ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


LABA QEYRIIN KU QEYBSATAY BISEL ISKAMA COWRIYAN. 

Posted to the Web   April 29, 2002

WQ

Qamar Shariif Hashiim 

 lunas68@hotmail.com    


Ku. MUDANE. mohamed Raajis MOHAMED.

Ku. IMAAM.Mohamed Osman MAYE.

Ka.Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarada

MOVIMENTO DEI GIOVANI BENADIRI. Reer Bnaadir.


Avv. Raajir, Group-kaad ogeed ogeed oo kula orday kula qaday ku taageeray Group-kaad ogeed oo marna kala bixin ay sidooddii u socdaan sidaad ku ogeed halgankii reer banaadir ay marna ka habsaamin awood ahaan halgan dheer iyo isu xirnaanta ayaan weli sidii ayaan u wadnaa. aanan noqon aanan ku dayan reer banaadir-ka dalka gudihiisa ku haray ay noqdeen calooshiis u shaqeyste iyo dadkiis wax u dhin qaarna noqday dad kala qeybsan anaga marna ma'aanan qeybsamin waayo marna ma dhexgelin beenta iyo cadaalad xumada aad ogolaateen in lagu haayo dadkeyna. 

Avv. Inta shir aad ka qeyb gashay ayaan ku garab-taagneen aadna ogtihid halgankeyna nasiib daro shirarkaas wax la dhuuxa kama aysan bixin marwalba USC, Na hor-istaagay mar Cali Mahdi, inuu nagu yiraahdo USC, ayaa idiin matalaaya mar M.F.Ceydiid uu nugu yiri somali ma'ahan dadkaan marka intaas shir ahaa shir musuq-maasuq waa laga tagay.

Avv. Siyaasad wanaag ku jirin ayaad ku kacday waayo waxaad isbaheysi la gashay Cali Mahdi, ayadoo dhaawicii furan illaah mahaddii ururada uu guddoomiye uu u noqday waaba baaba'a haatan waxaan rajeyneynaa in aadan isbaheysi la gelin Cali Mahdi, sidduu nagu soo gaaray in loo doortay guddoomiye uu hogaamin doono 12 urur. 

Avv. Waxaan nahay dadkii kuu diiday in aad ka qeyb geshid shirkii CARTA ahaa shir Kuturi-Kuteeni nasiib daro waad na dhegeysan weydey Avv.Adiga iyo dadkii kale inoogu qeyb galay Carta ceeyb iyo qasaaro keliya ayaad inoogu hoyday oo waxaad dhegaha u dhigateen Qeybi ee Xukun waxaad yeesheen in Others la inoogu yeero tana waxay eheed in aad qeybgalka ka tegdaan waayo ma'ahan mid la yeelo.

waayo "CIISAHA" ayaa waa hore ugu yeeri jiray kuwa-kale qabiilada aan Ciisa eheen inkastoo qabiiladaas ay goob joog ka ahayeen shirkii carta ay illoobeen in loogu yeeri jiray ayaga ay marna idiin gacan qaban. 

Avv. Anaga sharaf inooma ahan in aan taageerno DKMG adigane sharaf kuuma ahan in aad kursiga inoogu fadhidid magaca Others waayo kuwa-kale waayo dhulkaaga ayaad ku nooshahay ee adigaa laguugu dul degay marka kuwa-kale waa ayaga Others beelayaasha. 

Avv. Waad ogtahay dadka Xamar-Weyne xooga kula degay oo deris xoog kula noqday waad ogtahay deggaanadeyna in "KOOYTADA" xukumaan waayo waa dad ka faa'ideystay dagaalkii sokeeyey ay xukunka qabteen aysan eheen tobankii Hawiye inala deeggaan wadaaga ahaa waa kooyto cusub. 

Avv. Kuwa isu sheegay dowlad dimoqraati ah marka waa dowlad ku ceybeyneyso waayo waxaad tahay nin cadaalad jecel oo xuquuqa-insaanka u halgamay nasiib daro ninkaad isu halgan eheedeen uu naga dhintay Avv.Ismacil Jumcaale, aan dib ugu laabto DKMG ee ceybta aad ka qaadi kartid midda ugu horeysa waa dowlad Ratsiista ah oo degsaday dastuur Naz-Fashista sida. 

QODOBKA 2aad.

Islaamku waa diinta qaranka. Tan la gartay aanu ku raacsan nahay. tan aad ka soo horjeedno waa isla xarafkii. Dalka laguma faafin karo diin kale iyo af-kaar kale oo ka horjeeda diinta islaamka.Tan oo kale weli lama arkin waayo haddii somalida ama muslinka ku nool dalalka masiixiga ah haday nagu yiraahdaan ereyo la eg kuwaan waxaan fillaa in lagu mudaahiro uuna yahay sharciyada jecel nazi-fashiistaha ama lanaga xirto masjidaheyna miyaan maalin ku oran karnaa dee na daaya dalkeyna xur ayaad ku tihiin waa maya intuu dastuurkaan ku socon doono.

QODOBKA 4aad.

Sharciga ayaa ka sarreeya cid kasta. Tan marna ma'aysan hirgelin waayo dhul-balaarsatada ayaa sharciga ka sarreeya.

QODOBKA 5aad.

Jamhuuriyaddu waxay aqoonsan tahay baaqa caalimiga ah ee xuquuqa aadanaha ee ummadaha midoobay guddoonsan tahay 10kii Disembar 1948kii, Marka dastuur kani DKMG wey hor istaagtay waayo waxay diideen in la dacweysto dulmiilayaasha iyo gacan-ku-dhiiglaha.

QODOBKA 19aad.

Golaha shacbiga looma qaban karo dacwad ciqaabeed, lamana weydiin karo su'aalo dambi la xiriira ect. 

Mecnaheedu waa mar warqad ayaanu ku aqoon sanay ee shaqo ayaanu ku leenahay ayaaba yar xuquuqa aadanaha waayo maalintii maxkamad timaado waxay ogyihiin in golaha oo dhan dhici doono marka waa in ay u qariyaan dembiila yaasha ayaa qodob kani loo sameeyey.

QODOBKA 23aad

Madaxweynaha. waa in uu yahay muslin ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin somali dhalad ah, uusan u guursan, haddana qabin oori ajnabi ah.

Marka.Avv. Abtiyoo ILLAAH baan kugu dhaarshay macquul ma yahay dastuur-ka markuu leeyahay labadiisa waalid yihiin somali dhab ah, waxay u dhigman laba arrin fool xun.

A. Midda ugu horeysa waa mid loogu talagalay qabiilada ku abtirsan HIIL ama SAMAAL marka la gaabiyo uu yahay Daarood,Dir, Hawiye. mecnehiisu uu yahay qabiilada loo bixiyey Others aysan eheen somali dhab ah waayo hiil farac uma galo.

B. Waxay hor-istaagi dastun-ka qaran-ka dhalinyarada ama odeyaasha leh hooyo ajnabi ama aabe ajnabi ahna muslin oo diinta muslinka lagu bar-baariyey leh dhalasho somali lagu dhalay somaliya qodob-kaan waa qodob ah nazi-fashiista ayna la mid tahay kuwa beryahani ku buuqay Yurubta oo daneeya keliya kuwa la diin ah ma la midab ah ama la dad ah dad asal kale leh u ogoleen inay siyaasada dalkooda dhex galo.

Qodobadaan ama wax la mid ah dalalka dimoqraatiga ah waa mid lagu madaahiro oo la hor is-istaago oo xuquuqa aadanka ka mamnuucan qodobadaan oo kale.

Bal hore haddana uu qabin oori ajnabi ah bal maa ayada na xukumi ama asaga.

QODOBKA 34aad

Ilaalinta iyo difaaca xuquuqa agoonta, tan la gartay mida aanan dhalinyarada banaadiriga garan anagoo dhan waa.Iyo dadka garaadkoodu dhiman yahay.

Bal af-somali waa mergi dhan walbaba u jiidmo miyoo haboon yahay eryo sidaan ah uu noqdo dastuur ama dastuur qaran ka muuqdo ereygaan waxay la dan leeyihiin dadka miirkooda fiyoobeen ama waa mid leysku qarinaaya erey habar-kuuleey.

QODOBKA 38aad

Dawladda KMG waxay hor joogsaneysaa ficilada qabyaaladda, eexda,boobka iyo musuq-maasuq.

Marka madaxweyne KMG miyuu akhriyey xarafkani dastuurka ka mid ah hadduu akhrin lahaa ma fillo inuu ku kici lahaa qabiil iyo eex qabiileed sidduu ugu dhawaaqay banaadir oo dhan dadkiisa iyo isma hurtooydiisa. 

Marka Avv. Inaas waxaan u qornay in uu indhaha kugu furmo waayo qofkaad tihid ayaan ognahay iyo halgankaaga xuquuqda aadanka marka ma'ahan mar in aad dhex fadhidid DKMG oo ratsiista ah Abti waxaan kaa codsaneynaa in aad isu timaadaan adiga iyo wiilka aad waalidka u tihid.Imaam.M.O.MAYE aad uga qeyb gashaan shirka IGAD diyaarin doono banaadir ahaan aadan ku tegen magac ku meel gaar ama ku meel ina matelo ama kuwa uu ku xirtay imaamka na metelo waayo reer banaadir ayagaa isu fillan waayo haddaad dadka na baabi'iyey aad ku xirataan waxaa naga lumaya magaceyna iyo muuqeyna labadiina hogamiye waxaad noqoneysaan dad aanan dad ka dambeen waayo haweenka reer banaadir iyo anagaba aad ayaan ugu xun nahay aad ku xirateen isma hurtooyda. 

Imaam. Adigane sidoo kale ma doono kala qeyb iyo ex banaadir iyo banaadir weyne intaas aqoon uma leenihi ee dadkaasna waa la ogyahay siyaasad ay ku wataan anaga uma baahni in lana ilaaliyo illaahbaa na illaalin karo oo dhibaatada naga dheeyreyn karo haddii kale anagaaba is huneyn karno aana diyaar u nahay in aan hub qaadano aan dadkeyna ku badbaadino markii horeba cullumadda ayaa na hor-istaagay haatan waan ka diidnay in lana hor-istaago sidaan u diidnay qeybi ee xukun ee sii deg deg ah xisbiga u nooleeya ee calankeyna banaadir aan luuq iyo laami walba ka muuqdo labada hogaamiye qaati ayaan idiinka taagan nahay waayo waxaad dhex gasheen siyasada qeybi ee xukun ee dhibaatada la inoo geystay ma'ahan mid la siman soomaali oo dhan waayo waa mid la inoogu tala galay marka shir deg deg ah oo lagu midoobo oo xisbi awood leh la tagtaan NEYROBI aadna u tagtaan magaca banaadiri oo ah guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen aad cadkeyni inoogu soo celisaan. 

1.In aad hor is-tagtaan kuwa jabhad ahaa oo bur-buriyey banaadir aysan marna isu sharxi karin xukun somali in maxkamad la hor-istaajiyo haddii dalka uusan maxkamad leheen dalalka inoo dhow ayaa lagu sameyn karaa sida loogu sameeyey Ruwanda waayo qof sharci ka sareeyo ma jiro. 

2.In aan doono "Confederazione" aan awood iyo xaqba aan u leenahay waayo waa dhulkeynii in qabiiladii inla deeggaan wadaag ahaa ay ku noolaan karaan waayo aqalo dad dhistay uma baahni diinteyna weyba kasoo horjeedaa boobka. 

3. In difaac iyo ciidan booliis inoo gaar ah aanu lahaano sida siyaasi iyo xukun gaarka aan lahaan doono waayo dadkii militerka iyo booliiska ahaa ugu weynaa anagaan eheen wax dib noo dhiga ayaaba ayar. 

4.Un genocidio piccolo piccolo. la inoo geystay ma'ahan in aad ogolaataan raali gelin waa maxkamad raali gelin diidnay koleyba wax na raali geliyey uuba jirin. 

5.Difaaca dhulkeyna iyo dhowridda ummaddeyna iyo adkeynta midnimada reer banaadir. 

6.Haddii labadiina idiin haayo jini ibheysi iyo iskaashi waad ogtihiin dadkaad la geli kartaan waa qabiilada kale loogu yeeray Others waayo qaar ayaanu isu dhiig nahay qaar ayaanu isu dhaqn nahay qaar ayaa dhaqankeyna heysta waayo waa qabiilo la xumeeyey sida la inoo xumeeyey sidaan viktim u nahay ayey u noqdeen waa dadkani dadkaad isbaheysi la geli kartaan oon anagane idiinku raaci karno aana idiin ogolnahay. VIVA OTHERS

Inta kale dastuurkeyna oo buuxa ayaan idiin hor dhigeynaa shirka IGAD qaba qaabineysa waayo telefanadiina cilad dhegeysi ayuu leeyahay. 

Avv. Raajis waxaad mar walbaba aad xusuus u yeelataa mahmaahdaan. " Indha Lacag Arkaya Cadaab Ma Arko" tana waa dadka aad haatan ku dhex jirtid.

Imaam.Mohamed. Adigane waxaad xususataa mahmaahdaan. " Nin Gu Kaa Weyn Gu Baas Kaa Weyn " marka ogoow in odey raajis uu mar walba uu ku dhali kara.

oo la idiinku baahan nahay isu dambeyn iyo is dhowr waxaan rajeyneynaa in ururada reer banaadir ay nagu deydaan iyo cullumada akhyaarta sii deg deg ah idiin dhex galaan.

ee mar walba xusuusta mahmaahda aan kor kusoo xusnay Imaam dhalinyaradaan seddex ayaad aqoon u leedahay aan seddex daas ka mid ahay ee inta kale ayaad baran doontaa. 

Hogaamiyayaasha reer banaadir anaga mid uma go'i karno waayo mid waa walaalkeyna odeygane waa waalidkeyna marka anaga mid keliya taageer ma siin karno waa in labadiina taageer naga heshaan siddaad inoogu heli leheedeen waa in uu noqdo hal xisbi. waa run reer banaadir laba xisbi ayey lahaan jireen haatan lama taagna waqtigii aan laba xisbi leheen waayo." Laba Is Cuneysa Waraabe Iskama Celiso"

Hddaad ugu tala gasheen in sayasad xumada nagu hogaamisaan marka waxaad u dan leedihiin bur-burka Qowmiyadda reer Banaadir iyo jiritaanka ummadda banaadiriga. 

Reer Banaadir adinkane waxaan idiin helay mahmaah ah WALOF marka walof waa qabiil ku nool Senegal oo luqadooda la siiyey dalkoo dhan.

Mraka waa. HADDAAD DHULKA TAALID MAS'UUL KAMA TIHID WAXAAD MAS'UUL KA TAHAY SIDDAAD U ISTAAGI LEHEED. 

Marka diidnay QEYBI EE XUKUN ma doono isma hurtooy hal xisbi tii hore asaloowga ahaa S.A.N.U-Banaadir aad nagu hogaamineysaan wiil iyo waalidkii ee BANAADIR WAAXID kuturi kuteeniga diidnay. 

MOVIMENTO DEI GIOVANI BENADIRI. 

 

Qormooyinkii Hore ee Qamar:


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.