ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

"Reer aan ogaa Ma Guuro" Dawaco ayaa Tiri, Banaadiri Iska Jira!

Posted to the Web   March 31,  2002

WQ.

Qamar Sharif Haashim-luna. 

lunas68@hotmail.com      


Midda ugu horeysa waxaan  u mahad celin walaalaha oo mar alaale noo ogol in an wax ku qorano webkooda ayagoon eegin qabiil iwm ayna mar walba noogu soo qora boogga aniga kuma abtirsadi Daarood,Hawiye,Dir. middda aan wada wadaagno waa soomaali nimo deris nimo muslin nimo iyo qabiilo aan wadaagno Xeer u gaar ah.

Sidaas awgeed aanan midba eheen ayey iigu qoraan qoraalada aan u diro iyagoon is weydiin miyey tahay reerkeyni ama ma'ahan sidaan u daremay qabiilo kale ayaana ku qorta webkaan waxay noqdeen kuwa somali waxa u qabta ayna ogeysiyaan waxa ka dhaca dalkeyna ayagoo mar walba istecmaala sii dimoqraati ah si wadani ah si walaalnimo ah ayna qabiil ka dheeryihiin  Allpuntland aad ayaan idiinku mahad celin ee waara.

 

Waxaan kale mahad u jeedin lada web kale ayagane sidaas u shaqeysta aysan eegin wax qabiil ah iyo qabyaalo ah.

 

www.markacadeey.com  iyo www.ecoglobe.org.nz/benadir

ayagane ay yihiin dad qabiil iyo qabyalad ka dheer aadna waxaad u dirtaan la soo geliyo ayagoon is weydiin qofkaad tihid iyo qabiilkaad tihid marka dimoqraati waa loo dhashtaa waana la noqdaa. waad ku madahsantihiin.

 

Waxaan dhegta u dhigtay in  ay jiraan dhibaatooyin ah webab ku shaqo leh qabiil taana waa run weyna igu dhacday webabka laga dhibaateysan yahay in aan wax u dirto aana jawaab iyo soo gelin ka waayey marka waxaan idiin leeyahay qoraalayaasha waxay soo qortaan waa in lagu qoro webkiina haddii kale maxaadba u furteen maanta waxaan ku noolnahay dalal ah dimoqraati oona ka mamnuun ah in qoraalaha been laga sheego ama lagu sameeyo Censura ( Shensuro) taasna meel lagu gaaro weyba yartahay ama waxaad ka mid noqoneysiin sida kuwa eegin qabiil ama iska xira qabiil meel uu gaaro weyba yartahay midda kale kuwa isku dilahaya qabiil ayaba meel ku gaari  waayey mana fillo in adin kane meel ku gaari kartaan.

 

 

WASIIRKA  KOOWAAD " CULUMA'UDIINKA WAA INAY TAAGEERAAN DOWLADA KU MEEL GAARKA AH"

 

Wasiirka koowaad. Xasan Abshir FARAX iyo  Wasiirka Cadaalada Sh.Maxamud Cumar FARAX .

 

Waxay soo shiriyeen culumada reer banaadir waxaan la fajacay DKMG oo aysan weligood dhegba u dhigay dhibatada reer banaadir ayna weligood culumada reer banaadir aysan daneen oona lagu casumin shirkii Carta miyey tahay wax na taageero ayaa la la'asan yahay ee u yeera koleyba ma diidi karaan waa laga xoog badan yahay qof shelay gogol kuu garan may maanta ku ogol xuquudaada.

 

Beryahaan waxaa dhashay in kii walba oo macawiska u xidho sida goonada oo kale oona ger dheereysto ayaa lagu tilmaamaa Wadaad culumada la sheegay oo ma'anagaa garan mey yihiin kuwaan aqoonta u leheen ama waa kuwa hada calooshood u shaqeysta kuwey ahadaan jawaab wey heleen DKMG " hadaad xaq wadaan way hergeli ujeedadiina, hadaadse baadil ku dhax jirtaan meel aad tegeysaan ma jirto"

 

Marka DKMG in ay yihiin dad xishoon aysana aqoon u leheen dhaqanka reer banaadir sawabtoo ah markay geeri sii malafillaan ah ugu timid culumada reer banaadir DKMG aysan dhowrin in la gaaro toddobadii casho lagu dhameen lahaa tacsida ay ku leeyihiin culumada ayaan iskugu yernay culumada reer banaadir ayaa kedis ugu timid geeridii Marxuum.Ahmed ABBA. Waa ina Sheekh ABBA Hadaysan dhowreynin dhaqanka reer culumada reer banaadir qaas ahaan Sheekh ABBA waa sheekh ka wada dhexeeyey soomaali oo dhan qaas ahaana dadkay dereska ahayeen ayna awliyadoodda isku xirnaa.

 

Marka miyey noqon kartaa in la shiriyo culumada reer banaadir kana maqan waalidkii reer banaadir ma tahay shir ay  dhihi karaan reer banaadir waa shir aan aqoon sanahay waa maya haduu waalidkii uu ka maqnaa.

 

waxaan kale aan la fajacay in aysan u dirin wax tacsi ah waalidkii reer banaadir sawabtoo DKMG waxay leeyihiin webab u gaar ah iyo raadiyo noqday mid ay leeyihiin oo miyey ugu tacsiyoodeen taasna ma'aan arkin mel ay ugu soo qoreen tacsidii.

 

DKMG haddaad dooneysiin in aad xukuntaan reer banaadir barta siday tahay dhaqnkooda ee ka dib ayaad dhihi kartaan anaga wax xukuna ee beenta aad ku daadineysaan reer banaadir iska daaya aad mar kala qeybiseen hadana waxaad u dhigateen in aad kala qeybisaa culumadeyna illaah ayaan u mahad celin aysan idiin dhegeysan ayna aqoon idiin lahaayeen bartee ee markaas ayaad wax xuku kartiin.

 

Waxaad kale ogaataan in aysan eheen culumada reer banaadir sida kuwa hada soo baxay ahna qabiil iyo calooshiis u shaqeyste kuwaas mahmaah ayaan u haayaa ayna idiin qusan tahay adinkane.

 

(WADAADKU QIIL U KA BAYNEYSTO IYO MIDI U KA QASHO IYO QANDI UU KU RITO MIDNA MA WAAYO)

 

Qamar Sharif Haashim-luna.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.