali sii hagaag loo
istecmaalo waxaa ka mid ahaa ereyga KOOX ama
KOOXO. marka midaan wey u baahantahay in aan ku
dhawaqo koox sawabtoo ah DKMG waxay metelayaan
riwaayad ayna majaajilo ka dhigteen KUTI- KUTEEN.
Marka beryahaan
waxaa keliya laga hadlaayey.
GUDDOOMIYAHA
GOBOLKA BANAADIR
GOLAHA
BAARLAMANKA
BEDELIDDA
DASTUURKA
KORDHINTA
XUKUMADDA iyo BAARLAMAANADA
DEGMO iyo
GOBOL
Bal aan ka
hadlo gobolka Banaadir iyo degmooyika Guddoomiha
Gobolka Banaadir oo xaq iyo xuquuqba uusan u
leheen ayey DKMG ku magacaabeen Kooytada sheley
timid oo dhulka balaarsaday waxaaba kasii daran
in uuw diidsanyahay bedelitaankiisa kan
bedelidoono uu yahay Kooyto kale marka DKMG miyey
ku fikirtay in aysan xaq u leheen dadkay nugu
leeyihiin waa Guddoomiye Goboleed may mar ka
fikreen in reer Banaadir loogu kor yimid
deegeenkoodda dowlad iyo sharciba ka jiray nabad
oo ahaa dad sharafta jecel ama DKMG ayadaaba
kooyto ah bal sidaas bay u garanwaayeen deegaanka
reer Banadir.
GOLAHA
BAARLAMAANKA
Bal barlamaan
intaan wax ku qaban waayeen ma haday moodeen in ay
wax qabankaraan iyagoo ku jira hudheel bal
xildhibaanada ay kordhin rabaan bal tasu ma tahay
mid ummada wax u teri kara ama waa kursi badso ee
hala ogaado in aan boosaha kordhinay haday daacad
ay ka tahay Kooxada CARTA bal may soo celiyaan
dhulkay dadka ka dhacay iyo hantida,beeraha iyo
xukumaada Goboleed iyo xukunka dowlada ay ku xaq
leeyihiin reer Banaadir ay DKMG ay ku afduubeen
xuquuqda reer Banaadir bal maxaa looga arki waayey
wasiir reer Banaadir ama xildhibaan reer Banaadir
oo wax xukuma dowladeey soo celiya xuquuqda aad ku
tumateen oo ummadoo dhan.
BEDELIDDA DASTUURKA
Oo maxaad
bedeleysiin waaba taad ku tumateen qodobadii CARTA
aysa dowlada xaq dhoorin ayna dhaartooda noqday
dhaar dameereed Muqdisho markay ku laabteen waxay
bilabeen in ay xaafadaha reer Banaadir loo dhiibo
dad aysa weligood arkin magalo aysan aqoon u
leheen dhaqanka iyo nadaamka reer Banaadir oo ay
na tusiyeen in xafadaha reer Banaadir aysan manta
gelin oo dadkale galo oo loo xalaaliyey sidas
awgeed ayey ugu dhigeen guddoomiye Kooyto in ay
tusiyan aduunka ay leeyihiin laakiinse waxay
illoobeen in aduunka laga yaqaano xaafadahaas oo
loo aqoonsan yahay xaafado reer Banaadir iyo
deegaan reer Banaadir ogaada in sidaas loogu
aqoonsanyahay caalamaka.
KORDHINTA XUKUMADDA
Maa
xukumaaddaan naqiinay oo eheed kordhis kordhis
dhul dadeed iyo in lagu xukumo maxkamado uusan
jirin oo ah mid qabiileed sida lagu haayo reer
Banaadir baad la argagixiyo la aamusiyo dad hub ku
dul heysto la leeyahay iyagaa leh shabeelaha hoose
baarlamaanka xukunkaan xaq darada ah bey rabaan
in ay kordhiyaan tii eheed dhagax iyo muus
labadaba waad heysatiin ee waa dhulkiina iyo dad
aad xukuntaan aad baadaan maa tan baa.
BERYAHAAN MADAXWEYNAHA WUUW HADLAY BAL AAN
FAHANO.
M. C/QAASIN.
Argagexiso toban sano ayey nala joogtay dadka
ninka laaya wa murjin argagixisada waa tan diidan
"nabada" ayuuw yiri.
Hebel iyo
SHAATIGADUUD waxay diideen dib u heshiisiinta
NAIROBI. "Soomaaliya ha baaba'doi ilmuhuna yaanay
wax baran"SANKOH iyo MILOSEVIC maxkamad ayuu
aduunka geyey aniguna waxaan qabaa kuwaan ayaa ka
dambi badan ayuu yiri.
Marka
Madaxweyne C/QAASIN. Waa run toban sano ayey
joogaan argagixiso oo qati laga taaganyahay oo
lagu heshiiyey mar hore in la masaxo reer Banaadir
oo laga qaaday xuquuqdooda marka maxay DKMG ay hor
istaageen in maxkamad la marsiiyo madaama ay
baarlamaankaba ku jiraan gacankudhiigle aad
garaneysid siday ku noqotay in gacan-kudhiigle
xukumo soomaaliya ee soomalida oo yaa cafiyey
dadkas oo maxad u moodeen in affanta reer Banaadir
ay iyaga calooshooda u shaqeysto ay metelan reer
Banaadir oo dhan ama ay idiinku maslaxeen karaan
dhibatada ay reerkaaga u geysteen reer Banaadir
ayna ku wadaan illaa hada.
MUDANE.SHAATIGADUUD.
Wuuw astahillaa
in aanu ugu dhawaqno mudane oo kuwa
gacan-kudhiiglaha hadaad ka dhigteen wasiiro iyo
xildhibaano marka Shaatigaduud waa nin dhulkiisa
gumeysi lagu heystay xureeyey oona maanta lagu
sheegi karin nabad diid iyo in maxkamad la
marsiiyo wuxuuw haleyey weyba yartahay waa nin
dadkiisa sharaftooda u celiyey oo nabad ku nool
bal maxaad xeer ama dastuur ugu dhigan weyseen in
la maxkamadeeyo kuwa wax dhacay kuwa wax dilay
kuwa wax kufsaday marka qof allaale qofkii
arrimahiina iyo afaare qabiiladiina kasoo horjeedo
ayad u taqaanaan miyaa nabad diid aysan ku jirin
ra'ayigiina dhulbalaasiga oo la xalaaliyey.
Waxaa wasiir ku
xigenka arrima gudaha uu ku laha italiya waxaan
sameynay 25kun oo militer iyo 6kun oo askeri bal
kuwaas xagay ka baxeen aad sameyseen reer Banadir
waxay taaganyihiin dhibato aad u adag
tuugo,xoogitaan,baqsiin,baada sii socoto iwm.
bal haday
jiraan intuuw shegay wasiir ku xigeenka maxaa
loogu dhicin wayey ummada qaatiga tagan dadkaan ku
biirsaday dhul iyo hanti ama askartiina wey
hurdaan.
Marka haday
jirto in maxakamad ley hor dhigo waad ogtaa dadka
la hordhigi doono maxkamadaasa aan idiin
xussuusiyo dhibaatada gaartay reer BARI reer
WAQOOYI intaas wad la socotiin marka bal isku deya
in la helo dadka ka mas'uul ahaa dilitaankaas ka
dibna aan u fariisano kan maanta la garsiiyey reer
Banaadin marka la baabi'inaayey waxad eheed wasiir
arrimaha hore lagu heshiiyey wad ka warqabtay
sawab waxaad isla ehedeen USC runta haleysla garo.
run male nabad
male maxkamad male nabad male.
Reer Banaadir
badda ma aadikaran wa in la bixiyo canshuur
meykooda ma aasan karan suuq wax kuma iibinkaraan
bal dowlada aad sheegeysiin xaguuw joogaa aan ku
dacweynee dadka dhibatada ku haayo reer Banaadir
ee waxay idiinku talineyaan dadka nabada jecel in
aad ku celisan deegaankooda hore ee loo faraqeeyo
dadkii dhulkas lahaa tan waa shaqo dowladeed.
Qamar Sharif Haashim
-Luna